Samiira Amoore: Dhaqtaradda rajada u ah haweenka iyo gabdhaha la dhibban Gudniinka Fircooniga

Dr Samiira

Xigashada Sawirka, Dr Samiira

Qoraalka sawirka, Dr Samiira Axmed Amoore
    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali
  • Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Waxaa lagu qiyaasaa in 230 milyan oo qof ay guud ahaan dunida dhibbane u yihiin caadada Gudniinka Fircooniga ah, halka qiyaastii afar milyan oo qof ay sanad walba wajahaan caadadan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sanad walba lixda Febraayo waxaa la xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Dabar-goynta Gudniinka Fircooniga ah. Sanadkan 2026, iyadoo loo sii dhowaanayo hiigsiga 2030 ee Himilooyinka Horumarin Waara, ayaa ah mid ahmiyad gaar ah leh.

Gudniinka Fircooniga oo ah, waxaa inta badan lagu sameeyaa gabdhaha yaryar ee u dhexeeya xilliga ay dhashaan ilaa da'da 15 jir waana jarid ulakac ah oo lagu jarayo qeyb amaba gebi ahaanba kintirka xubinta taranka haweenka. Waa caado looga dhaqmo ilaa 30 waddan oo ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe, iyo Aasiya, halkaas oo weli laga fuliyo falkan.

Waxaa caadadan loo arkaa mid meel ka dhac ku ah xuquuqda iyo caafimaadka gabdhaha iyo haweenka. Wuxuu sababi karaa dhibaato jireed iyo mid maskaxeed intaba.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee caadadan aadka loogu yaqaanno, balse xilli dhaqdhaqaaqyada lagu ciribtirayo caadadan ay socdaan si loo badbaadiyo gabar kasta iyo haweeney kasta, haddana waxaa aad loo soo fahmayaa dhibaatooyinka uu leeyahay, iyadoo haweenka iyo gabdhaha qaarna ay doorteen inaysan weligood la noolaan dhibtiisa ee haatan ay xal raadsadaan. Isbitaallada qaar ayaa laga helaa adeegyada dib u furista gudniinka, iyadoo haddii mar laga xishoon jiray haatan loo arko xaalad caafimaad.

Gudniinka Fircooniga

Xigashada Sawirka, Dr Samiira

Qoraalka sawirka, Dr Samiira Axmed Amoore

Dr Samiira Axmed Amoore oo ah dhaqtaradda haweenka iyo qalliimadooda kana howlgasha isbitaalka Rajab Tayib Erdogan oo hore loo oran jiray Digfeer ee magaalada Muqdisho waxay toddobaadkii fulisaa labo ilaa shan qalliin oo ku saabsan gudniinkan.

Muddo haatan laga joogo siddeed sano waxay xoogga saareysay caawinta haweenka iyo gabdhaha, iyadoo fulineysay qalliimo badbaadin ah sidoo kalena talooyin iyo wacyigelin siineysay.

"Qalliimada ugu muhiimsan ee aan haweenka u sameyno waxaa ka mid ah kala badbaadinta iyada iyo ubadka xilliga dhalmada, haddii ay burooyin kasoo baxaan minka oo laga saarayo, qalliinka qeybta hoose ee dumarka iyo dib u furidda gudniinka gabdhaha ay kaadida ku adkaatay iyadana waan sameynaa" ayay tiri.

Dr Samiira ayaa sheegtay in muddooyinkii hore ay gabdhaha qarsan jireen dhibaatada uu ku hayo gudniinka, balse wacyi-gelin badan oo ay ka sameysay baraha bulshada kadib ay gabdhaha ku dhiirranayaan.

"Qiyaastii waxaan dhihi karaa Soomaalida aad ayuu ugu badan yahay, maalin walba kiis dhibka gudniinka ku saabsan ayaan la tacaalnaa haba kala duwanaadaane. Qaarkood ayagoo la xanuunsanaya kaadida oo ku dhegtay, caadada oo kasoo bixi weysay, guurka ku dhibtooday ama dhiig-bax ku yimid iyo kuwo dhalmada ku adkaatay oo isbitaalka loo keeno ayay isugu jiraan, marka dhibtiisa waa mid maalinle ah,".

