Dhalmada caadiga ah: Lix 'been' oo aflaanta Hollywood-ka ay ka faafiyaan dhalmada

Xigashada Sawirka, Universal Studios/BBC Mundo
Shineemooyinka Mareykanka ayaa soo bandhigay habka dhalmada oo badan balse badankood meelna kama matalaan waxa dhabta ah ee dhaca.
Intee jeer ayaynu aragnay haween aan is xakameyn karin, biyahooduna ay si degdeg ah ku dillaacayaan taas oo aan macquul ahayn? Ka warran lammaanahooda oo aan xitaa ka war qabin waxa ay sameyn lahaayeen, isla markaana suuxa inta ay dhalmadu socoto?
Kaddib carruur qurux badan ayaa soo muuqda, kuwaas oo si cajiib ah u soo eegaya kaamirada.
Sida laga soo xigtay buugga This is Going to Hurt, kaas oo dhaqtarka Britain u dhashay ee Adam Key uu si faahfaahsan ugu qeexayo waxa ka dhaca qolka dhalmada - iyo falanqeyn ay sameeyeen saddex khubarro ah - waxaanu soo bandhigeynaa saddex aragtiyo oo ay buunbuuniyaan Hollywood-ka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
1. Ma dhalanno annaga oo kor eegeyna
Inta badan dhalmada, waxa ugu horreeya ee marinka xubinta taranka haweenka ka soo baxa waa madaxa ilmaha.
Tan sidoo kale way ka dhacdaa aflaanta.
Balse shaashadda, ilmaha markaas dhasha wuxuu aalaaba eegaa kor, oo waad arki kartaa wejigooda quruxda badan. Tani kama tarjumeyso xaqiiqda.
In ka badan 90% dhallaanka waxay ku jiraan xaalad madaxoodu hoos jiro kahor dhalmada - madaxoodu hoos ayuu jiraa, garkoodu wuxuu taabanayaa xabadka, gacmahooda iyo lugahooduna way isku soo laaban yihiin.
Tan waxay ka dhigan tahay in wajigoodu uu ku wajahan yahay dhabarka hooyada waxa keliya ee ay kaamiradu arki kartana waa gadaal dambe ee madaxa dhallaanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Booska ugu macquulsan ee ilmuhu marka uu dhasho waa inay hoos eegayaan, amaba ay wax yar dhinac eegayaan," ayuu yiriDamián Dexeus, oo ah dhaqtar xanuunnada haweenka ku takhasusay oo ku nool Barcelona, Spain.
"Aalaaba aflaanta, ilmuhu waxay soo baxaan iyagoo kor eegaya, indhahoodu furan yihiin - oo xitaa dhoolla-caddeynaya! Tani waa wax aan caadi ahayn, dabca," ayuu yiri dhaqtarka.
Waxaa intaas dheer, ilmuhu ma dhashaan iyagoo nadiif u ah sida aflaanta lagu muujiyo.
"Ilmuhu marnaba ma dhashaan iyagoo aad nadiif u ah," ayuu yiri Dr Dexeus.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu sheegay in markii hore ay dhaqan guud ka ahayd isbitaallada inay ilmaha u qubeeyaan isla marka uu dhasho ayna ka dhaqaan waxyaabaha ku dahaaran - wax cad, dufan oo kale ah oo ku dahaaran jirka ilmaha - kaddibna ilmaha oo nadiif ah ay u soo celiyaan hooyada.
Hadda kama dhacdo meelaha haatan lagu dhalo, ayuu yiri dhaqtarka. Tanna waxaa sabab u ah daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in waxyaabahaas cad lagu daayo jirka muddo saacado ah kaddib dhalmada ay faa'iidooyin badan u leedahay ilmaha.
2. Sida xaqiiqda ah ee ay biyuhu u dillaacaan
Sawirrada biyaha hooyada ee dhaqsida u dillaaca, iyadoo dareeraha loo yaqaanno amniotic fluid ay soo daadanayaan, ayaa sidoo kale lagu muujiyaa aflaanta iyo barnaamijyada telefishinnada.
