TOOS, Mareykanka oo Iiraan u qabtay waqti si ay u joojiso weerarrada Marinka Hormuz iyo dalal isku dayaya in ay xiisadda qaboojiyaan

Dadedaallo ayaa socda lagu dhexdhexaadinayo labada dal, iyadoo xoogga la saarayo in ay wadahadalladu sii socdaan

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ka walaacsan in Iran ay disho iyo waxa dhici kara

    Trump

    Xigashada Sawirka, Aqalka Cad

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u hanjabay dowladda Iran, isagoo sheegay in Maraykanku uu qaadi doono weerarro ballaaran oo ka dhan ah Iran haddii ay isku daydo ama ay fuliso qorshe lagu doonayo in lagu khaarijiyo isaga.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku yiri:

    "Kun gantaal ayaa loo diyaariyey, laguna beegsaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Haddii hanjabaadda dowladda Iran ee lagu doonayo in lagu dilo madaxweynaha Maraykanka la fuliyo, kumannaan gantaal oo kale ayaa isla markiiba la ridi doonaa."

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in amaradii lagama maarmaanka ahaa hore loo bixiyay, isla markaana ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin inay "si buuxda u burburiyaan dhammaan goobaha Iran" muddo hal sano ah, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in muddadaas la kordhiyo.

    Wuxuu farriintiisa ku soo gabagabeeyay:

    "Mahad oo dhan waxaa iska leh Alle."

    Hanjabaaddan ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sirdoonka Israa’iil ay sheegeen oo ku saabsan qorshe cusub oo la sheegay in Iran ay ku doonayso inay ku disho Trump, iyo sidoo kale sawirro iyo halku-dhegyo lagu soo bandhigay intii lagu jiray aaska Ayatollah Cali Khamenei.

    Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa hore u beeniyay eedeymaha sheegaya inay qorsheynayeen in la khaarijiyo Donald Trump.

  2. War deg deg ah, Muxuu yahay codsiga Iran Trump u dirtay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iran ay codsatay in la sii wado wadaxaajoodyada.

    Qoraal uu ku baahiyay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku yiri:

    "Iran waxay naga codsatay inaan sii wadno wadaxaajoodyada. Waan aqbalnay codsigaas."

    Hase yeeshee, madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu si cad ugu sheegay Iran in xabbad-joojintii ay dhammaatay.

    Mar sii horeysay wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters ayaa sheegtay in wada-xaajoodayaal ka socda Qadar ay ku sugnaayeen Iran, halkaas oo ay kula kulmayeen mas’uuliyiin Iraniyiin ah.

    Reuters, oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegtay in dadaalladaasi ay ujeeddadoodu tahay in la dejiyo xiisadda u dhexeysa Iran iyo Maraykanka iyo in loo gogol xaaro wadahadallo ballaaran oo u dhexeeya labada dhinac.

    Sii akhri:

  3. War deg deg ah, Iran oo dusha u saarisay Mareykanka jabinta heshiiskii hore loo gaaray

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu jebiyay is-afgaradkii ay labada dal gaareen, isagoo sheegay in Iran ay weli u hoggaansan tahay qodobada heshiiskaas.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu Caraqji ku sheegay in Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka uu ku xadgudbay Qodobka 9-aad ee is-afgaradka.

    Wuxuu ku dooday in tallaabadaasi ay qayb ka tahay xadgudubyo iyo khaladaad isdaba joog ah oo uu Maraykanku ku kacay.

    Sida ku cad Qodobka 9-aad ee is-afgaradkii ay Maraykanka iyo Iran kala saxiixdeen bishii hore, Maraykanku wuxuu oggolaaday inuu bixiyo fasaxyo u saamaxaya Iran inay dhoofiso saliiddeeda, shidaalka iyo adeegyada la xiriira, sida adeegyada bangiyada iyo gaadiidka, isla markaana aanu soo rogin xayiraado cusub.

