Saacad lagu xaraashay malaayiin doolar

Xigashada Sawirka, PHILLIPS AUCTION
Saacad nooca Rolex-ka oo uu lahaa Paul Newman, oo katirsanaa shirkadda filimada sameysa ee Hollywood-ka ee dalka Mareykanka ayaa la xaraashay. Saacadan ayaa waxaa lagu iibiyay laca dhan 17.8 milyan oo doolar.
Paul Newman ayaa waxaa saacadaasi hadiyad ahaan usiisay xaaskiisa oo lagu magacaabo Joanne Woodward xili ay ku guda jireen duubista filmka winning together.
Mr Paul ayaa waxaa uu ku geeriyooday da'da 83 sano sannadka markuu ahaa 2008, waxaana la sheegay in saacadani loo adeegsan jiray tartanka baaburta oo uu Mr Paul kasoo qeyb qaatay.
Saacadan oo ka sameysan macdan ayaa laga iibiyay qof aan magaciisa la sheegin oo kusoo dalbaday khadka teleefoonka, waxaana qiimaha lagu iibiyaya la sheegay inay ka badantahay qiimihii marka hore la doonayay in lagu iibiyo.
Paul Newman oo ahaa jilaa dhanka filimada ayaa horay uga soo qeyb qaatay tartanka baabuurta, taaso ku dhiira gelisay inuu xiiseeyo sportiga, waxaana uu sidoo kale ka qeyb qaatay tartanka baabuurta ee afar iyo labaatan ka saac.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaaskiisa ayaa inta aanay siini saacad waxaa ay ku qortay ereyo ay kamid yihiin "fadlan si taxadar leh u wad baabuurka ", maadaama uu horay u galay shil sannadkii 1965tii.
Shirkadda isgaarsiinta ee Cox ee dalka Mareykanka ayaa saacadani soo bandhigtay si loo xaraasho, waxaana dhaqaalaha kasoo baxa la sheegay in lagu maalgelin doona hey'ad gargaar oo uu sameeyay Newman sannadkii 2005ta.






