Dhaqtar qalliin ku sameeyay bukaan ay isu jireen masaafo dhan 1,500 oo meyl

Xigashada Sawirka, PA
- Author, Amy Clarke
- Role, London
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Dhaqtar ku nool London ayaa sheegay inuu fuliyay qalliinkii ugu horreeyay ee UK ee masaafo fog ah kaasoo lagu sameeyay bukaan ku nool meel 1,500 oo meyl (2,400km) ah oo ka tirsan Gibraltar.
Professor Prokar Dasgupta oo ku takhasusay qalliinka kaadimareenka ee robotka lagu sameeyo ayaa sheegay in la dareemayo "ku dhowaad sidii inaan halkaas joogo" markii uu qalliin ku sameeyay Paul Buxton.
Bukaan-jiifka oo kansar qabay, oo 62 jir ah, ayaa sheegay inay ahayd "wax aan la maleysan karin" inuu ka qayb qaato kana mid noqdo "qayb ka mid ah taariikhda caafimaadka".
Waxaa la rajeynayaa in qalliinka robotka fog uu wax weyn u tari doono bukaannada mustaqbalka "kharashka ballaaran iyo dhibka" u safridda daaweynta, iyo caawinta bixinta daryeel caafimaad oo u wanaagsan dadka ku sugan meelo fogfog.
Dhakhaatiirta qalliinka ee UK ayaa ka qaybqaatay horumarrada waaweyn ee qalliimada laga gaaray, oo ay ku jiraan 4,000-mile habka istaroogga ee robotic transatlantic ee meydka - oo ahaa jirka qof naftiisa ugu deeqay sayniska - taasoo caddeysay in qaliinka fogfog uu farsamo ahaan suurtagal yahay.
Buxton wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa Burnham-on-Sea oo ku taal Somerset, balse wuxuu u guuray Gibraltar 40 sano ka hor.
Gibraltar, oo ah dhul Ingiriisku maamulo oo dibadda ku yaalla, waxay leedahay hal isbitaal oo keliya, St Bernard's oo ku yaalla Europort, taas oo ka dhigan in dadka qaba baahiyaha caafimaad ee adag ay inta badan ku qasban yihiin inay u safraan dibadda, badanaaba UK si ay u helaan daryeelka NHS-ta haddii ay u qalmaan.
Buxton wuxuu filayay in la gelin doono liiska sugitaanka ee NHS-ta ka dib markii laga helay cudurka kansarka qanjirka borostaatada wax yar uun ka dib ciidda Christmas-ka, laakiin wuxuu "ka faa'iideystay fursadda" inuu noqdo bukaankii ugu horreeyay ee lagu sameeyo daaweynta isagoo meel fog ku sugan oo qayb ka ah tijaabo caafimaad.

Xigashada Sawirka, PA
Buxton, oo leh shirkad gaadiidka ah, ayaa intaa raaciyay: 'Haddii aanan u doorteen qalliinka fogaan-aragga ah (telesurgery) ee ka dhacay Gibraltar, waxay ahayd inaan u duulo London, geli lahaa liiska sugitaanka ee NHS-ta, waxaana la igu samayn lahaa nidaamka qalliinka, waxayna u badan tahay inaan London joogi lahaa muddo saddex toddobaad ah.
'Sidaa darteed waxaan is niri: "Tani waa go'aan iska cad oo aan ka fiirsasho u baahnayn."
'Tani waa tallaabo horudhac u ah Gibraltar, sababtoo ah uma baahnid inaad ka baxdo Gibraltar.'
Buxton ayaa sheegay in 'si aad u wanaagsan loo daryeelay' uuna 'dareemayo caafimaad aad u sarreeya' ka dib qalliinkii dhacay 11-kii Febraayo."

Xigashada Sawirka, PA
Siduu u shaqeeyaa?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qalliinka waxaa laga fuliyay rugta caafimaadka ee The London Clinic iyadoo la adeegsanayo robot ku qalabaysan kamarad 3D HD ah iyo afar gacmood, kuwaas oo dhammaantood laga xukumayay konsool leh dib-u-dhac dhan 0.06 ilbiriqsi oo qura.
Konsoolka ku yaallay UK ayaa ku xirnaa robot-ka yaallay Gibraltar iyadoo loo marayo fiilooyinka fiber-optic-ga ah, iyadoo uu jiray xiriir 5G ah oo gurmad ah. Koox joogta Gibraltar ayaa heegan u ahaa haddii uu xiriirku go'o, balse ma go'in intii ay hawshadu socotay.
Qaliinka waxaa lagu adeegsaday nidaamka Toumai Robotic System, kaas oo ay iska kaashadeen The London Clinic iyo Hay'adda Caafimaadka ee Gibraltar.
Dasgupta ayaa yiri: "Tani waxay noo saamaxaysaa inaan daweyno bukaannada ku nool meelaha fogfog iyo bulshooyinka yaryar annagoo macno ahaan awood u leh inaynu geyno dhakhtarka qaliinka ee ugu wanaagsan meel kasta."
Tani waxay ahayd middii koowaad ee labo xaaladood oo tijaabo ah, iyadoo ta labaad ay ku lug lahayd nin 52 jir ah oo aan magaciisa la shaacin 4-tii Maarso, kaas oo isna joogay Gibraltar.
Dasgupta ayaa mar kale fulin doona nidaamkan 14-ka Maarso, kaas oo si toos ah loo duubi doono looguna baahin doono 20,000 oo ah dhakhaatiirta qaliinka kaadida ee ugu caansan adduunka inta lagu guda jiro shirweynaha Ururka Dhakhaatiirta Kaadida ee Yurub (EAU).
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan u malaynayaa inay tani tahay mid aad iyo aad loogu farxo, faa'iidada bini'aadantinimaduna waxay noqon doontaa mid weyn."
NHS-ta ayaa mudnaanta siinaysa qaliinka gudaha ee ay robot-yadu caawiyaan, iyadoo hiigsanaysa 500,000 oo qaliin oo robot-yadu taageerayaan sannadkii marka la gaaro 2035.