    Hase yeeshee, maalmo ka hor, kadib weerarradii lagu qaaday maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay qaar ka mid ah xarumaha sarifka lacagaha iyo shirkado Iraniyiiin ah, tallaabadaas oo Tehran ay ku tilmaantay mid jebinaysa heshiiska labada dhinac.

  4. War deg deg ah, Iran oo qiratay in weerarrada Maraakiibta Marinka Hormuz ay tahay tallaabo "khalad ah"

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    CBS News ayaa, iyadoo soo xiganaysa mas’uuliyiin sare oo Maraykan ah, sheegtay in mas’uuliyiin Iranian ah ay si gaar ah ugu sheegeen la-taliyeyaasha Madaxweyne Donald Trump in weerarradii lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz ay ahaayeen “khalad”, isla markaana ay fuliyeen xubno ka tirsan garabka mayalka adag ee Iran, kuwaas oo doonayay inay carqaladeeyaan wadaxaajoodyada.

    Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen, Iran waxay doonaysaa in wadaxaajoodyadu sii socdaan, balse Aqalka Cad wuxuu ka dalbanayaa Tehran inay si cad u qirato mas’uuliyadda weerarradaas, kuwaas oo maamulka Trump u arko inay jebiyeen heshiiskii xabbad-joojinta.

    Warbixintu waxay intaas ku dartay in Madaxweyne Donald Trump uu faray kooxdiisa wadaxaajoodka, oo ay ka mid yihiin J.D. Vance, Jared Kushner, Steve Witkoff, iyo Marco Rubio, inay sii wadaan wadaxaajoodyada. Wareegga xiga ee wada-hadallada ayaa la qorsheeyay inuu maanta uu ka dhaco Urdun.

    Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in haddii Iran ay sii waddo tallaabooyinka ay Washington u aragto kuwo colaad ah, Maraykanku uu uga jawaabi doono tallaabooyin milatari iyo kuwo dhaqaale.

  5. War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo Iran u qabtay saacado kooban in ay ku joojiso weerarrada maraakiibta Hormuz

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Warbaahinta Axios ayaa, iyadoo soo xiganaysa saddex mas’uul oo Maraykan ah, sheegtay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu Iran ka dalbaday inay maanta oo Sabtida ah si rasmi ah ugu dhawaaqdo in Marinka Hormuz uu u furan yahay isu-socodka maraakiibta, isla markaana ay joojinayso weerarrada lagu hayo maraakiibta ganacsiga.

    Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen, Washington ayaa farriintan si toos ah ugu gudbisay Tehran iyada oo adeegsanaysa dhexdhexaadiyeyaal gobolka ka socda. Maraykanku wuxuu ku doodayaa in weerarradii dhowaan lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ay jebiyeen heshiis ay labada dhinac kala saxiixdeen saddex toddobaad ka hor, isla markaana ay xiisaddu gaarsiisay heshiiskaas jilicsanaa heer uu qarka u saaran yahay inuu burburo.

    Warbixintu waxay intaas ku dartay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, la filayo inuu maanta oo Sabtida ah magaalada Muscat kula kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr Al Busaidi, si ay uga wada hadlaan qalalaasaha ka taagan Marinka Hormuz iyo amniga isu-socodka maraakiibta. Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa filaya in Iran ay kulanka kaddib si cad u shaacin doonto mowqifkeeda ku saabsan joojinta weerarrada iyo dib u furista marinnada maraakiibta.

    Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa ka digay in haddii Iran ay diido codsigan, ay la kulmi doonto cawaaqib culus.

    Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Tehran ay aqbashay inay qaadato mas’uuliyad gaar ah oo ku aaddan dib u soo celinta isu-socodka caadiga ah ee maraakiibta ee Marinka Hormuz, isla markaana ay arrintaas kala shaqayn doonto dowladda Cumaan. Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay in Iran ay diidday codsiga ku saabsan inay wadahadal toos ah la yeelato Maraykanka.