Muxuu la xiriiraa dhoolatuska milatari ee Masar ay la sameynayso dalal kala duwan

Dalal badan ayaa kormeer ka ah marka laga tago kuwa ka qyab galaya

Xigashada Sawirka, English.ahram

Ciidamada Difaaca ee Masar ayaa Axaddii shaaciyay in ay sii wadi doonaan dhoolatuska milatari ee wadajirka ah ee Medusa-14, kaasoo haatan ka socda guud ahaan goobaha hawlgallada badda Dhexe, Saldhigga Milatari ee Maxamed Naguib iyo dhowr saldhig oo diyaaradeed oo Masar ay leedahay.

Sida uu sheegay afhayeenka milatariga, tababarkaan oo bilowday toddobaadkii hore, wuxuu ka koobnaa casharro dhowr ah oo ku saabsa aragti iyo kuwo ficil ah oo lagu mideynayo fikradaha hawlgallada ee ciidamada ka qaybgalaya, isla markaana loogu talagalay qorsheynta wadajirka ah ee howlgallada badda si loo xoojiyo iskaashiga iyo awooda tababarka guud.

Ciidamada cirka ee dalalka ka qaybgalay ayaa samayay duulimaadyo badan oo loogu diyaar garoobayo bartilmaameedyada dagaalka cirka si loo gaaro awood wadajir ah, halka ciidanka gaarka ah ee Masar iyo saaxiibadood ay sameeyeen layliyo rasaas toos ah, iyaga oo muujinaya heer sare oo diyara garow ah iyo xirfadda.

Cutubyada cirka u booda (paratroopers) ee dalal kala duwan ayaa sidoo kale sameeyay dhoolatus, iyagoo wadata calamada qaran ee dalalkooda waxaana ay ku dul degayeen aagga Piramidka Giza, taasoo muujinaysa isku-duubni iyo wada shaqayn xooggan oo ka dhex jirta ciidamada.

Ka qaybgalayaasha ayaa tilmaamay muhiimadda tababrkaan Medusa-14, iyaga oo xusay in uu muujinayo madal muhiim ah oo lagu isdhaafsado khibradaha milatari isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga ciidamadeed ee dalalka saaxiibka ah.

Dhoolatuskan milatari ee wadajirka ah ee "Medusa-14" wuxuu isku keenayaa ciidamada ka socda Masar, Griiga, Qubrus, Sacuudi Carabiya, iyo Faransiiska, iyadoo ay weheliyaan 12 dal oo kormeeraal ah.

Dhoolatuskan ayaa loo arka amid muhiim ah dhinacyo kala duwan si gaar ah Masar iyo Giriigga.

Xigashada Sawirka, English.ahram

Tababarka weyn ee hawada iyo badda ee "Medusa 14" ayaa si buuxda uga soconaya aagga Alexandria, ee dalka Masar, iyadoo uu bilowday 16-kii bishaan laguna wado in uu socda ilaa 26-ka Nofembar.

Tababarkani, oo toban sano ka hor bilowday ayaa ujeeddooyinka laga leeyahay waaa sidoo kale ka mid ah iskaashi laba-geesood ah oo u dhexeeya Giriigga iyo Masar, kaas oo hadda noqday mid ka mid ah tababarada ugu adag uguna caalamisan ee Bariga Dhexe iyo Badda Dhexe. Dalalka dhoolatuskaan kormeeraya waxaa ka mid ah Talyaaniga, Mareykanka, Tuuniisiya, Morocco, Urdun, Kuwait, iyo dalal kale oo badan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyada oo laga duulayo kororka xasilooni-darrada Bariga Dhexe iyo tartanka sii xoogeysanaya ee ku saabsan xakameynta waddooyinka badda iyo marinada tamarta, "Medusa 14" waxay leedahay qiime hawleed oo weyn iyadoo isla mar ahaantaana gudbineysa farriin cad oo ka dhan ah hanjabaadaha.

Giriigga iyo Masar, oo ay weheliyaan saaxiibbadood, soo bandhigaya wejiga marinka-biyaha Suweys ciidamo hawada iyo badda oo caalami ah oo awood u leh inay ka shaqeeyaan deegaan khatar badan leh oo badda, hawada, iyo dhulka ah.

Isla biishaan Masar iyo Sacuudiga ayaa wada sameyay tababar-ka Mowjadda Cas ee 8-daad (Red Wave 8) kaas oo ka dhacay Sacuudiga, iyadoo ay ka qeybgalayaan ciidamada badda ee dalalka Masar, Sacuudiga, Urdun, Suudaan, Yemen, iyo Jabuuti, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidammada Qalabkasida ee Masar.

Tababarkaan, oo soconayay dhowr maalmood, wuxuu ka koobanaa casharro aragtiyeed oo loogu talagalay in lagu mideeyo fikradaha howlgalada wadajirka ah ee dhammaan ciidamada ka qeybgalayay.

Tababarka wadajirka ah ee Masar-Sacuudiga ee Red Wave 8 wuxuu sidoo kale ku jiray qorsheynta iyo fulinta howlgalada badda ee wadajirka ah, iyo tababarka looga hortagayo khataraha badda ee aan caadiga ahayn.

Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidammada Qalabkasida ee Masar, layligu wuxuu ka qaybqaadanayaa horumarinta xirfadaha iyo kor u qaadidda is-weydaarsiga khibradaha ee ciidamada ka qeybgalaya.