TPLF oo ka digtay dagaal ba'an oo ay mar kale la galaan dawladda Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters
Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso hadalkii Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu toddobaadkan bilowgiisii ka sheegay Baarlamaanka Federaalka ee dalkiisa.
Bayaanka TPLF ayaa lagu sheegay in hadallada dowladda federaalka ee sii socda ay keeni karaan xiisad dagaal oo cusub, islamarkaana haddii wareeg dagaal oo kale uu qarxo ay taasi keeni karto khatar weyn iyo dhibaato ba'an oo dalka soo wajahda.
Bayaanka kooxdaasi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay "ka shaqeynayso sidii ay heshiiskii Pretoria uga dhigi lahayd mid aan wax micno ah lahayn," ka hor inta aanay wadahadal la yeelan dalalka iyo hay'adaha caalamiga ah.
Bayaanku wuxuu intaas ku daray: "Iyadoo la jebinayo heshiiskii Pretoria, dowladda ayaa halkii ay hubka uga saari lahayd xoogagga hubaysan ee ku sugan gobolka Tigray, waxay si xoogan u hubaynaysaa ciidammadeeda."
Si kastaba ha ahaatee, bayaanku wuxuu timaamay in shacabka Tigray iyo TPLF ay si dhammaystiran ugu shaqaynayeen sidii heshiiska nabadeed loo hirgelin lahaa dhammaan dhinacyadiisa.
Sida lagu sheegay bayaanka, dowladda federaalka ayaa heshiiskaas u dhigtay arrin farsamo oo keliya, taas oo keentay in aan si dhab ah loo hirgelin.
Bayaanku wuxuu xusay in kaddib dagaalkii ka dhacay Tigray, aqoonsigii sharci ururka laga qaaday, islamarkaana loo aqoonsaday in uu yahay "urur argagixiso."
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa hore u sheegay in uu ka qaaday aqoonsigii sharci ee TPLF, isagoo ku sababeeyay in ururku ku lug lahaa dagaal hubeysan.
Waxa kale oo bayaanku lagu xusay in kaddib wada-hadallo soo noqnoqday oo lala yeeshay dowladda federaalka, la isla gaadhay heshiis lagu soo celinayo aqoonsiga sharci ee ururka.
Hase yeeshee, guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in si TPLF mar kale loo aqoonsado, ay khasab tahay inay dib isu diiwaangeliso sidii xisbi siyaasadeed cusub, maaddaama ururka oo jiray in ka badan soddon sano aanu sharci ahaan sii wadan karin aqoonsigii hore. Sidaas awgeed, arrintu weli waa mid muran sharci ahi uu ka taagan yahay.
Heshiiskii Pretoria
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arrin kale oo TPLF bayaankooda lagu xusay waxay la xiriirtaa aragtidooda ku aaddan dadka Ra'iisul Wasaare Abiy Ahimad ku tilmaamay inay ka qaybqaateen wada-hadallada heshiiskii Pretoria.
Bayaanku waxaa lagu yidhi: "In kasta oo heshiiska ay wada saxeexdeen TPLF iyo dowladda federaalka, haddana geeddi-socodka ay ka qaybqaateen dadka matalayay hay'adaha iyo kuwa saxeexay heshiiska ayaa loo qaaday dhinac shakhsi ah."
Raysalwasaare Abiy oo khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka wada-hadallada ka qaybqaatay iyo kuwa heshiiska saxeexay aysan ahayn hoggaamiyeyaasha TPLF ee hadda ku jira xaalad adag oo u dhexeysa Tigray iyo dowladda federaalka.
Bayaanku wuxuu sidoo kale xusay in dadka matalayay Tigray ee heshiiska saxeexay ay yihiin kuwa muhiim ah, isagoo intaas ku daray: "Heshiiska Pretoria waxaa saxeexay Jeneraal Tsadkan, Getachew Reda, iyo Assefa Abirahaa."
Sidoo kale, bayaanka TPLF wuxuu xusay in doorashadii gobolka ee ay hormuudka u ahaayeen TPLF ay ahayd mid sharci darro ah in la baabi'iyo, nidaamkii sharci-darrada ahaa ee gobolka la burburiyo, dowladda xilliga kala-guurka la dhiso, hubka la dhiibo, iyo dadka barakacay ay dib ugu laabtaan guryahooda, taasoo dhammaantood qayb ka ah heshiiska.
Raysalwasaare Abiy ayaa ku dooday: "Qarinta hubka iyo tababarka ciidan ma aanay ka mid ahayn waxyaabaha lagu heshiiyey," isagoo eedeeyay TPLF in ay caqabad ku noqotay hirgelinta heshiiska Pretoria.
TPLF ayaa jawaabtay bayaankaas iyadoo sheegtay: "Heshiiska ma ahan in la eego cidda saxeexday ama waxa la yiri, balse waa in lagu saleeyaa sida qodobbada ku jira heshiiska loo fuliyo ama loo diido."
'Dagaal laba bilood ah...

Xigashada Sawirka, EBC
Raysalwsaare Abiy ayaa Golaha Shacabka u sheegay in "dagaalkii ka dhacay Tigray aanu sida qaar sheegayaan u dheeraanin. Haddii la tiriyo howlgalladii milatari ee Tigray lagu qaaday, dagaalku wax ka badan laba bilood ma uu socon, inkasta oo qaar ay u maleeyeen in uu dagaal dheer ahaa. Laakiin taas ma aha xaqiiqda."
Wuxuu intaa ku daray, "dagaalkii ka dhacay Wollega ayaa ka badan kii Tigray."
Si kastaba ha ahaatee, bayaanka TPLF wuxuu sheegay in hadallada Raysalwsaaraha Itoobiya ay ahaayeen isku day lagu dhimiyo dhiig-baxa sannado badan socday. Waxay lagu yidhi bayaanka "Maaddaama dowladda Itoobiya ay ku guuldareysatay hirgelinta heshiiskan, dagaalkii labada sano socday oo dhiig badani ku daatay, islamarkaana waan meesha laga saari karin wareeg kale oo soo noqda."
Laga bilaabo bilowgii dagaalka Tigray bishii Noofembar 2020 ilaa heshiiska la gaaray bishii Noofembar 2022, kumanaan qof oo rayid ah ayaa la dilay, waxaana dhaawacmay dad badan oo kale.
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa muujineysa in boqolaal dumar ah la kulmeen tacaddiyo galmo iyo in kumannaan qof oo gudaha iyo dibadda ku barakacay.
Xiisadda hadda taagan
Khilaafka iyo eedeymaha u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa markale soo ifbaxay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya bishii Sebtembar ee la soo dhaafay wuxuu qoraal u diray Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in TPLF iyo Eritrea ay ciidamada iska kaashanayaan oo ay qorsheynayaan inay weerar ku qaadaan Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinacba eedeyntaas way diideen, iyagoo dhinaca Itoobiya sheegay inaysan jirin wax weerar ah oo qorsheysan.
Dadka Tigray iyo falanqeeyayaashu waxay ka walaacsan yihiin in wareeg kale oo dagaal ah uu ka dhici karo gobolka, maaddaama Tigray uu horey uga soo baxay laba sano oo dagaal hubeysan, islamarkaana aysan awoodin inay ka badbaadaan colaad kale oo hubeysan.










