Qalalaasaha Tigray: Abiy Axmed, Nabaddoonkii gobolka muxuu dagaal u doorbiday?

Abiy Axmed

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Abiy Axmed ayaa sheegay in la amray howlaglkii ugu dambeeyay ee ka dhan ah TPLF ka dib markii waqtigii loo qabtay uu ka dhammaaday (Sawir hore)

"Aniga waxay ila tahay in Itoobiya aysan hadda dagaal u baahnayn. Ma doonayo in la igu daro dadka jeceyl in ay tallaabo militari qaadaan. Waxa aan doonayo in aan Tigray u diro ma ahan rasaas, ee waa gafuur-xirka cudurka coronavirus", ayuu yiri Abiy Axmed oo ka hadlayay doorashadii ay qabsadeen maamulka Tigray oo dowladda dhexena ay diidanayd, ee bishii September.

Xilligaas wuxuu sheegay in dowladdiisa aysan wax dagaal militari ah la gali doonin Tigray.

Balse maanta, wuxuu Ra'iisul Wasaaraha hoggaaminayaa duullaan ka dhan ah hoggaamiyeyaasha TPLF.

Dagaalka oo galay isbuucii seddaxaad waxaa la soo sheegayaa in boqollaal qof ay ku dhinteen.

Hay'adaha gargaarka waxay sheegayaan in kumannaan qof ay ka barakeceen colaadda. Sidoo kale illaa 40 kun oo qof ayaa u qaxay dhanka dalka jaarka ah ee Sudan. Qaramada Midoobeey waxay ka digeysaa dhibaato bini-aadamnimo.

Abaalmarinta nabadda iyo dagaalka

Abiy Axmed ayaa ku guuleystay billadda Nababadda ee Nobeel-ka, waxayna guddiga sheegeen inuu biladda ku muteystay doorkiisa xalinta khilaafaadka xadka ee kala dhexeeya Ereteriya, iyo kor u qaadista nabada iyo dib u heshiisiinta dalkiisa iyo guud ahaan Bariga Afrika.

Sannadkii 2018-kii Abiy waxaa uu dhaxlay waddan uu hareeyay khilaaf aan la xallin karin oo ka jiray xuduudda dhanka woqooyi, oo ah gobol ay xasillooni darradu si weyn dib ugu dhigtay horumarkiisa dhaqaale.

Dhawr bilood gudahood, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday Eritereya oo ah dal ay Itoobiya la gashay dagaal culus.

Si hadafkaas loo gaaro wuxuu Abiy ballanqaaday in uu wareejin doono dhul si aad ah loogu muransanaa, gaar ahaan magaalada Badme, oo ah halkii ay ka dhaceen dagaalladii cuslaa, sanadihii 1998-kii iyo 2000, kuwaas oo tobannaan kun oo qof ay ku naf waayeen.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale lagu amaanay in uu Itoobiya u horseeday isbadallo muhiim oo dhanka dimuqraadiyad ah iyo dadaalkiisa xallinta khilaafaadka meelo kale oo gobolka ka mid ah.

Aabihii Axmed Cali oo geeriyooday sannad ka dib markii uu xilka Ra'iisul Wasaaraha qabtay wiilkiisa, wuxuu Abiy ku tilmaamay "wiil saaxiib la ahaa qof walba." Wuxuu hadlkaas ku sheegay wareysi uu siiyay BBC, bishii July, 2018.

Abiy Axmed ayaa sannadkii la soo dhaafay ku guuleystay abaalmarinta nabadda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Abiy Axmed ayaa sannadkii la soo dhaafay ku guuleystay abaalmarinta nabadda

Muddadii yarayd ee uu xafiiska joogay, Abiy waxaa uu door muhiim ah ka ciyaaray dhexdhexaadinta goballada kale ee xiisaduhu ka jireen.

Waxaa uu sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaatay in militariga Suudaan ee xukunka dalkaas la wareegay iyo mucaardka ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan, ka markiimuddo mucaaradku ay wadeen dibad-baxyo baahsan oo ka dhacay Khartuum iyo meelo kale.

Wadahadallada labada dhinac waxay horseedeen in la sameeyo dawladda ku-meel-gaar ah oo awood wadaag ah.

Intaa waxaa u dheer, in uu isku dayay inuu gacan ka geysto sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Eritereya iyo Jabuuti, ka dib sannado colaad siyaasadeed iyo mid xuduud ay ka dhex jirtay labada dal.

Abiy wuxuu sidoo kale isku dayay inuu dhexdhexaadiyo Kenya iyo Soomaaliya oo khilaafka muddo qaatay uu ka dhex taagan yahay kaas oo la xiriira xadka badda ee labada dal.

