Dagaallada ku soo noqnoqday Mooyaale muxuu Salka ku hayaa?

Magaalada Mooyaale oo xadka Itoobiya ay la wadaagto Kenya ku taallo dagaalla beeleedyada ku soo noqnoqday waxay magaalada ka dhigan furin dagaal taasoo sababtay shacabka magaaladaasi iney cabsi iyo amni la'aan bilooyin ku soo noolaadaan.
Magaalada Mooyaale dagaallada ka dhacaya waxay u dhexeeyaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo lahaanshaha magaalada isku haysto oo maamulka magaaladana muddo u kala qaybsaneyd labada deegaan calammadoodana ay ka wada babbanayeen.
Rabshadaha iyo dagaallada ku soo noqnoqday magaalada Mooyalana waxaa ku dhintay dad badan iyada oo qaar kalana ay ku barakaceen.
Dagaallada labada deegaan ee Soomaalida iyo Oromada ku dhex maraya magaalada Mooyaale deegaan weliba wuxuu kan kale ku eedeeynayaa inuu colaadda isagu billaabay.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyey dagaallada magaaladaasi ka dhacay dad badan ayaa ku dhintay, ku dhaawacmay, kana qaxay guriyahood oo ku sugan xerooyin barakacayaal oo ku meel gaar ah.
Sida ay BBC u xaqiijiyeen dad magaalada ku nool dagaallada maalmihi la soo dhaafay ka socday magaalada ugu yaraan waxaa ku dhinatay 20 qof.

Madaxa xafiiska degmada Mooyaale eexisbiga ODF Cali Techa wuxuu BBC u sheegay "dagaalladan soo cusboonaaday iney ka dambeeyaan dableey ka tirsan ururka al-shabaab, liyuu boolis iyo qaar horay uga tirsanaa ciidamada qaranka oo hub culuculus adeegsanaya waxayna magaalada Mooyaale ka dhigeen Muqdisho oo kale"
"Dhibaatada ka taagan Mooyaalana ay ku wargeliyeen Dowlad Deegaanka iyo Dowladda dhexeba, balse ay weli jawaab ka helin, ciidamada Federaalka ee deggan Magaalada Mooyalana ay ku guul darreysteen iney dagaallada magaalada ka dhacaya joojiyaan."
Dagaalka muxuu salka ku hayaa?
Suldaanka Beesha Garre ee Soomlida oo dagto magaalada Mooyaale Suldaan Maxamed Xasan Gabaaba wuxuu sheegay dagaallada magaalada ka socda iney Oromada hubeysan ka dambeyso. "dadka xadka ka soo tallaaba oo had iyo jeer dagaalka nagu soo qaadayana ay yihiin beesha Booran oo Oromada ka tirsan"
Dhibka magaalada ka dhacayana waxaa mas'uuliyaddeeda qaadaya ayuu yiri dableeyda Oromada, anagu waxaan ku jirnaa isdifaacid oo keli ah maadaama ay Booran xadka ka soo tallaawday ay dagaalka nagu soo qaadday"
"Suldaan Maxammed wuxuu intaasi ku daray dhibaatada taagan si xal looga raadiyo shir nabadeeyn ah oo ay dowladda dhexe iyo labada dowlad deegaan ay isugu yeereen iney wakiillada Oromada ay qaadaceen shirka nabadeed ee la qaban rabay."
"Waxaanna halkaasi ka caddeynay inkasta oo odayaasha Oromada shirka diideen inaan annagu marwalba nabad dooneyno. Shir kaa xigay oo Addis Ababa la isugu kaanna yeerayna waxaa sida oo kale inuu ka soo qayb galo diiday Abbaa Gadaha Oromada (beesha Booran). Odayaasha shirka imaadayna waxay shirka ka caddeeyeen iney nabad diyaar u ahayn shirkanna wey ka dareereen."
Ugaaska Oromada (Abbgadaha) muxuu yiri?
Ugaaska Beesha Booranta ee Oromada Aba-gada Kuraa Jaarsoo oo BBC u warramay wuxuu isna sheegay "Dhulka Booranta waxa iibinaya iney tahay dowladda hadda jirta. Dhibaatada taaganna dowladda ayaa sabab u ah. Dhibaatada iney xal u raadisana waxaa looga baahnaa dowladda."
"Inta ay magaalada Mooyaale laba calan (Kan Soomaalida iyo Kan Oromada) ka wada baabbanayaan iney marnaba magaaladu nabad noqoneyn."
Aba-gada Kura wuxuu intaasi ku daray "Soomaalidu waxay dhawaan sameeysteen gobol la yirahdo Dawa marka waxay doonayaan ayuu yiri iney Mooyaale caasimadda Gobolka ka dhigtaan marka waa iney doonitaankaasi joojiyaan."
"Aftidi 2004-tii ka dhacday magaalada ma ahayn Afti ee waxay ahayd dhul boob" sidaa darteed dowladda iyada oo Taariikhda lahaanshaha dhulka dib u eegeyso go'aan ha gaarto ayuu yiri.
Aftidii 2004-ta ka dhacday Magaalada Mooyaale.
Dowladda Itoobiya ee xilligaasi jirtay waxay afti ka sameeysay dhul badan oo ay Soomaalida iyo Oromada isku hayeen oo ay ka mid tahay Magalada Mooyaale.
Waxaana aftida ay ka dhacday inta badan degmooyinka ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromada.
Soomaalidana aftida xilligaasi la qaaday si kastaba ha u dhacdee waxaa Soomliada aftida looga qaatay dhul aad u badan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Nageyle, Jinacsaneey iyo Baabili.
Aftida Mooyaalana xilligaasi waxaa ku guuleysatay Soomaalida balse dowladdi jirtay raalli kama noqonin natiijada aftida maadaamaa ay Soomaali ku guuleysatay.
Wixi xilligaa ka dambeeyey magaalada waxay xaruun u ahayd Maamullada labada degmo ee Mooyaale oo Soomaalida iyo Oromada kala leeyihiin laamiga magaalada ayaana kala qaybinayey labada maamul.

Magaalada Mooyaale maxay labada deegaan isha ugu hayaan?
Magaalada Moyaale:
1- Waa magaalo ganacsi oo ku taallo xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Kenya;
2- Waa magaalo ay mareyso waddada ganacsiga ugu weyn uu ku dhex mari doono Kenya iyo Itoobiya iyo qaar ka mid ah waddamada Geeska Afrika oo Itoobiyana dhismaheeda ay waddo Kenyana dhankeeda ay ka soo gabagabeeysay;
3- Magaalada waxaa loo soo wadaa tareen magaalada Addis Ababa ilaa iyo Mombasa isku xiri doono oo ay dowladaha Kenya iyo Itoobiya ku heshiiyeen;
4- Waxay noqoneysaa xaruun Korontada Itoobiya ay damacsan tahay iney ka iibiso Kenya iyo waddama kale oo Kenya daris ah la ah laga maamulo;
5- Waxay noqoneysaa magaalo Itoobiya ay u isticmaasho sida dekadda (Dry Port) maadaamaa ay Itoobiya dooneyso iney isticmaasho dekedaha Kenya.
Marka Oromada waxay dooneysaa iney magaalada gabi ahaanba qabsato oo ay iyadu la wareegto si ay faa'idooyinkaasi faraha badan ay u hesho.
Soomaalida waxay difaacaneysaa dhulkeeda oo ay aaminsan tahay iney leedahay isla-markaana aftida 2004-tii ku guuleysatay balse dowladda ay ku gacan bidaxeysay in lagu wareejiyo.












