Daraasad: Uurka labaad wuxuu 'si gaar ah' u beddelaa maskaxda haweenka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Kate Bowie
- Role, BBC World Service
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Uuurka labaad ayaa sababa in maskaxda hooyada ay siyaabo "gaar ah" isu beddesho kuwaasoo ka caawin kara inay diiradda saaraan dareenkooda, sida lagu ogaaday daraasad cusub oo ay sameysay jaamacadda University Medical Centre (UMC).
Baarayaasha ayaa hore u ogaaday in maskaxda haweeneyda ay marto isbeddello inta lagu jiro uurkeeda hore si ay isugu diyaariso hooyonimada.
Si kastaba daraasaddan ugu dambeysa ayaa muujineysa isbeddello gaar ah inta lagu jiro uurka labaad kuwaasoo haweenka ka caawin kara "inay diiradda saaraan hadafkooda iyo howlahooda maalmeed".
Natiijooyinka ayaa sidoo kale gacan ka geysan kara in la fahmo sababta haweenka qaar ay ula soo dersaan dhibaatooyin maskaxda caafimaadka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweenka badankood noloshooda mar uu way qaadaan uur, waxaana sannadkii 2023 celceliska tirada dhalmada haweeney kasta oo caalamka ah lagu qiyaasay 2.3.
Cilmi-baarayaal ka tirsan shaybaarka "Pregnancy Brain" ee UMC ayaa hore u ogaaday in marka haweeneydu uur qaaddo markii ugu horreysay, qayb ka mid ah maskaxdeeda oo muhiim u ah is-milicsiga (ka fikirka nafteeda) iyo fahamka dareenka carruurteeda ay isbeddel ku timaaddo, taasoo ka caawisa inay si wanaagsan u daryeesho.
Daraasaddii ugu dambeysay, waxay la socdeen 110 haween ah: qaar ayaa noqday hooyooyin markii ugu horreysay, qaar kalena waxay dhaleen ilmahoodii labaad, halka koox saddexaad aysan carruur lahayn.
Sawirro maskaxeed oo laga qaaday haweenka ka hor iyo ka dib uurkooda ayaa u oggolaaday cilmi-baarayaasha inay si sax ah u arkaan waxa isbeddelay.
Maskaxda haweenkii qaaday uur labaad waxaa ka muuqday isbeddello badan oo ku yimid shabakadaha maskaxda ee la xiriira xakamaynta feejignaanta iyo ka falcelinta dareemayaasha.
"Hababkan waxay faa'iido u yeelan karaan marka la daryeelayo carruur badan," ayay sharraxday cilmi-baare Milou Straathof, oo falanqaysay xogta.
Daraasaddu ma aysan soo saarin gunaanad ku saabsan isbeddelka maskaxda ee haweenka soo maray dhicis, balse cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in xogtu muujinayso in isbeddellada ugu waaweyn ee maskaxdu ay dhacaan dhammaadka uurka.
Saameynta caafimaadka maskaxda
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daraasaddu sidoo kale waxay heshay xiriir ka dhexeeya isbeddellada maskaxda ee uurka koowaad iyo kan labaad iyo horumarka xanuunnada caafimaadka maskaxda ee hooyonimada la xiriira.
Adduunka oo dhan, qiyaastii 10% haweenka uurka leh iyo 13% haweenka dhawaan dhalay ayaa la kulma xanuun maskaxeed, inta badan niyad-jab, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO).
Daraasadda UMC waxay ogaatay in isbeddello qaab-dhismeed ku yimaada lakabka sare ee maskaxda haweeneyda (cerebrum-ka, oo ah qaybta ugu sarreysa maskaxda) ay la xiriiraan niyad-jabka ku dhaca xilliga uurka ama kadib dhalmada.
Hooyooyinka markii ugu horreysay dhalaya, isbeddellada maskaxdu waxay si weyn ula xiriireen xaaladdooda caafimaadka maskaxeed kadib marka ay dhalaan.
Laakiin hooyooyinka ilmahooda labaad dhalaya, isbeddelladaasi waxay si xooggan ula xiriireen caafimaadkooda maskaxeed intii ay uurka lahaayeen.
"Tan waxaan ku muujinnay markii ugu horreysay in maskaxdu aysan isbeddelin oo keliya uurka koowaad, balse sidoo kale ay isbeddel sameyso uurka labaad," ayay tiri Elseline Hoekzema, madaxa shaybaarka Pregnancy Brain ee UMC.
"Inta lagu jiro uurka koowaad iyo kan labaad, maskaxdu waxay isu beddeshaa siyaabo isku mid ah iyo kuwo gaar ah labadaba. Uur kasta wuxuu uga tagaa raad gaar ah maskaxda haweeneyda," ayay ku dartay.
Inkasta oo loo baahan yahay cilmi-baaris dheeraad ah oo ku saabsan mowduucan, qorayaasha daraasaddu waxay sheegeen in natiijooyinku ay ka caawin karaan hagaajinta daryeelka hooyooyinka, iyagoo siinaya faham qoto dheer oo ku saabsan sida iyo sababta niyad-jabka dhalmada kadib uu ugu dhaco haweenka qaarkood.
"Waa muhiim inaan fahamno sida maskaxdu ula qabsato hooyonimada," ayay Hoekzema tiri.













