Maxaa loo sheegi karaa haweenka uurka leh? maxayse tahay in aan loo sheegin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa arrin fiican in haweenka uurka leh lagala hadlo arrimaha ilmaha ay caloosha ku sidaan iyo sida ay u dhalayaan ama hadii ay welwel ku hayso arrintaas.
Uurkii ugu horeeyay Rose Stokes oo ah wariye markii ay yeelatay waxaa sida daadkii looga sheekeeyay sheekooyin cabsi ah oo ku saabsan dhalmada iyo korriimada ubadka. Saaxiibadeed, iyo dad kale oo aysan aqoon ayaa uga sheekeeyay arrimahaas.
Wareysi ay BBC-da la yeelaatay ayey kaga hadashay waayo aragnimadeeda hooyonimo iyo sida looga hadli karo arrimahan aadka xasaasiga u ah.
Anna Mathur oo ka mid ah dhakhaatiirta cilmu-nafsiga ayaa nala wadaagtay iyadana talada ugu fiican ee ku saabsan waxa lagu dhihi karo hooyooyinka iyo waxa ay tahay in laga fogaado.
Sheekada Wariye Rose
Rose waxay sheegtay in ay aaday meelaha timaha lagu hagaajiyo ka hor ciidii masiixiga. Maamulayaasha xarunta ay tagtay waxay bilaabeen in sida caadiga ah ay la sheekeystaan, kalana hadlaan uurka. Waxay la weydiiyay imisa bilood ayaad tahay? Kaddib way qososhay iyadoo uga sheekeysay waxay la kulantay, xanuunkii badnaa ee foosha iyo dhibaatadii ay soo martay tallaabo tallaabbo.
Rose waxay sheegtay markii ay hadaladaas maqashay in ay xanuun ka qaaday, waxayna gashay welwel.
Hadaba sidee loola talin karaa haweenka uurka leh iyadoo aan wax dhibaato ah iyo welwel lagu abuureyn?
Marke hore weydii caafimaadkeeda inta aadan talo siin
"Haweeneyda uurka leh way ogtahay in xiligaas ay ku jiraan arrimo adag, taasna ay ka timid hormonada jirkooda oo isbaddelaya", ayey tiri Rose oo ka hadleysay sida ay muhuum u tahay caafimadka maskaxda ee hooyada iyo ilmaha uurka ku jira.
Maxay tahay eyey tiri Rose sababta aad sheeko cabsi ah uga sheekeyneyso ? waxaa wanaagsan ayey tiri Rose in la weydiiyo sida ay dareemayaan hadii aad dooneyso in taada la dhageysto. Tani waxay siineysaa haweenka huurka leh waqti ay ku go'aansadaan in ay dhageysan karaan warkaaga.
Tixgeli go'aankooda ka hor inta aadan taada u sheegin
"Tallooyin ayaan u hayaa hooyooyinka ugubka ah" ayey tiri Anna oo sheegtay "waa in aad ku dhahdaa kuwa kula wadaaga sheekooyinkooda aan fiicneyn, waad ku mahadsan tahay wixii aad soo martay in aad ii sheegto balse waxaan doonayaa kuwa i caawinaya ee dhinaca fiican ka hadlaya.
In laga hadlo xanuunka qofka uu soo maray waxay dadka qaar u tahay caafimaad balse kuwa nugul ee xaaladaas hadda ku jira hadii ay maqlaan sheekooyinka noocaas ah waxay ku noqoneysaa naxdin gaar ahan marka ay uurka leeyihiin in ay maqlaan xanuunka foosha ma haboona. Erayadaas waxay abuuraan welwel iyo cabsi.
"Marka aad la hadleyso hooyada ilmaha ugu horeeyay uurka ku sida, xusuusnoow sida dareenkaaga uu ahaa markaas. Halkii aad sheeko cabsi ah uga sheekeyn laheyd uga sheekee kuwa rajo leh oo hooyada dajinaya.
Ka fiirso qofka aad la hadleyso
"Marka sheekooyinka xun ee ku saabsan ilmaha laga hadlayo ama laga bixinayo digniinaha, qofka ka hadlaya inta badan kama fakaro dhageystaha iyo dareenkiisa, waxay ka hadlayaan dhibkii ay soo mareen" ayey tiri Rose oo intaas ku dartay "waa caadi, dhammaanteen waxaan u baahannahay in aan ka hadalno dareenkeena, waa wax na caawinaya. Balse waxaa muhiim ah in qof kale lagala hadlo".
Haweenka oo dhan isku si uma dhallaan mana ahan khibradooda wax isku mid ah, arrintaas waa mid ay ahay in maanka aan ku hayno.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka hor inta aadan wax sheegin, hubi in aysan aflagaado aheyn
"in wax laguu sheego waa wax fiican balse ma ahan in laguu sheego markaad nugushahay" ayey tiri Anna oo intaas ku dartay "marka lagaaga sheekooyo hooyooyinka ilmaha dhabta ku haysta iyo jaceylkooda way dheelitirmee arrinta balse ma ahan in lagala hadlo arrimaha xasaasiga ee walaaca keenaya".
Marka aad ka hadleyso xanuunka ku soo maray adigoon damqaneyn ama aadan meel ku saleynen waxay taasi dhageystaha gelineysaa welwel. Baraha bulshada ayaad ka arkeysaa sida hooyooyinka ay si guud ugu wadaagaan arrimahaas.
Intaad ku dhihi lahedy, "Way kuu dhamaatay", waxaad diirada saartaa dhanka wanaagsan
Waa muhiim ah in la ogaado caqabadaha iyo mas'uuiyada ku sugeysa ayey tiri Rose oo intaas ku dartay waa in aanan iloowin in uurka uu yahay sidiisaba caqabad saameynsaa jir ahaan iyo maskax ahaan gaar ahaan ilmaha ugu horeeyay ee hooyada uurka ku sido.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ogsoonow go'aanka hooyada uurka leh in uusan adiga ku quseyn
"Hadda uurkeyga waxa uu dhaafay kala bar, waxaana la kulmay dad badan oo isku dayay in ay iga dhaadhicyaan in aan ku dhalo hab fiican oo ah khalliin iyo sidoo kale kuwa aad igula taliya muhiimadda naas-nuujinta" ayey tiri Rose oo ugu dambeyn sheegay waxay taladan ahaataba in aysan ogeyn waxa uu noqonayo cunugeeda
Talada iyo cadaadiska dadka kale kuugu saarayaan sida ay wax u arkaan waxay kuugu noqoneysaa culeys weyn.
Kala hadal daqiiqadaha wacnaa iyo rajado lahaa
Anna waxay sheegtay in markii ay uurka laheyd ay maalin joojisay hooyo iyadoo meel koreysa kaddibna ay eegtay uurkeeda, waxay ku tiri "saddex cunug ayaad sidaa", ka waran ayey tiri Anna sida ay taas cajiib u tahay, farxadna u tahay. Aad ayaan u faraxay sheekada fiican ay igu tiri ayey tiri Anna
"In aad ka run sheegto waalidnimada waa wax fiican" ayey tiri Rose oo intaas ku dartay in talada dadka ay ku dhiirogelineyso, ayna sidoo kale siineyso rajo fiican oo ku saabsan waxa sugaya hooyada marka ugu horeysay ilma dhaleysa.













