Qalalaasaha Tigray: TPLF oo gacanta ka taagatay dagaalka Itoobiya

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Tigray ayaa socday in ka badan hal sano

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Tigray ayaa socday in ka badan hal sano
    • Author, Abdishakur Asowe
    • Role, Digital Journalist

Hoggaanka TPLF ayaa beesha caalamka u diray wax u eg "qeylo dhaan" ay uga codsanayaan inay ka caawiso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa dagaalka.

Xoogagga Tigray ayaa lagu soo warramayaa inay dib u gurasho sameeyeen, ayna ku laabteen gobolka Tigray, tallaabadaas oo waddada u xaari karta xabbad joojin iyo 'in la furo wadaxaajood nabadeed'.

Afhayeen u hadlay TPLF ayaa sheegay in kooxdu ay dib uga baxday gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar(Canfar). Getachew Reda ayaa bayaan uu shalay soo saaray ku xaqiijiyay ka bixitaanka TPLF ee labada gobol.

Hase yeeshee waxa uu intaas ku daray in fallaagadu ay sii wadi doonaan "inay dhulkooda ka difaacaan halis kasta".

"Waxaan dhammeystirnay howsha aan xoogaggeenna uga saareynay gobollada Amhara iyo Afar labadaba. Sidaas awgeed waxaan aaminsan nahay mar haddii aan sidaas sameynay in aan meesha ka saarnay marmarsiiyo walba oo ay beesha caalamka uga cago jiideysay inay ka dhaadhiciso Abiy Axmed iyo xulafadiisa gobolka joojinta ololaha xasuuqa ah ee ka dhanka ah Tigray," ayuu yiri.

Hoggaamiyaha guud ee TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa isagana goor sii horreysay warqad u qoray Qaramada Midoobay, taasoo uu uga codsaday inay nabad ka abuurto Waqooyiga Itoobiya.

Qeylo dhaantan ayaa u muuqata mid ka turjumeysa in hadda ay xoogagga fallaagada ee Tigray gacanta ka taagteen dagaalka.

Itoobiya

Hase yeeshee, waxay su'aal ka taagan tahay in dowladda federaalka Itoobiya ay aqbali doonto nabad, maadaama ay muddooyinkii dambe guulo waaweyn kasoo hoyisay dagaalka socda wax ka badan hal sano.

Dr Cali Sheekh Axmed Dhagaweyne, oo ku xeel dheer arrimaha amniga iyo militariga ayaa aaminsan in ay adag tahay sida uu maamulka federaalka ku oggolaado arrintaas.

"Markii ay dowladdu oggolaatay inay joojiso dagaalka oo si nabad ah gargaarka loo gaarsiiyo meelaha loo wado TPLF way ku gacan seyreen, wayna ku qosleen oo waxay ka dhigeen wax ciyaar ah, hadda markii xoog looga saaray in iyaga tooda laga aqbalo ma dhici karto sida caadiga ah," ayuu yiri.

'Ninkii roonaada ayaa reerka u haraya'

Sida uu sheegay khabiirkan, Itoobiya ayaa dhaqan u leh in marka uu dagaal dhaco aan nabad la qaadanin, ilaa meesha ugu dambeysa la isla gaaro.

"Taariikhda markii aan eegno, reer Itoobiya ma aha dad si nabad ah wax ku kala qaata, arrintoodu waa 'ninkii roonaada ayaa reerka u haraya', marka cid walba awood unbaa lagu muquuniyaa mooyaane cid jacayl cid lagu muquuniyo ma jirto," ayuu yiri Dr Cali Sheekh Axmed.

In hadda ay TPLF ku dhawaaqaan ka bixitaanka gobolladii ay horay u qabsadeen - iyagoo ku micneynaya nabad raadin - ayuu ku tilmaamay farsamo dahsoon.

"Waxay ila tahay in ay tahay xeelad dagaal oo sir ah ama ay qarsanayaan waji gabax, sababtoo ah, dagaal waa sir, marka cidna kuma oraneyso 'waa la i jebiyaye waan baxay', laakiin xaqiiqada halkan taalla waa in si xoog ah looga bixiyay.

ciidan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dagaalka ayaa billowday wax ka badan hal sano ka hor kaddib markii khilaaf siyaasadeed oo xoog leh uu soo kala dhex galay hoggaanka TPLF iyo dowladda uu horkacayo Abiy Axmed oo xilka qabtay sanadkii 2018-kii.

TPLF ayaa xukunka Itoobiya gacanta ku heysay in ka badan 25 sano, haddana waxay maamulaan inta badan gobolka Tigray.

Maxaa ugu dambeeyay?

Waxaa jira warar sheegaya in militariga federaalka Itoobiya laga yaabo inay gudaha u galeen magaalada Alamata, oo ah goob lagu muransan yahay oo ku taalla koonfurta gobolka Tigray.

Tallaabadan ayaa haddii ay dhab tahay noqoneysa markii ugu horreysay ee ay ciidanka dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed dib cagta u saaraan aagaggaas tan iyo xagaagii lasoo dhaafay ee bartamihii sanadkan.

Xoogagga Tigray ayaa markii ay ka baxeen Amhara iyo Afar rajeynayay in la gaaro xabbad joojin. Afhayeenka Tigray, Getatchew Reda, oo wareysi siiyay BBC-da ayaa dalalka adduunka ugu baaqay inay xukuumadda Addis Ababa ka dhaadhiciyaan qaadashada xal siyaasadeed.

Askari

Xigashada Sawirka, AFP

Ciidamada federaalka ayaa saacdihii lasoo dhaafay dib ula wareegay magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, oo ka mid ah goobaha u diiwaangashan Qaramada Midoobay, iyadoo caan ku ah kaniisado dhagaxa buuraha laga qoray.

Tan iyo markii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed tagay jiidda hore ee dagaalka, waxaa isasoo tarayay guulaha ciidankiisa oo dagaal kharaar kula jiray TPLF.

Kooxda fallaagada ah ayaa cadaadis xoog leh lagu saaray duqeymo xagga cirka ah oo ay dowladdu u adeegsaneysay diyaaradaha drones-ka ee ay ka heshay Turkiga.

Kumannaan qof ayaa lagu dilay dagaalka gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya, halka malaayiin kalena ay ku bara kaceen. Ku dhawaad 10 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani'aadannimo oo deg deg ah.