Intee ayay la'egtahay saameynta qalliinka hooyada uurka leh oo aad u soo badatay?

Qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section) ayaa aad sare ugu kacay guud ahaan caalamka iyo deegaanada ay Soomaalidauba

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Abdikadir Yussuf Ali
    • Role, BBC News Somali

Qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section) ayaa aad sare ugu kacay guud ahaan caalamka iyo deegaanada ay Soomaalida deggan yihiin, taas oo oo culays saaraya nidaamyada caafimaadka ee xad-dhaafka ah.

Sanadihii la soo dhaafay; Heerarka qalliinka ee dhalmada ee caalamka ayaa si aad ah uga kordhay qiyaastii 7% oo ay ahayd 1990 iyadoo hadda ay 21% taas oo dhaaftay heerka ugu habboon ee qalliinka hooyada uurka leh ee la aqbali karo oo ah 10%-15% sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Bulshooyinka casriga ahi waxay qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section) u arkeen hab dhalmo oo caadi ah. Hooyooyinka qaarkood ayaa codsiyo gudbisanaya kuwaas oo ah in ilmaha lagu qalo kuwaas oo la sheegay in ay rumaysan yihiin in qalliinka uu yahay hab dhalmo o xanuun la'aan ah oo badqabkiisuna u fiican yahay hooyada iyo dhallaankaba. Hooyooyinkan ayaa la sheegay qaarkood in ay go’aankaas qaataan ka dib marka ay taladaas siiyaan saaxiibadood.

Muxuu yahay Qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section)?

Qalliinka ayaa waxaa lagu sameeyaa caloosha hooyada iyada oo ujeedkuna yahay in minka laga soosaaro ilmaha, kuwaas oo udhalan waayay si caadi ah.

Cannuga ayaa laga soosaaraa minka iyadoo ladooxaayo caloosha hooyada iyo darbiga minka.

Qalliinka in lagu sameeyo hooyada mar waxa ey katimaadaa dhanka canugga, marna dhanka hooyada.

Waxaana loo sameeyaa sabahaan dartood sida uu BBC-da u sheegay dhaqtar Cabdiqaadir Warsame oo ka howgala isbitaalka Tawakal oo ku yaalla xaafadda Islii ee Magalada Nairobi:

  • In Ilmaha miisaankiisu badanyahay
  • In kafka ama miskaha hooyada uu aad uyaryahay.
  • In ilmuhu qalloocaan ama dabakeen uu yahay.
  • In Cunugga oo mushkilaysan yahay taas oo macnaheedu yahay in uusan u dulqaadan karin foosha.
  • in Jeermiska cudurka dhaliya uu firfircoon yahay kaas oo la xiriira minka afkiisa.

Qalliinka hooyada uurka kadib

“Qaliinka marnaba hooyada kama hor istagayso inay nuujiso cunuggeeda.”

Xigashada Sawirka, Getty Images

“Qaliinka marnaba hooyada kama hor istagayso inay nuujiso cunuggeeda.”

“Waxa ay hooyada qalliinka kadib u baahantahay nasiino ka badan haweenka caadiga udhalay, waxay qaadataa 4-6 asbuuc inay si buuxda dib ugu noqoto shaqqdadiii,” ayuu yiri digtoor Cabdiqaadir.

Maxay yihiin khatara ka dhalan kara qaliinka hooyada uurka leh?

Maxay yihiin khatara ka dhalan kara qaliinka hooyada uurka leh?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daraasaduhu waxay si cad u muujiyeen sare u kaca ku yimid dhalmada qalliinka ee dalal badan oo caalamka ah, taas oo la filayo inay sii kordhaan marba marka ka sii dambeysa. Waxaana ay daraasaduhu intaa ku darayaan in sare u kacaas ay ka dhalan doonaan cawaaqib ay la kulmaan hooyada iyo dhallaankuba.

“Inkasta oo faa'iidooyinka qalliinka ee hooyada iyo dhallaankaba la xaqiijiyay hadana qalliinka hooyada uurka leh khatar la’aan ma ahan, sidaas darteed qiimeyn caafimaad oo taxadar leh ayaa loo baahan yahay si loo caddeeyo habka iyada oo la tixgelinayo cawaaqibka,” ayuu yiri digtoor Cabqaadir.

Xaliimo ( ma ahan magaceeda saxda ah) waxay BBC-da u sheegtay in 3 ilmo lagu soo qalay, xaaladdeeduna wanaagsan tahay, hase yeeshee waxay sheegtay inay jiraan caqabado ay kala kulantay qalliinkaas.

“Alle ayaa mahad iska leh oo ii fududeeyay qalliinkaas ilmaha la igu soo qalay balse waxyaabaha uu igu reebay waxaa ka mid ah; Xanuun dhanka dhabarka ah iyo lugta xigta dhinaca la iga qalay,” ayay tiri Xaliimo.

Digtoor Cabdiqaadir ayaa sheegay dhibaatooyinka soo wajihi karo hooyada qalliinka ka dib ay ka mid yihiin:

  • In hooyadu looga cabsado qaadista culeysyada ama ey dhib kunoqoto
  • In ey hooyadu dhaqso ilmo kale aysan qaadi Karin (illaa 2sano) dhaawaca owgiis inkastoo ay jiraan haween 6 bilood gudohood uur qaaday hadana markii labaad si badqabta ku dhalay. Waan aragnay haween noocaas hadana si caadi ah u dhalay.”
  • In dhaawaca uu caabuq yeesho, dibna uu ufurfurmo haddii aan toddobaadyada ugu horreeya aan safiican looga taxadarin.”

Khuraafaadka ay Soomaalida ka aaminsan tahay qalliinka hooyada uurka leh

Waxaad mararka qaar arkeysaa inta badan dadkeenna in ay aad uga walwalaan ugana cabsadaan qalliinka hooyada uurka leh.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaad mararka qaar arkeysaa inta badan dadkeenna in ay aad uga walwalaan ugana cabsadaan qalliinka hooyada uurka leh.

Mararka qaar qoyska hooyada uurka ah ayaa markii loo sheego in qalliin ay ku dhaleyso gabadhooda waxaa ka dhex-dhasha Isfahan la’aan la xiriirta qalliinkaas oo qaar ka mid ah qoyska ayaa ku adkeysta in qalliin aanan lagu sameynayn gabadhooda oo ay sugayaan ilaa ay si caadi ah uga dhasho.

Tallaabadaas ayaa laga yaabaa in ay halis geliso gabadha ama canugga. Wax cilmi ah umalahan in qalliinku xunyahay ama wanaagsanyahay balse waxaa laga yaabaa inay ku go’aan qaataan khuraafaadka ay aaminsan yihiin ama wax ay dad kale oo aan cilmi u lahayn ka maqlaan.

“Sababta qalliinka loo sameynaayo ayaa ah 'bad-baadin' xagga hooyada ama canuugga ah,” ayuu yiri dhaqtar Cabdiqaadir.

Quraafaadka ay dadku aaminsan yihiin waxaa ka mid ah: In qofkii laqalo uusan waxba qabsan Karin, in uu caloosha kadillaacayo iyo in uu noqonaayo qof kadaciifsan dadka kale. Hase yeeshee Dr Cabiqaadir Warsame ayaa sheegay in arrimaasi aysan waxba ka jirin oo dhammaan laga soo kaban karo.