FGM

Xigashada Sawirka, DR Samiira

Qoraalka sawirka, Dr Samiira waxay sameysaa qalliimada Gudniinka Fircooniga

"Gudniinka dartiis ayay u dhimatay"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kiiskii ugu naxdinta badnaa ee ay ilaa iyo haatan xusuusato ayay Dr Samiira sheegtay inuu yahay gabar yar oo laga keenay miyiga, taasoo ugu dambeyn u geeriyootay dhibaato kasoo gaartay Gudniinka Fircooniga.

"Gabar yar oo 13 jir ah ayaa si qaab daran loogu soo guday meel gobol ah. Gudniinka Fircooniga ah asagaa kala duwan, qeybaha ugu badan Soomaaliya waa kan saddexaad oo gabadha meeshii dhan inta la jaro la isku soo tolaayo oo loo reebayo keliya meel xitaa bariis uusan galeyn.

"Gabadhii waxaa ku dhacday, kaadidii ayaa kasoo bixi weysay oo ku dhegtay iyadoo killida dib ugu laabaneysay taasoo keentay inay kilyuhu fadhiistaan. Isbitaalka ayaa la keenay kadib markii caabuq ay qaadeen kilyaheeda, waxaa la geliyay qeybta gargaarka degdegga ah, ugu dambeyna way u geeriyootay," ayay tiri Dr Samiira.

Dhibaatooyinka ka dhasha Gudniinka Fircooniga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah burooyin uu sababo oo kasoo baxa xubinta taranka haweenka, taasoo keenta in laga saaro.

Soomaaliya laga haayo xog sax ah, balse Dr Samiira waxay sheegtay in dadka ugu badan ee dhibaatada ya kasoo gaartay gudniinka ay ka yimaadaa gobollada amaba meelaha miyiga ah.

Dr Samiira

Xigashada Sawirka, DR SAMIIRA

"Isbeddel ayaa hadda ka jira Soomaaliya"

Baarlamaanka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Bishii December Golaha Sare ee Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddaaladda Da' yarta Soomaaliyeed

Soomaaliya, oo mar caadadan gudniinka fircooniga ay ka ahayd mid aan laga gorgortamin oo ku dhowaad gabar kastana lagu sameyn jiray ayaa haatan laga dareemayaa isbeddel.

Bartamihii bishii Disembar ee sanadkii aan soo dhaafnay, xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddaaladda Da' yarta Soomaaliyeed, kaasoo quseeya sidoo kale gundiinka gabdhaha ee dhibaateynaya caafimaadka gabdhaha iyo haweenka.

"Xilligii la sameeyay sharcigan muddo dheer ayaa kasoo wareegatay iyadoo ay jireen caqabado badan oo dhanka bulshada ah oo u arkayay in la dhoho joojinta gudniinka fircooniga ee aan la dhihin joojinta gudniinka. Haweenka sameeya gudniinka ayaanba aaminsaneyn joojinta gudniinka oo gabdhaha u guda kan sunniga," ayay tiri Sacdiya Maxamed Nuur oo ah agaasimaha waaxda dhowrista iyo horumarinta xuquuqda haweenka iyo awoodsiintooda, ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Sacdiya ayaa sheegtay in sababta kalliftay in hindisahan uu gudniinka dhan mamnuuco ay tahay kadib markii haween loogu geeyay gabdho inay sunno u gudaan ay jarjaris ku sameeyeen, taasoo keenta cabasho ka timid bulshada.