Isla markiiba, hooyada uurka leh waxaa qabaneysa fool.
Tusaalee: taxanaha telefishinka ee Sex and the City, biyaha Charlotte ayaa dillaacaya iyada oo qof kula murmeysa bannaanka maqaayad. Kaddibna waxay ku ordeysaa taksi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Xaqiiqdii, waa wax caadi ah in dillaacitaanka biyaha (ay ku jiraan amniotic fluid oo uu ilmuhu ku koro) ay u baahato in la baaro si loo xaqiijiyo inay dillaaceen iyo in kale, sababtoo ah bukaanku waxay dareemeysaa inay biyo ka socdaan laakiin si fiican uma arki karto," ayuu yiri Dr Dexeus.
Tani waxaa sabab u ah suurtogal uma aha dadka badankiis inay dareeraha amniotic fluid iyo kaadida kala soocaan.
Caadiyanna, dillaacitaanka ilmaha kama dhigna billowga dhalmada, balse waxay qeyb ka yihiin hannaanka.
"Waxay caadiyan dhacdaa marka ay haweeneydu ogtahay inay hannaanka dhalmada ku jirto kaddib xoogaa nabar ah. Waxay qeyb ka tahay hab dabiici ah oo foosha loogu gudbayo," ayay tiri Ann Yates, oo ah umuliso ka tirsan International Confederation of Midwives (ICM) .
"Xaqiiqdii, haddii bacda biyaha ay dillaacdo muddo dheer kahor dhalmada, iyadoo ilmuhu uusan diyaar u ahayn inuu dhasho, taasi waxay ka dhigan tahay dhibaato," ayay tiri kalkaalisada, oo in ka badan 40 ka shaqeyneysay dhalmada meelo kala duwan oo dunida ah.
3. Booska dhalmada
Qeyb kale oo caan ah oo lagu arko aflaanta ayaa ah in dhalmadu ay dhacdo iyadoo hooyada ay ku fadhiso miis sare loo soo qaaday.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tusaalooyin badan ayaa jira: laga soo bilaabo Ellen Page oo filinka Juno ku jirta ilaa Katherine Heigl oo ku jirta filinka Knocked Up iyo Jennifer Aniston oo ka muuqata filinka Friends .
Dabcan waa boos fiican oo marka dhalmada ah, balse ma aha kan ugu badan ee aalaaba laga adeegsado dunida.
"Gudaha UK iyo Mareykanka, waa wax caadi ah in haweenku ay qeyb fadhiyaan, iyadoo ay faraha lugahoodu ku nasanayaan miiska dhalmada lugahooduna ay sare u soo qaadan yihiin," ayuu yiri Dr Dexeus.
"Balse dalalka sida Spain, habka ugu badan waa haweeneyd oo dhabar u jiifta, iyadoo dhabarka jilbahooduna la celinayo, oo aysan aad u toosneyn."
Habkan waa isla kan lagu isticmaalo baaritaannada xanuunnada haweenka waana kan ugu caansan ee laga adeegsado Brazil.
Waxaa labadaas dheer, waxaa jira habab kale oo dhalmo oo marar dhif ah lagu muujiyo shineemooyinka iyo telefishinnada - istaag, foorarsi, iyadoo kursi lagu fadhiyo amaba dhinac loo jiifo.
Booska dhalitaanka wuxuu sidoo kale ku xiran yahay xaaladda ay ku jirta hooyada dhaleysa.
Haweeneydu sidoo kale way beddeli kartaa habka ay u jiifto xilliga dhalmada si loo dedejiyo dhalitaanka.
Yates ayaa aaminsan in habkan lagu muujiyo aflaanta ay dhibaato sababeyso.
"Way ku adagtahay haweenka inay u dhalaan hababka qaar, waxaana nasiib darro ah in badankood ay doonayaan inay sameeyaan sida ay ka arkeen aflaanta."
