War deg deg ah, Iran iyo Cummaan oo ka wadahadlaya xaalada Marinka Hormuz

Xigashada Sawirka, isna
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji ayaa wadahadallo la yeelan doona mas’uuliyiinta Cumaan kaddib markii uu gaaray Muscat.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo, booqashadan waxay qayb ka tahay wadatashiyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya Iran iyo Cumaan, kuwaas oo looga hadlay arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xaaladda marin-biyoodka Hormuz.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Cumaan ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan “dejinta habab ku habboon oo lagu xaqiijinayo marinka ammaankiisa ee maraakiibta dhex marta Marin-biyoodka Hormuz, iyadoo lagu salaynayo Qodobka 5-aad ee Is-afgaradkii Islamabad,” isla markaana ay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan arrimahaas.
Booqashadan waxay ku soo beegmaysaa xilli xiisadaha ka taagan Marin-biyoodka Hormuz ay kordheen maalmihii la soo dhaafay, kaddib weerarro is-daba-joog ah oo ay isku qaadeen Mareykanka iyo Iran.
Dhanka kale, wafdi ka socda Qadar oo wada dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, isla markaana lagu yareeyo xiisadda labada dhinac, ayaa u safray Iran.









