Masar oo dekad cusub ka dhisanaysa dal ku yaalla Geeska Afrika iyo Itoobiya oo ka walaacsan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa jira warar sheegaya in Masar ay qorshaynayso in ay dekad ka dhisato dalka Jabuuti.
Labada dal ee Jabuuti iyo Masar ayaa sannadkii la soo dhaafay kala saxeexday heshiis ifhan oo u oggolaanaya Masaarida hirgelinta hawshaasi.
Tallaabadanay Masar qaadday ayaa timid xilli Itoobiya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin badeed joogto ah.
Itoobiya ayaa inta badan ku tiirsan dekadaha dalka Jabuuti oo ay kala soo degto badeecadaheeda islamarkaana ka dhoofiso alaabaha.
Khurabaro ayaa BBC-da u sheegay in aanay weli caddayn sida ay Itoobiya u aragto tallaabdan ay Maasirdu qaadeen ee ah in ay dekad cusub ka dhisanayaan dalka Jabuuti, laakiin waxa ay timaamayaan in dhinca kale ay noqon karto tallaabo walaac amni ka dhalisa gobolka.
Sida uu sheegay wargeys ka oo baxa Itoobiya oo la yidhaahdo Capital, waxaa la filayaa in dhawaan la saxiixo heshiiska Masar ay ku dhisi doonto deked cusub oo ku taalla Jabuuti.
Sababo la xidhiidha xiisadda biyo-xidheenka ee Masar kala dhaxaysa dalka Itoobiya, waxa la sheegayaa in Qaahira ay xoojisay cilaaqaadkii ay la lahayd Eriteriya.
Muxuu yahay qorshaha Masar
Waxay u muuqataa in Masar ay damacsan tahay in ay maalgashi weyn ku samayso Jabuuti, oo deris la ah Itoobiya.
Toddobaadyada soo socda, waxaa la filayaa in wufuud uu hoggaaminayo Raysalwsaare ku xigeenka Masar, Kamal al-Wazir uu booqasho ku tago dalka Jabuuti, halkaas oo la filayo in heshiiska lagu dhammaystiro.
Kahor booqashadooda, Agaasimaha Dekedaha Jabuuti, Abubakar Omaar Haadi, ayaa soo dhaweeyey xubno ka socday Masri ku socotay isla markaana la yeeshay wadahadallo.
Masar waxay qorsheyneysaa in ay dhisto xarun 20MW oo ku shaqeynaysa tamarta qorraxda ee dekedda SGTD, halkii laga isticmaali lahaa koronto ka timaadda shabakadda.
Maxaa Itoobiya u qorsheysan?
Saameynta tallaabada Masar ay ku leedahay dekedda ay Itoobiya isticmaasho weli si cad looma oga.
Itoobiyana si furan arrintan uma hadlin.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay u arkaan dhaqdhaqaaqan Masar mid walaac gelin kara gobolka Geeska Afrika.
Dr. Nagaraa Guddataa oo falanqeeya arrimaha gobolka ayaa u arka ujeeddada Masar si kale: "Masar waxay leedahay dekedo badan, dekedda ugu dhow halkan, haddii la dhiso, waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa Itoobiya sababtoo ah khilaafaadka iyo loollanka kla dhexeeya Itoobiya ee ku saabsan Webiga Niilka," ayuu yidhi, isagoo tilmaamay in tani tahay aragti si weyn loo arko.
Khilaafka Masar iyo Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Itoobiya iyo Masar ma ahan dalal deris ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa u dhexeeyey xiisado iyo "cadownimo" muddo sannado ah soo jiitamayay.
Tani waxay ka horreysay dhismaha Itoobiya ee biyo-xidheenka webiga Niilka.
Khubaro ay hore BBC-du u waraystay waxay tilmaameen in labada dal aanay weligood cadow ahayn balse mararka qaar ay sidoo kale lahaayeen "cilaaqaad " xooggan.
Mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa muddo dheer marar kala duwan sheegaysay in Masar ay taageerto kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dawladda, islamarkaana ay hub siiso.
Is-barbardhig: Awoodaha milateri ee Itoobiya iyo Masa
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbixin la daabacay 2020-kii ayaa tilmaamaysa in marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar lagu qiimayn karo in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga.
Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkan 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida.
Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas.
Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.
Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.
Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux.
Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.
Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya.
Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.
Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya.













