Dhallinyaro is abaabushay ma soo afjari karaan colaadda xadka Orommada iyo Soomaalida?

Ugu yaraan 7 qof ayaa inta la og yahay ku dhintay dagaal ka dhacay degmada Mooyaale ee ku taalla xudduudda Kenya iyo Itoobiya.
Ilo ay BBC la xiriirtay oo deegaanka ku sugan waxay sheegeen in ugu yaraan 13 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka.
Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Tan iyo shalay ayuu dagaalku socday, waxaana la sheegayaa in ay jiraan guryo iyo xafiisyo weli gubanaya.
Ma jirto cid weli kala dhex gashay, wararkuna waxay sheegayaan inuu dagaalku weli socdo.
Iyadoo ay dagaalahan jiraan ayaa dhalinyarada qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida dalka Itoobiya waxa ay wadaan dadaallo nabadeed.
Dhalinyaradan oo ka kala socota qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxay dhawaan ku heshiiyeen in khilaafka iyo isku dhacyada labada qowmiyadood u dhaxeeya ay iska kaashadaan sidii loo xalin lahaa.
Shirkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay dhalinyarada qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida ay ku qabteen magaalada Jigjiga.
Dhalinyarada labada dhinac ayaa waxa ay shirar ku qabteen meel kala duwan iyaga oo labada shacab ku boorinayay in ay nabadda ka shaqeeyaan.
Rajadooda inta ay la egtahay
Dhalinyaradan waxay billaabeen barnaamij ay ugu magac dareen iscafis iyo midnimo oo ay ka bilaabeen caaimadda Adisababa iyo magaalada Jijjiga kaa oo ka hana qaaday meelo badan oo dibadda ah sida dalka Mareykanka.
Barnaamijkan ayaa waxa uu soo jiitay dhalinyaro aad u badan oo aad u soo dhaweeyey, waxa aana taa la gaarsiiyey gobollo badan.
Dhallinyaradan ayaa waxa ay sheegeen inaysan ahayn kuwa isabaabulay balse ay yihiin arday wax ka baratay gudaha dalka Itoobiya oo ka soo jeeda labada dhinac oo ujeedadooda ay tahay sidii isbadel ay ugu keeni lahaayeen dadka deegaanka, ayagoo siyaasad ka madax bannaan" anaga siyaasiyiin manihin siyaasiyiinna nama wadaan" ayey tiri Filsan Cabdulaahi Axmed oo ka mid ah dhalinyaradan.
Dhalinyaradan ayaa mar wax laga weydiiyey inay oday dhaqameedyada iyo dowladaha ay saamayn ku leeyihiin arrinkan ayaa waxa ay ku jawaabeen "Runtii labada dowladoodba, oday dhaqameedyada, dowladda dhexe, ugaasyada iyo aqoonyahannada wey nagula jiraan"Filsan Cabdullahi Axmed gudoomiyaha dhalinyarada labada quumiyadood ee Oromada iyo Somalida oo go'aansaday in ay nabad u horseedaan quumiyadahooda.
Bishii July, warbaahinta qaranka ee dalka Itoobiya ayaa baahisay muuqaal tusinaya qowmiyadda Oromada Itoobiya oo maydadka dad Soomaali ah oo ay xabaalaha ku riixayan.
Laanta Afka Oromada ee BBC ayaa sheegtay in muuqaalkan oo si weyn baraha bulshada loogu wadaagay uu ahaa dad u dhashay qowmiyadda Oromada ee ku nool wadamada dariska ee Djibouti iyo Soomaaliya.

Qaxootiga Oromo ee ku nool Jabuuti ayaa BBC u sheegay in la jirdilay, dukaamadana laga dhacay, ka dib markii muuqaalkan la shaaciyey.
Si ay u sii ballaariyan ololahan ay wadaan dhalinyaradan ayaa waxa ay sidoo kale aasaaseen hay'ad lagu hormarinayo dhalinyarada oo ka shaqaynayso guud ahaan dalka Itoobiya, iyagoo sheegay inay marka hore ka shaqa billaabayso meelaha ay dagaan Soomaalida iyo Oromada "hay'adda waxaa nagula jira dadka daga deeegaanada Itoobiya oo dhan taana waxa ay cadaynaysaa in hay'adda ay doonayso inay ka shaqayso midnimada dalka Itoobiya, tabaruucad ahan ayaan ku bilawnay ha'adda haddana waxaa naga go'an inaan midayno qowmiyadaha ku nool gudaha dalka Itoobiya.