4. Aaway xaaladda dhalmada kaddib?
Xaaladda dhalmada kaddib (Postpartum) waxaa lagu qeexaa lixda toddobaad ee ugu horreeya kaddib dhalmada.
"Postpartum waa waxa ugu weyn ee laga illaabi aflaanta", ayuu yiri Dr Dexeus.
Waxyaabo dhowr ah oo dhaca kaddib dhalmada ayaan inta baan lagu muujin aflaanta Hollywood-ka.
Waxyaabaha sida soo bixinta mandheerta ama ibida - oo ah xuubka ku dahaaran makaanka inta uu uurku ku jiro - iyo tolitaanka hooyada kaddib dhalmada.
Balse keliya taas maaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Isku buuqa dhalmada kaddib ayaa si aan la fahmeyn loogu muujiyaa aflaanta," ayuu yiri dhaqtarka, isaga oo ula jeeda xaalad ay la kulmaan ugu yaraan tobankii haween ee dhalayaba mid guud ahaan addunka.
Aflaanta sidoo kale laguma muujiyo sida ay u adkaan karto naas-nuujinta, sida dhalmadu ay u saameyn karto kaadi heysta haweeneyda ayna u sababi karto kaadida oo iska socota, iyo isbedello kale oo badan oo jirka ku dhaca kuwaas oo aad ugu adkaan kara haweenka.
"Sidoo kale ma muujiyaan sida ay u adkaan karto soo kabashada jirka kaddib dhalmada qalitaanka," ayuu yiri Dr Dexeus.
"Dhammaan khiyaaligan nagu kallifaya inaan ku fekerno in dhalmadu ay tahay wax raaxo leh aad ayay khatar u tahay - sababtoo ah mar walba saas maaha" ayay intaas raacisay.
5. Xanuun lala cabaadayo
Xaalad kale oo lagu soo bandhigo dhalmada khiyaaliga ah waa in hooyadu ay la cabaaddo xanuun.
"Berigii hore, hooyooyinka dhalaya ma aysan heli jirin dawooyinka suuxinta ", ayay tiri dhaqtarad Cuba u dhalatay oo lagu magacaabo Josefina López.
"Waa run in nabarku xanuun yahay marka uu muddo socdana uu bukaanku daalayo. Balse ma aha xanuun ku qasbaya inay cabaaddo, inkastoo qof walba uu qaabab kala duwan ugu dulqaadanayo."

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Haddii ay jirto cirbadda suuxinta, tani caadiyan ma dhacdo."
Yates ayaa aaminsan in aflaanta ay mararka qaar haweenka ka dhigaan kuwo u muuqda daciif.
"Haweenku waa kuwo awood badan. Tani waa wax caalamka laga ogyahay," ayay tiri kalkaalisada,.
"Wayna awoodaan inay la tacaalaan dhalmada - oo aad u xanuun badan, wax shaki ah kama taagna - iyadoo aalaaba uusan jriin wax cabaad ah."
"Haa, mararka qaar dhawaaq way sameeyaan balse maaha sida aflaanta," ayay tiri Yates.
6. Ragga oo aan waxba ogeyn
Muuqaalka aabbe aan degganeyn oo walaacsan ayaa sidoo kale caan ka ah aflaanta.
Waxaa tusaale ah qeybta uu matalay Hugh Grant ee filinka majaajilada ah ee Nine Months - kaas oo sameynaya waxa aan laga dooneyn in nin uu ku sameeyo qolka dhalmada.
"Waxaa jira rag aad u walwalsan oo kuwo aan degganeyn noqda xilliga dhalmada. Waxaana jiraba qaar dhabtii suuxa," ayuu yiri Dr Dexeus.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yates ayaa sheegtay in aflaanta Hollywood-ka mar walba lammaanaha loogu muujiyo qof aan waxba ka aqoon sidii uu u dhaqmi lahaa xilliga dhalmada.
"Rag badan iyo haween badan oo wehliya hooyada waa kuwo aad ula socda iyada," ayay tiri umulisada.













