War deg deg ah, Iran oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay weerarradii ugu dambeyay ee Mareykanka
Madaxa Xarunta Warfaafinta ee Wasaaradda Caafimaadka Iran ayaa sheegay in kadib weerarradii dhowaan ay Mareykanku ka geysteen lix magaalo ay ku dhinteen “17 qof”, oo ay ku jirto haweeney.
Hossein Kermanpour ayaa sheegay in weerarradii Mareykanka ee dhacay 8-da iyo 9-ka Luulyo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 115 qof.
Sida uu sheegay, qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa laga saaray isbitaallada kaddib markii la siiyay daaweyn caafimaad.
Kadib markii Mareykanku bartilmaameedsaday saddex markab oo ku sugnaa Marin-biyoodka Hormuz, wuxuu weerarro ka fuliyay Bandar Abbas, Qeshm, Sirik, Chabahar iyo Bushehr.