Sacdiya

Xigashada Sawirka, Sacdiya Maxamed Nuur

Qoraalka sawirka, Sacdiya Maxamed Nuur

"Waxyaabaha sanadkan horumar fiican laga gaaray ayay ka mid tahay in la ansixiyo sharcigaas gudniinka mamnuucaya, waxaana fileynaa in sanadkan la dhaqan-geliyo," ayay intaas raacisay.

Horummarada kale ee Soomaaliya ay ka gaartay wax ka qabashada gudniinka ayay Sacdiya sheegtay inay ka mid tahay aasaaska xarun lagu caawiyo gabdhaha iyo haweenka oo si bilaash ah ay usoo wici karaan, taasoo la furay bishii November ee sanadkii hore, sidoo kalena lagu ururiyo xogaha.

"Xogaha aan ka heleyno meelaha miyiga ah ayay ka jirtaa dhibaatada iyo saameynta gudniinka, inkastoo magaalooyinkana ay ka jiraan kiisaska qeybta saddexaad ee gudniinka.

Soomaaliya waxa ka mid tahay dalalka aysan ka suurto-gelin weli dabar-goynta gudniinka, balse xoogaa horumar ah ayaa laga gaaray. Sidoo kale maamul-goboleedyada horumar ayaa laga gaaray oo wacyi-gelinno ayaa la sameeyay." Ayay intaas ku dartay Sacdiyo.

Dr Samiira oo fulineysa qalliinka gudniinka

Xigashada Sawirka, DR Samiira Amoore

Qoraalka sawirka, Dr Samiira oo fulineysa qalliinka gudniinka

Sanadihii dambe ayay sheegtay Dr Samiira inay soo badanayeen haweenka qalliimadan u imaanaya isbitaalka, iyadoo da'da ugu badan ee ay la tacaalaan ay tahay inta u dhaxeysa 20-30.

"Waxaad arkeysaa in dadku ay wax soo fahmayaan. Gabdhihii inta aysan guursan kahor ayay kuu imaanayaan, qaarkoodna iyagoo raggooda la socda oo ah lammaane cusub oo doonaya in gabadha gudniinka laga furo iyaga oo raalli ka wada ah," ayay tiri.

Xaliima "Ma aha magaceeda saxda ah" waxay BBC u sheegtay in bishii January ay u tagtay Dr Samiira oo lagu sameeyay qalliin qeybta hoose ah, kadib markii ay muddo badan la dhibbaneyd dhibaatada Gudniinka Fircooniga ah.

"Dhan walba ayaan ka dhibbanaa, sida caadada oo aan iga soo baxeyn, kaadida oo aan iga soo dhammaaneyn, balse tan iigu daran waxay ahayd kaadida oo aan iga soo dhammaaneyn, taasoo igu keentay dhabar-xanuun," ayay tiri.

Gabadhan oo dhowr iyo labaatan jir ah lehna hal wiil ayaa sidoo kale ku dhibtootay foosha iyo dhalmada, taasoo keentay in ilmaha lagu qalo.

"Meesha ilmaha madaxa ayuu lasoo bixi waayay oo way yareyd," ayay intaas raacisay.

"Dadka waxaan kula talin lahaa inay qalliinkan maraan, sababtoo ah wax dhib ah malaha nafis ayaadna dareemeysaa." Ayay tiri Xaliima oo sheegtay in gabdho badan oo saaxiibbadeed ah ay ku qancisay inay isbitaallada tagaan oo loo xalliyo dhibta gudniinka.

Sidoo kale dadka ka faa'iideystay qalliimada Gudniinka Fircooniga ee ay sameyso Dr Samiira waxaa ka mid ah gabar dhowr iyo toban jir ah oo ay walaasheed mas'uulka ka ah oo BBC la hadashay codsatay inaan magaceeda la shaacin.

Nimco Axmed Xasan, ayaa BBC u sheegtay in walaasheed oo 17 jir ah hore loogu guday Gudniinka Fircooniga ah, waliba nooca saddexaad.

