Maxaa khatar ka dhigay dayaaradda shiinuhu farsameeyo ee J-10C

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidanka Cirka ee Shiinaha ayaa sii waday in ay awoodooda ku muujiyaan diyaaradahooda casriga ah ee J-10C, kuwaas oo noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah dhoolatusyada milatari ee baaxadda leh ee lagu qabto deegaan u eg dagaalka dhabta ah.
Intii uu socday diyaaraduhu waxa ay wadeen duqeymo dhanka cirka ah, iyagoo ku duulaya xawaare sare oo ay ka mid yihiin ciidamo isku dhaf ah, waxaana ay la kaashanayaan nidaamyada kale ee ciidamada Shiinaha.
Dhoolatuskan ayaa ujeedadiisu tahay in lagu tijaabiyo awooda duuliyayaasha si ay go'aano degdeg ah u qaataan dagaalka, adeegsiga tignoolajiyada casriga ah ee raadaarka iyo weeraro meelaha fog fog ka hor inta aysan cadawgu arkin. Falanqeeyayaasha militariga ayaa sheegaya in awooddan ay tahay midda ka dhigaysa in diyaaradda si weyn looga qadariyo Aasiya iyo meelo ka baxsan.
Sanadihii la soo dhaafay, Shiinuhu waxa uu si weyn u maalgeliyay horumarinta diyaaradaha dagaalka ee casriga ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta tignoolajiyada shisheeye. J-10C waxay ka mid ahayd diyaaradaha ugu guulaha badan iyadoo ay ugu wacan tahay isku darka tignoolajiyada horumarsan, qiimo jaban, iyo awood dagaal oo sareysa.
In kasta oo ay leedahay hal matoor oo keliya, haddana diyaaraddu waxa ay muujisay awood weyn oo ay kula dagaallanto diyaaradaha ugu waaweyn adduunka, taas oo keentay in lagu magacaabo diyaaradaha ugu khatarta badan ee kooxda diyaaradaha ee jiilka afraad.
Awoodda dagaal ee dayaaraddan ka dhigtay mid khatar ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee J-10C loogu tixgeliyo diyaarad khatar ah ayaa ah awoodda ay u leedahay inay weerarto cadowga ka hor inta aan xitaa laga ogaan radarrada caadiga ah. Diyaaradan ayaa waxaa ku rakiban radar Casri ah oo AESA ah, Tignoolajiyada oo isku mar la socon karta bartilmaameedyo badan iyadoo ay adag tahay in cadawgu uu horay u ogaado. Nidaamkani wuxuu siinayaa fursad uu ku qaado weeraro la yaab leh oo hawada ah.
J-10C waxay kaloo siddaa gantaalka PL-15, kaas oo lagu tiriyo mid ka mid ah gantaalada riddada dheer ee faltanka hawada ugu awooda badan caalamka. Gantaalkan ayaa la rumeysan yahay inuu awood u leeyahay inuu garaaco bartilmaameedyada masaafo ka badan 200 oo kilomitir, taasoo u sahlaysa in duuliyaha uu weerar ku qaado diyaaradaha cadowga ka hor inta uusan xitaa gelin aagga dagaalka ee khatarta ah.
Dagaalka hawada dhow, diyaaraddu waxay adeegsataa gantaalka PL-10, kaasoo awood sare u leh inuu si degdeg ah u beddelo jihada oo uu ula socdo bartilmaameedyada xitaa haddii ay ku jiraan dhinaca diyaaradda. Nidaamkani wuxuu ka dhigayaa J-10C mid aad khatar ugu ah "dagaallada eyda" oo loola jeedo dagaal dhow oo u dhexeeya laba diyaaradood oo hawada ku dagaallamaya .
Marka laga soo tago hubkeeda, J-10C waxaa loogu talagalay in ay awood u yeesho in ay si degdeg ah hawada isku rogrogto oo ay u beddesho jihada iyo xawaaraha sare ee dagaalka. Awooddani waxay u oggolaanaysaa inay ka fogaato weerarrada cadowga oo ay dib isu ururiso ilbiriqsiyo gudahood.
Warbixinnada militariga ayaa horey u sheegay in dhowr dhoolatus oo hawada ah, J-10C ay u suurtagashay in ay soo bandhigaan awoodo waaweyn oo ka horumarsan diyaaradaha waaweyn sida Su-35 uu sameeyo Ruushka sababtoo ah isku darka tignoolajiyada radar-ka, xawaaraha, go'aan qaadashada, iyo isticmaalka gantaalada casriga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arrimaha kale ee ka sii dhigaya khatarta ayaa ah awoodda ay u leedahay inay si dijital ah ula shaqeyso diyaaradaha kale ee Shiinaha sida J-20 iyo J-16. Nidaamku wuxuu u oggolaanayaa diyaaraduhu inay isweydaarsadaan macluumaadka dagaalka wakhtiga dhabta ah, taas oo ka caawisa duuliyayaasha inay hore u arkaan booska cadowga oo ay fuliyaan weeraro wadajir ah oo waxtar leh.
Shiinaha waxa uu kordhiyay heerka tababarka duuliyayaashiisa dagaalka sanadihii ugu dambeeyay, tilaabadan ayaa lagu sheegay in ay kordhinayso awooda isticmaalka diyaaradaha ee goobaha dagaalka adag.
Laylisyo badan oo ku lug leh J-10C ayaa lagu dhisay deegaanno u eg dagaalka dhabta ah, oo ay ku jiraan weerarrada habeenkii, dagaalka elektaroonigga ah, iyo hawlgallada lagu weeraro bartilmaameedyo badan isku mar.
Duuliyeyaasha Shiinaha ayaa sidoo kale qaata tababar dhanka duulimaadka ah oo ka badan dalal badan oo caalamka ah, taasoo ka caawisa inay la qabsadaan isticmaalka nidaamka casriga ah ee diyaaradda.
Awoodda duuliyayaasha si ay go'aanno degdeg ah u gaaraan oo ay si wax ku ool ah u isticmaalaan tignoolajiyada casriga ah ayaa ah waxa ka dhigaya J-10C khatarta ugu weyn ee dagaalka hawada casriga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kharash yar iyo Tiknoloojiyad sare
Si ka duwan diyaaradaha waaweyn sida J-20 ama J-16, J-10C waxaa loogu talagalay inay noqoto mid kharash badan leh iyadoo weli leh awoodo dagaal.
Isticmaalka hal matoor waxay yaraynaysaa kharashka dayactirka, isticmaalka shidaalka, iyo wakhtiga diyaarinta ka hor hawlgallada milatariga.
Shiinuhu waxa uu ku guulaystay in uu tiro badan ku soo saaro muddo gaaban gudaheed, taasi oo ka caawisay in uu si degdeg ah u horumariyo ciidamada cirka.
Khubarada milaterigu waxay aaminsan yihiin in awoodda soo saarista tiro badan oo diyaarado casri ah oo qiimahoodu jaban yahay ay tahay mid ka mid ah hubka ugu weyn ee Shiinuhu ku leeyahay tartanka millatari ee caalamka.
Maqaalkan waxa laga soo ururiyey ilo kala duwan oo ay ka mid tahay Majalladda Military Watch Magazine.











