Qalalaasaha Tigray: Shan waxyaabood oo caan uu ku yahay gobolka Tigray

Colaadda Gobolka tigray ayaa weli taagan inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay qabsatay magaala madaxda gobolka ee Mekelle. Dagaalkaas waxaa ka dhashay qasaare naf iyo maalba leh. Gulufkaan oo dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo xoogagga TPLF waxaa ku barakacay kummanaan shacb ah, kuwaas oo gaaray Suudaan.
Haddaba muxuu gobolkan caan ku yahay?
1. Boqortooyadii Aksum waxaa xurun u ahaa gobolkan: Waxaa lagu sifeeyey mid ka mid ah ilbaxyadii ugu waaweynaa ee horay u soo maray dunida. waxay mar ahayd dowladdii ugu xoogga badneyd ee u dhexaysay boqortooyooyinkii Roomaanka iyo Beershiya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2. Burburka magaalada Aksum oo hadda ay leedahay Hay'adda Aasaarta ee Qaramada Midoobeey: Goobta, oo ka bilaabmaysa inta udhaxeysa Qarnigii 1aad iyo kii 13aad ee AD, waxaa ku yaal dhismayaal waaweyn, qalcado, qabriyo boqortooyo iyo kaniisad.
3. Inta badan dadka ku dhaqan gobolka Tigray waa masiixiyiin haysta madhabta Orthodox-ka ee Itoobiya: Diinta masiixiga ayaa gobolka Tigray lagu beeray 1600 oo sannadood ka hor.
4. Luuqada ugu weyn ee gobolka waa Tigrinya, taasi oo ay ku hadlaan ilaa toddoba milyan oo qof oo ku nool dunida.
5. Sisinta waa dalagga ugu muhiimsan ee ka baxa gobolka: Waxaa loo dhoofiyaa Mareykanka, Shiinaha iyo waddamo kale.







