Sidee bay ciidamada amaanka ee Kenya gudaha ugu galeen xadka Itoobiya oo ay dil uga geysteen

Xigashada Sawirka, Social media
Ciidamada ammaanka Kenya oo ka soo tallaabay magaalada Mooyaale ee dalka Itoobiya ayaa la shegay inay dileen hal qof, mid kalena ay xireen, sida ay BBC-da u sheegeen xubno ka tirsan qoyska iyo mas'uuliyiinta deegaanka.
Ninka la sheegay inay toogteen askar ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa lagu magacaabaa Cabdub Wariyo, wuxuuna ahaa maamulkii iyo sarkaalkii ammaanka tuulo ku taal xadka Itoobiya.
BBC-da oo la hadashay walaalka nin ay ciidamada ammaanka Kenya ku dileen Mooyaale ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa aabaha todobo carruur ah.
"Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka soo tallaabay xadka Itoobiya, waxayna ku dileen 02 villages oo magaalada Moyale ka tirsan," ayuu yiri.
Cabdub Wariyo waa maamulka tuulada iyo taliyaha amniga."Booliska Kenya ayaa ka soo tallaabay xadka, waxayna isku dayeen inay qabtaan nin Itoobiyaan ah.
"Sideed xuduudahayaga u soo geli kartaan oo aad dadka u xiri kartaa? Sideed ku tagi kartaa Kenya? ayaa intaa raaciyeen ddaka BBC la hadlay.
Ma jirin wax dhibaato ah oo dhanka ammaanka ah ka hor inta uusan falkaasi dhicin, wuxuuna intaasi ku daray in Booliska Kenya aysan horay u soo gelin xuduudka Itoobiya oo ay dambiyo noocan oo kale ah ka geysan.
Dadka ayaa cambaareeyay dilka, waxayna sheegeen in aysan jirin dhibaato kale oo ilaa hadda jirta balse aysan garaneyn waxa dhici doona mustaqbalka.
"Wax dagaal ah ma dhicin, waxay si hoose uga soo gudbeen xuduudka Itoobiya, si ay dadka u xiraan" ayuu yiri qofka BBC la hadlay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kenya oo ku aadan dhacdadan. BBC-da oo isku dayday in ay la xiriirto ayaanay u suurtagelin inay jawaab hesho.
Duqa magaalada Mooyaale, Galma Korophicha, ayaa BBC-da u sheegay in dilka uu ka dhacay gudaha xadka Itoobiya.
"Ma jirin wax dhibaato ah oo dhanka dowladaha labada dal horay uga yimid, ayuu intaa ku daray.
"Waxay si wanaagsan ugala shaqeeyeen dawladda Kenya dhinacyada horumarka iyo diblomaasiyadda labadaba,"
"Dadka ku nool xudduudaha labada dal waa isku dad In kasta oo xudduudaha la kala dhex dhigay, haddana dad qur ayaan nahay. Balse dilkan ayay geysteen," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxay soo galeen xuduudka iyagoo leh waxaan raadineynaa dambiile, haddii qof dambi galay, qoraal nagu weydii. ayuu yiri Duqa magaalada Mooyaale.
"Markaanu niri waanu soo qabanaynaa oo soo wareejinaynaa, dhibaato baa ka dhacday. Cabdub Waariyo waa uu diiday in uu wax ka qabto, wayna dileen, hal qofna way qafaasheen." Ayuu yiri.
Mr. Galma ayaa sheegay in labada mas'uul ee federaalka iyo booliska Oromiya ay joogaan.
"Dadweynuhu aad bay uga xumaadeen dambigaas, markii ay bilaabeen inay is-weydiiyaan sida ay arrintani noogu dhici kartaa, waanu dajinay dadka, annagu haddaanu nahay dawladda Itoobiya waan daba-geli doonnaa oo xallin doonnaa," ayuu intaa raaciyay.
"Qofka ay raadinayaan nooma aysan sheegin dambiga uu galay," ayuu yiri Galman. Waxaan bilownay wada hadal" ayuu raaciyyaraaciyay.
Duqa degmada Mooyaale ayaa sheegay in imika ay xaalada deggan tahay, dadkuna ay si caadi ah u bilaabeen ganacsigooda.
Waxa uu sheegay in aysan arkin Ciidamada Kenya ee falkaasi geystay islamarkana ay si deg deg uga soo baxeen goobtii uu falka ka dhacay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku aadan dilkaasi.
Mooyaale waxa ay dhacdaa koonfurta dalka Itoobiya waana magaalo ku taalla xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Kenya.
Laamaha Socdaalka iyo Canshuuraha ee labada dal ayaa isku dhinac ah, waxaana la og yahay in shacabka labada dal ay yihiin ku wada ganacsada oo is dhexgala.













