Qalalaasaha Tigray: 'Dowladda ayaan nahay waana ognahay waxa aad sameyneysid'

Wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Girmay Gebru, oo ka mid ahaa saxafiyiin lagu xiray magaalada Maqalle, ee caasimadda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ee uu dagaalka saameeyay, ayaa sharraxaya sidii ay wax u dhaceen.
Waxaa la i xiray maqribnimadii maalintii dhalashadeyda.
Waxaan u maleynayay ciidanka ku hubeysan qoryaha gacanta in ay ruux kale raadinayeen markii ay isku gadaameen maqaaxi aan ku qaxweynayay oo ah meesha aan sida joogtada ah ugu kala warqaadanno dadka saaxiibbada ila ah maalin Isniin ahayd.
Hal askari ayaa gudaha soo galay qof walbana u sheegay in uu isdajiyo, waana sheekeysannay. Laakiin daqiiqado yar kaddib waxaa noo yimid labo askari oo dhar cad ah oo ka tirsan sirdoonka.
"Kumaa tahay adiga?" ayuu mid ka mid ah ku qeyliyay.
"Noo sheeg magacaaga!"
"Waxaan ahay Girmay Gebru," ayaan ku idhi.
Dharbaaxo wajiga ah
"Haa, waa adiga qofka aan raadineynay." Bannaanka ayaana naloo bixiyay aniga iyo shan kale oo saaxiibbadeey ah.
Kaddib, dad badan oo nagu soo xoomay hortooda, markii aan dhiibay labadeyda kaar ee aqoonsiga dalka iyo aqoonsiga shaqo ee BBC-da ayuu hal askri oo sirdoon ah dharbaaxo wajiga iiga dhuftay.
Askari kale ayaa iga qabtay oo ku yiri ka jooji, islamarkiina waxaa la i saaray gaari ay ciidanka leeyihiin.
Wax walba si deg deg ah ayey u dhacayeen, oo xitaa fursad nalooma siinin inaan weydiinno waxa naloo qabtay.

Dagaalka Tigray

Xigashada Sawirka, AFP
- Dagaalka wuxuu qarxay 4 November 2020
- Dowladda Itoobiya ayaa howlgal militari ku qaadday xisbiga TPLF si ay xukunka uga ridaan kaddib markii xoogagga Tigray ay weerareen saldhig ay ciidamada federaalka ku lahaayeen gobolkaas
- Tobannaan kun oo qof ayaa u barakacay dhinaca waddanka Suudaan, (sida sawirka kore uu muujinayo)
- Adeegyadii Internet-ka iyo telefoonnada ayaa la jaray suxufiyiintana looma oggoleyn inay kasoo warramaan gobolka
- Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaalka uu dhammaaday dabayaaqadii bishii November, laakiin dagaalku wali wuu sii socday
- Waxaa jira walaacyo laga qabo in lagu xadgudbay xuquuqda aadanaha, sidoo kalena waxaa laga walwalsan yahay sida ay tahay xaaladda bani'aadannimo

Xitaa markii aan nimid xerada militariga ee magaalada, waxba nalooma sharrixin.
Laakiin mid ka mid ah sirdoonkii ayaa igu yidhi: "Girmay, Dowladda ayaan nahay waana ognahay waxa aad sameyneysid maalin walba - waxa aad ka hadleysid, farriinta aad direysid. Waan ognahay waxa aad ku quraacatid, ku qadeysid, ku casheysid."
"Ii sheeg waxa aan sameynayay," ayaan ugu jawaabay. "Ii sheeg waxa aan dirayay."
Tan iyo markii uu dagaalka billowday bishii November, waxaan warar u dirayay BBC-da anigoo la ii sheegay in waxa ugu horreeya ee aan ka fakaro ay tahay badbaadinta nafteyda.
"Adiga ayaa lagaa rabaa in aad ii sheegtid waxa aad sheegeysay. Waad ii sheegi doontaa hadhoow," ayuu yidhi.
Hal wicitaan

Taasi ma aysan ahayn su'aalo weydiin balse waxay ahayd hanjabaad.
Telefoonnadeennii waa nalaga qaaday laakiin hal askari oo militari ah ayaa dib noogu soo celiyay si aan hal wicitaan u sameyno.
Xaaskeyga way walaacday marka aan u sheegay waxa dhacay laakiin waxaan u sheegay inaan fiicanahay oo aysan u baahneyn in ay iga walwasho.

