Haweeney caddaan ah oo baarlamaanka usoo xiratay xijaab isku deys ah oo lagu dheggan yahay

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Ruth Comerford
Senatar Australiyaan ah ayaa caro dhalisay kadib markii ay xiratay burqa ama xijaabka isku dayska ah ayna lasoo gashay gudaha baarlamaanka, xilli ay dabada ka riixyso sharci mamnuucaya dharkaas Muslimiinta.
Pauline Hanson waxaa cambaareeyay senatarro kale, midkood wuxuu ku eedeeyay "cunsuriyad cad". Hawlihii senate-ka ayaa la joojiyay maaddaama ay diidday inay iska saarto dharka.
Senataraddan ka tirsan gobolka Queensland, oo ka tirsan xisbiga O hindise-sharciyeed mamnuucaya dharka daboola wejiga oo dhan – siyaasad ay muddo dheer taageeraysay.
Tani waa markii labaad ee ay u xirato dharka – kaas oo daboolaya wejiga iyo jirka – gudaha baarlamaanka, waxayna sheegtay in falkeedu yahay mudaaharaad ka dhan ah diidmada senate-ku ku diiday sharci-dejinteeda.
Dhowaan kadib markii sharci-dejiyayaasha kale ay ka hor istaageen inay soo bandhigto hindise-sharciyeedka Isniintii, ayay ku soo laabatay baarlamaanka iyada oo xiran burqa madow.
"Tani waa senatar cunsuri ah oo muujinaysa cunsuriyad cad," ayay tiri Mehreen Faruqi, oo ah senatar Muslim ah oo ka tirsan xisbiga Greens ee New South Wales.
Fatima Payman, oo ah senatar madax-bannaan oo ka socota gobolka Western Australia, waxay falkaas ku tilmaantay "mid laga xumaado".
Wasiirka Arrimaha Dibedda Penny Wong, oo ah hoggaamiyaha dowladda ee senate-ka, ayaa cambaareysay falkaas oo ku tilmaantay "ixtiraam darro".
"Waxaan matalnaa dad ka kala imaanaya dhammaan diimaha, dhammaan asal ahaan kala duwan. Waana in aan u matalnaa si sharaf leh," ayay tiri.
Waxay intaas ku dartay in Hanson ay "u qalmin xubin ka mid ah Senatka Australiya" isla markaana waxay soo jeedisay mooshin lagu ganaaxayo Hanson maaddaama ay diidday inay ka saarto dharka.
Qoraal ay Facebook dhigatay Hanson waxay ku tiri: "Haddii aysan rabin inaan xirto – ha mamnuucaan burqa."
Waxay hore u xiratay burqa 2017-kii iyadoo sidoo kale markaas codsanaysay mamnuucid qaran.
Sanadkii 2016, Hanson waxaa lagu dhaliilay khudbaddeedii ugu horreysay ee Senate-ka Australiya oo ay ku sheegtay in dalka uu halis ugu jiro in "Muslimiin kusoo qulqulaan".
Taas waxa ay ka tarjumaysay hadalkeedii muranka dhaliyay ee 1996 oo ay ku digtay in dalka uu halis ugu jiro in "Aasiyaan ay ku fatahaan".













