Itoobiya: Haweenka safka hore kaga jiray dagaalkii sokeeye ee ugu dambeeyay haddana aan dooneyn inuu mid kale dhaco

Rahwa Gebremedhin, macaalimad dagaalka ku biirtay

Xigashada Sawirka, Rahwa Gebremedhin

    • Author, Hana Zeratsyon
    • Role, BBC Tigrinya
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Abeba Amdu oo 22 jir ah ayaa soo martay qaar ka mid ah sanadihii ugu wanaagsan nolosheeda oo ku lumay dagaal – mana dooneyso in ay mar kale aragto khilaaf ka dhaca gobolka Tigray ee waqooyi ee Ethiopia, kaas oo qaar ka mid ah dadku ay ka baqayaan in uu billaaban karo.

Sannadkii 2020, waxay u taagnayd furinta hore ee dagaalka iyada oo ahayd askari Tigray ah si ay uga qeyb qaadato dagaalka sokeeye ee ka dhanka ahaa ciidamada federaalka, waxayna weli ku jirtaa xaalad nafsiyan ah oo aad u daran inkasta oo laga joogo ka badan saddex sano kaddib dhammaadka dagaalkii naxdinta lahaa.

"Wax walba waan waayey," ayay ku sheegtay BBC Tigrinya.

Ka hor dagaalka, Abeba waxay ahayd xiddig kubadda cagta ciyaarta oo soo baxaysa. Tan iyo markii ay toddoba jir ahayd ayay ciyaari jirtay, ugu dambeyntiina waxay noqotay weeraryahan u ciyaara kooxda 70 Enderta ee haweenka markii ay ahayd 17 sano jir.

Abeba waxay sheegtay in hooyadeed iyo aabaheed ay weli xambaarsan yihiin dhaawacyadii dagaalkii dheeraa ee naxariis darrada ahaa ee dhammaaday 1991-kii, markii TPLF ay xukunka ka tuureen hoggaamiyihii markaas ka talinayay Itoobiya, Mengistu Haile Mariam.

Dagaalka u dhexeeya labada dhinac ayaa dib u qarxay 2020, iyadoo Eritrea, oo deris la ah Tigray, ay gashay dagaalka dhinaca ciidamada federaalka.

Dagaalku wuxuu dhammaaday laba sano kaddib, markii ay la gaadhayheshiis nabadeed oo ay dhexdhexaadiyeen Midowga Afrika. Wakiilka ururka, Olusegun Obasanjo, oo ahaa madaxweynihii hore ee Nigeria ayaa tirada dadka ku dhintay dagaalka ku qiyaasay ku dhawaad 600,000 qof.

Abeba, in goob dagaal looga yeedho hubka ma ahayn kaliya doorasho: wuxuu ahaa dhaxal waajib ah.

Laakiin go'aankeeda ah in ay ku biirto qaybta hubeysan ee TPLF wuxuu sidoo kale ahaa fal degdeg ah oo ka dhalatay cabsi ah in la kufsado, iyadoo ay ka war heshay in ay jireen haween la xoogay.

Selam Hailu

Xigashada Sawirka, Selam Hailu

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cabsida ugu weyn ee Abeba ay qabto waa in dagaal mar kale qarxo.

Dhammaadkii Janaayo, waxaa la soo sheegay isku dhacyo kooban oo u dhexeeyay ciidamada federaalka iyo dagaalyahanno Tigray ah, kuwaas oo dalbanaya in dib loo soo celiyo goobo ay xilliga dagaalka qabsadeen gobolka deriska ah ee Amxaaarada.

Weerarro diyaarado aan duuliyaha lahayn ah ayaa ka dhacay Tigray, waxaana la joojiyay duulimaadyadii tagi jiray magaalooyinka gobolkaasi muddo ku dhow toddobaad.

Dawladda federaalka ayaa sidoo kale ku eedaysay Eritrea faragelin gobolka, laakiin markan dhinaca dagaalyahannada Tigray ayay taageereysaa. Eritrea ayaa beenisay eeddaas.

Dhanka kale, TPLF waxay ku eedaysay dowladda federaalka in ay ciidamo ka dejisay xudduudaha Tigray si ay isu diyaariyaan dagaal cusub, halka Abiy Ahmed uu ku eedeeyay ururka in ay lacagaha miisaaniyadda ay u isticmaalayaan ciidankooda.

Selam Hailu, oo ah qareen 30 jir ah islamarkaana ah hooyo laba carruur ah haysata, ayaa sidoo kale ka mid ahayd askartii jiidda hore ee dagaalka galay, waxayna ku dib u xasuusanaysaa dareenno la mid ah Abeba.

Waxay dagaalka ku biirtay Sebtembar 2021, iyadoo xustay in ay horey u ahayd hooyo, islamarkaana ilmaheeda ugu weyn uu ahaa shan sano jir.

Sababta ay dagaalka ugu biirtay waxay ahayd mid shakhsi ahaaneed oo qoto dheer. Waalidkeed, oo ahaa shaqaale dawladeed oo hawlgab ah oo horey u galay dagaalka, ayaa ka soo laabtay iyaga oo daallan oo xaalad xun ku sugan.

Abeba Amdu, ciyaartoy kubadda cagta dheeli jirtay, dagaalka ka hor

Xigashada Sawirka, Abeba Amdu

Selam Hailu
Selam Hailu
People are hoarding whatever they can, convinced that their savings are all that stands between them and total ruin"
Selam Hailu
A lawyer and former fighter

Dhibaatooyinkaas waxaa sii xoojiyay takooridda ku saleysan jinsi.

Waxay ogaatay in dagaalyahanad dhalinyaro ah, oo "aan ka baqin gantaal, balse ka baqaysa hadalka ama ciqaabta sarkaalka," ay jiraan, islamarkaana in badan oo ka mid ah ay aamusan yihiin marka lagu qasbo in ay sameeyaan xiriiro qasbo ah.

Rahwa Gebremedhin, oo 30 jir ah islamarkaana bare ka ah Jaamacdda Mekelle, waxay u aragtay dagaalkan mid faragelin ku ah rajooyinkeeda halkii uu ka ahaan lahaa arrin siyaasadeed oo macno leh.

Nolosheeda iyo xirfadeeda ayay dhowaan dib u bilaabatay, waxayna lahayd himilooyin badan, sida guri, gaadhi, iyo carruur.

Si kastaba, waxay ku biirtay ciidammada Tigray sababtoo ah tacaddiyo ay dareemasyay in ay gaysanayaan "ciidamada cadowga".

"Waxaan la yaabay dilalka dhacay. Waan ka carooday sababtoo ah haween ayaa la xoogay oo la dhibaateeyay. Wax walba waa la burburiyay," ayay tiri.

Iyadoo ah aqoonyahan dhinaca milatariga ayay wax badan ka baratay dagaalka.

"Way adkayd in la barto deegaanka, hubka iyo tababarka," ayay sheegtay.

Saameynta nafsaaniga iyo maskaxeed ee dagaalka ayaa aad u weyn, dib ugu laabashada nolosha rayidku waxay noqotay mid caqabad ah.

"Waxaad iga muuqata dhammaan calaamadaha PTSD (dhibaatooyinka nafsiga ah ee laga dhaxlo dhibaatada).

Waxaan dib ugu noqday shaqadayda macallinmo, laakiin wax isku mid ma ahan. Waxba ma dareemo.

Kaliya waxaan isku dayayaa in aan badbaado."