Si fiican ayaa naloola dhaqmay intaan joogtay saldhigga, laakiin lixdeenna waxaan ku khasbaneyn inaan dhulka seexanno qolkii aan ku jirnayna waxaa naloogu keenay caagag aan musqul ahaan u isticmaalno.
Inteenna badan waan argagaxsaneyn waana ka walwalsaneyn waxa dhici doona. Hurdo way iga soo dhici weysay.
Subaxdii, ciidanka sirdoonka waxay ii sheegeen inay doonayaan in ay baaraan gurigeyga, laptop-keyga iyo telefoonkeygana qaataan si ay uga rogtaan xogta. Hase yeeshee ma aysan baarin gurigeyga.
Urka qashin qubka
Waxaa kale oo ay rabeen in ay i weydiiyaan xog ay ka doonayeen maskaxdeyda, sida ay ii sheegeen.
Laakiin wali ma aysan noo sheegin sbabta ay noo soo qabteen.
Waxaan isku qabay kalsooni maadaama aanan wax khaldan sameynin.
"Anigu waxaan ahay wariye. Waxaan ahay qof xor ah wax walbana waad i weydiin kartaan," ayaa idhi.
Laakiin wax su'aal ah la ima weydiinin, Subaxdii talaadadana waxaa naloo kaxeeyay saldhig boolis oo ku yaalla bartamaha Maqalle, si naloogu xiro.
Xaaladda meeshaas ayaa ka xumeyd sidii hore.
Waxaa la i galiyay xabsi yar oo aan sariiro lahayn, oo cabirkiisa aan ku qiyaasay 2.5m by 3m, 13 qof oo kalena way igula jireen. Aad buu u kululaa, urka qashin qub noo dhawaana wuu uga sii darayay xaaladda.
'Waxaa dadkii ila xirnaa siiyay maaskaro'
Mar kale waxaa nala siiyay caagag aan musqul ka dhiganno habeenkii. Laakiin waxaan ka walwalsanaa sida aan u isticmaali doono anigoo waxa caloosheyda galay oo dhan ay ahayd hal oronjo oo kaliya.
Qof dhinaca midig iga xigay ayaa qufacayay, waxaana ka baqay in uu igu dhaco fatraska corona. Nasiib wanaag qaar ka mid ah saaxiibbadeey ayaa ogaaday meesha la ii waday waxaana u suuragashay in ay noo keenaan maaskarooyin iyo dareeraha jeermiska lagu dilo, kuwaasoo aan u qeybiyay maxaabiistii kale.

Sheekooyin kale oo ku saabsan dagaalka Tigray:
- 'Xaaskeyga waxay mataano dhashay annagoo ka dhuumaneyna ciidanka Itoobiya'
- 'Sida aan uga badbaaday dagaal 11-saacadood ka socday gobolka Tigray'
- Geerida nin indhaha naafo ka ahaa oo arrin shaaca ka qaadday
- Shan waxyaabood oo caan uu ku yahay gobolka Tigray
- Masjid ay "asxaabtii nabiga dhiseen" oo lagu burburiyay dagaalkii Tigray

Aroornimadii hore ee Arbacada, askari boolis ah ayaa ii yimid wuxuuna ii sheegay in aan alaabteyda soo qaato, isagoo igu wargaliyay inaan gurigeyga aadi karo.
Laakiin ma jirin wax sharraxaad ah oo la iga siiyay sababta aan u xirnaa, inkastoo aan ogahay in ay BBC-da ka dalbatay dowladda Itoobiya sababta aan xabsiga u galay.
Xaaskeyga, hooyadeey iyo carruurteyda dhammaantood guriga ayey joogeen markii aan kusoo laabtay farxad ayeyna la ilmeeyeen.
Waxa aan walwalka ugu badan ka qabay wuxuu ahaa inaan xanuunsado inta aan xabsiga booliska ku jiray. Hadda waxaan dareemayaa nafis waxaana rajeynayaa inaan nasiino helo.