Wuxuu si firfircoon uga qayb qaatay wadahadaladii nabadeed ee u dhaxeeyay Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir, iyo hogaamiyaha mucaaradka, Riek Machar.

Wuxuu fududeeyey kulan u dhexeeya labada hoggaamiye bishii Juun ee sannadkii hore oo ka dhacay Addis Ababa, inkastoo heshiis nabadeed la saxiixey bishii Agoosto ee la soo dhaafay, aan weli si buuxda loo dhaqan gelin.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa mar ciidamo gadoodsan ku amray in ay jimicsi sameeyaan si xanaaqa uu uga baxo

Xigashada Sawirka, WALTA TV

Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha ayaa mar ciidamo gadoodsan ku amray in ay jimicsi sameeyaan si xanaaqa uu uga baxo

Balse waxaas oo dedaal ah, waxay hadda khuburada ku tilmaameen iney noqonayaan hal bacaad lagu lisay, sababo la xiriira dagaalka khasaaraha badan dhaliyay ee ay dowladdiisu kula jirto xoogagga gobolka Tigrey ee TPLF.

Dagaalkan waxaa ka dhashay khasaaro naf iyo maalba leh, waxaana sidoo kale ku barakacay shacab badan oo ku tabaaleysan xeryo qaxooto ah oo ku yaalla dalka ay dariska yihiin ee Suudaan.

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay dambiyada dagaal ee ka dhici kara deegaanka Tigraay maadaamaa ay ciidamada Itoobiya howlgalkoodi ugu dambeeyey oo ay ku qabsanayaan magalada Makelle ay billaabi karaan, marka uu dhammaado muddadi ay dowladda dhexe u qabatay xoogagga TPLF iney isku soo dhiibaan.

Waxaan lagu soo warramayaa in dagaalkaas ay boqollaal qof ku dhinteen, kumannaanna ay ku barakaceen.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay walaac ku abuurtay hanjabaadaha dagaalka la xidhiidha oo maalmihi u dambeeyey ka soo yeedhayey ciidamada Itoobiya oo ay ku sheegeen iney u dhaqaaqayaan sidii ay ku qabsan lahaayeen caasimadda Tigray ee Makelle oo ay ku nool yiihiin dad ka badan 500,000 oo qof.

Waa kuma Abiy Ahmed?

Taariikhda Abiy waxay ku xiran tahay sida qof walba u eego, iyo meesha uu ka akhristo.

Waa Ra'iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Oromo ah - Waa qowmiyadda hoggaamineysay isu soo baxyo dalkaas ka dhacayay muddo seddax sano ah, kuwaas oo dowladda lagu diidanaa, waxaana ku dhintay dad badan.

Mid ka mid ah sababaha ay Oromada u soo bexeen waxaa ka mid ahayd in la faquuqay siyaasad, dhaqaale iyo dhaqan ahaanba, in kastoo ay yihiin qowmiyadda ugu badan Itoobiya.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasaddu, waxay ku tilmaameen Abiy inuu yahay siyaasi fiiro dheer oo aqoon ciidan leh iyo mid tacliineed oo heer sare ah leh.

Markii Abiy Axmed uu xukunka la wareegay, wax kasta way isbedeleen.

Wuxu ku dhashay magaalada Agaro ee gobolka Oromiya, wuxuuna ka soo jeedaa qoys iskugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin. Waa 42 sano jir waxaanu xisbiga OPDO ku biiray dabayaaqadii sideetameeyadii. Wuxuu ahaa isbeheysi ay ka koobnaayeen xisbiyo uu TPLF ugu awood badnaa.

Abiy Axmed

Xigashada Sawirka, Reuters

Wuxu galay ciidanka oo waxa uu ka gaadhay darajada Kornayl, sidoo kale, waxa uu ka mid noqday ciidamo nabad ilaalineed oo Itoobiya u dhashay oo Qaramda Midoobay u dirtay Rwanda.

Wuxu ahaa ninkii aasaasay wakaaladda nabad gelyada internet-ka ee dalka, taas oo agaasime uu ka ahaa, intii u dhaxaysay 2009 iyo 2012. Ka dibna waxa uu noqday wasiirka Sayniska iyo Tiknolojiyadda.

Dad badan waxay u arkaan in uu yahay qof hadallo cadcad oo karti leh, gaar ahaan dhinaca hogaaminta.

Waxa la rumaysanyahay in Abiy uu taageero wayn ka haysto dhallinyarada Oromada iyo sidoo kale qoomiyadaha kale.