"Caadada ayaa ugu darneed oo xanuun saa'id ayay ku heysay iyo kaadida oo aan si wacan uga soo baxeyn, waxayna sababtay barar gudaha ah. Isbitaalka ayaan geynay si loo furo," ayay tiri.

Kadib qalliin lagu sameeyay waxay sheegtay in haatan ay walaasheed ka bogsatay dhibaatadii ay ku qabtay kaadida iyo caadada.

Naciima, oo qudheeda umuliso ah oo caafimaadka aqoon u leh, ayaa sabab u ahayd inay walaasheed badbaadiso kuna qanciso waalidkeed in gabadha yar la geeyo isbitaal.

"Xitaa gabdhaha iga yaryar oo saddex ah da'dooduna u dhaxeyso 19 ilaa saddex jir lama gudin aniga ayaana sabab u ah oo ka badbaadiyay, waxaana qoyska u sharraxay dhibaatada uu leeyahay gudniinka." Ayay tiri Nimco.

Noocyada Gudniinka Fircooniga (FGM)

FGM

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gudniinka haweenka waxaa loo qaybiyaa 4 nooc oo waaweyn:

Nooca 1aad: Kani waa ka goynta qayb ahaan ama dhammaan kintirka (waa qaybta bannaanka ka muuqata ee xubinta taranka dumarka, taas oo ah meel aad u dareen badan), iyo/ama daboolka maqaarka ee ku wareegsan kintirka.

Nooca 2aad: Kani waa ka goynta qayb ahaan ama dhammaan kintirka iyo bushimihii yaryaraa ee xubinta taranka, iyadoo mararka qaarkoodna la raaciyo bushimihii waaweynaa.

Nooca 3aad: Kani waa yaraynta duleelka xubinta taranka iyadoo la abuurayo xiritaan (tolniin), waana kan ugu badan ee laga sameeyo Soomaaliya, sida ay sheegtay Dr Samiira. Xiritaankan waxaa lagu sameeyaa iyadoo la jarayo la iskuna keenayo bushimihii yaryaraa ama kuwii waaweynaa, mararka qaarkoodna waa la tolaa, iyadoo laga yaabo in kintirka ama daboolkiisa la gooyo ama la daayo.

Nooca 4aad: Waxaa halkan soo gelaya dhammaan falalka kale ee waxyeellada u geysta xubinta taranka dumarka ee aan loo qaban sababo caafimaad, sida; daloolinta, goynta, xiridda iyo gubidda aagga xubinta taranka.

Maxaa loo sameeyaa gudniinkan?

FGM

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sababaha ugu badan ee la sheegay in loo fuliyo gudniinka fircooniga ah waa aqbalaadda bulshada, diinta, fikradaha khaldan ee nadaafadda, hab lagu ilaaliyo bikradnimada gabadha ama haweeneyda, ka dhigidda haweeneyda "mid la guursan karo" iyo kor u qaadista raaxada galmada ee ragga.

Dhaqamada qaarkood Gudniinka Fircooniga ah waxaa loo arkaa inuu yahay caado ka mid ah qaangaarnimada, waxaana loo arkaa inuu yahay shuruud guur.

Inkastoo aysan jirin faa'iidooyin nadaafadeed ama mid caafimaad oo uu leeyahay Gudniinka Fircooniga ah, bulshooyinka ku dhaqma waxay aaminsan yihiin in xubinta taranka haweenka ay u baahan tahay in la gooyo - dumarka aan la marin Gudniinka Fircooniga ah waxaa loo arkaa kuwo aan caafimaad qabin, aan nadiif ahayn ama aan istaahilin haweennimada.

Inta badan waxaa loo sameeyaa si ka baxsan rabitaankooda, xirfadlayaasha caafimaadka ee adduunka oo dhanna waxay u arkaan inay tahay nooc ka mid ah xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo ku xadgudubka xuquuqdooda aadanaha. Marka Gudniinka Fircooniga ah lagu sameeyo carruurta, waxaa sidoo kale loo arkaa nooc ka mid ah ku xadgudubka carruurta.