Dadka dhaliilaa se waxay sheegayaan in maadaama uu xubin keliya ka yahay isbahaysiga talada haya, in uusan awood u lahayn in uu meel mariyo isbedellada badan ee dadka mudaharaadaya ay doonayaan.

Waxyaabaha Muhiimka ah ee Abiy Axmed

  • Wuxuu ku dhashay Agaro, Koonfurta Itoobiya, 15 August 1976 - Aabihii waa Muslim, hooyadiisana waa Masiixiyad ka soo jeeda Amxarada
  • Isagoo da'da tobanaadka ku jiray, 1990-kii, wuxuu ku biiray Jabhaddii la dagaallameysay maamulkii xilligaa.
  • Wuxuu jaamacadda ka bartay Arrimaha nabadda iyo amniga, wuxuuna ka baxay jaamacad ku taalla Addis Ababa.
  • Sidoo kale, wuxuu Maamulka iyo Hoggaanka ka soo bartay Jaamacadda Greenwich ee London
  • Wuxuu si fiican ugu hadlaa luqadaha Afaan Oromoo, Amxaric iyo Tigrinya, iyo sidoo kale English
  • 1995: Wuxuu Qaramada Midoobey uga shaqeeyay arrimaha nabadda ee Rwanda
  • 2007: Wuxuu aasaasay Shirkadda Amniga xogta internet-ka (INSA), wuxuuna ka mid ahaa guddiga maamulka Ethio Telecom iyo Ethiopian TV
  • 2010: Wuxuu galay siyaasadda, wuxuuna xubin caadi ah ka noqday OPDO, wuxuuna Golaha fulinta ee Xisbiga ka mid noqday 2015
  • 2016: Wuxuu muddo kooban ahaa wasiirkii Seyniska iyo tiknolojiyadda
  • 2018: Wuxuu noqday Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya
  • 2019: Wuxuu Isbeheysigii EPRDF ka dhigay hal xisbi oo qaraxan oo loo bixiyay - Xisbiga Barwaaqada
  • 2019: Wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda ee Nobel Peace Prize
  • 2020: Wuxuu ku dhawaaqay olole militari oo ka dhan ah TPLF

Medemer:

Medemer wuxuu ahaa erey si aad ah looga isticmaalay Itoobiya, tan iyo markuu xilka qabtay Abiy.

Waa erey Af-Amxaar ah oo micnihiisu yahay "dheeraad", sidoo kale waxaa lagu micneeyaa "isu imaatin ama iskaashi", waxayna soo koobeysaa Waxa sida gaarka ah Abiy Axmed ugu muuqda ee ah la tacaalidda dhibaatooyiinka qotada dheer ee dalkaas haysta.

Arrimaha uu ku helay abaalmarinta caalamiga ah waxaa ka mid ah heshiiska nabadda ee Eritereya uu la saxiixday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Arrimaha uu ku helay abaalmarinta caalamiga ah waxaa ka mid ah heshiiska nabadda ee Eritereya uu la saxiixday

Ereygaas ayaa noqday mid qof kasta uu barto ka dib markii buugga Ra'iisul Wasaaraha ee isla cinwaan kaas leh lagu soo bandhigay xaflad si wayn loo agaasimay oo Itoobiya lagu qabtay sannadkii la soo dhaafay.

Waa buuggii sida ugu badan loo iibsaday, waxaana suuqa la geliyay kumannaan xabo oo lagu qoray labada luqadood ee loogu badan yahay ee Amxaara iyo Afaan Oromoo.

Buuqa oo muujinaya aragtidiisa gaarka ah waxaa lagu soo koobay 16 cutub oo ah 280 bog.

Abiy wuxuu doonayaa in uu hirgeliyo dareen ku saleysan midnimo qaran iyadoo la wajahayo kala qeybsanaanta qowmiyadaha, wuxuuna sidoo kale doonayaa in kala duwanaanshiyahaasna uu noqdo mid loo dabaaldego oo la soo dhoweeyo.

"Waxaan haysanaa hal ujeedo, waana in aan midowno, ma ahan oo keli ah wada shaqeyn iyo is caawin, balse waa in aan nolosha ku midowno. Ikhtiyaarka kale waa in midkeen uu kan kale dilo," waa hadal laga soo xigtay Abiy Axmed.

"Si kastaba, ma jiro qof fiyow oo midan dooranaya. Marka waa in aan is aaminno, si wada jir ah u daweyno dhaawacyada iyo in aan ka wada shaqeyno horumarinta dalkeenna."