Waxay qoyskeedu u heysteen inay jinniyo qabto, muxuuse noqday xanuunkeeda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Faadumo Macallin Abuukar
- Role, BBC News Somali
*Aamina, waxay ahayd 18 jir, markii magaalada Muqdisho loo geeyay in laga daweeyo xanuun daran oo ay dareemeysay.
Mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho ayaa lagula tacaalayay, qoyskeeda oo ka keenay miyiga mid ka mid ah gobollada Soomaaliya, ma aysan garan karin xanuunka hayay gabadhooda muddo saddex sano ah, markii ay u taag waayeen ayay usoo kaxeeyeen Muqdisho.
"Waxay qoyska u heysteen inay gabadhu qabto jinniyo iyo waxyaabo kale, sababtoo ah xanuunka qabanaya ma ahayn mid caadi ah," ayay tiri Dr. Maryan Cabdullaahi Sheekh Nuur oo ku takhasustay xanuunnada haweenka, kana tirsan Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, kana howlgasha Isbitaalka Dr. Sumait ee magaalada Muqdisho.
Baaritaan dheer kaddib, ayay dhaqtaraddu sheegtay in Aamina ay la xanuunsan jirtay caadada, oo ku dhacday markii ay 15 jir ahayd.
"Xilliga caadada keliya ayuu xanuunka u imaan jiray. Maalin kahor caadada ayuu bilaaban jiray, kaddib sariir ayay isku diyaarin jirtay. Labo maalmood camal waxay ahayd qof aan miirkeeda joogin oo kale," ayay tiri Dr. Maryan.
Inkastoo sida ay Dr. Maryan sheegtay inta badan gabdhaha Soomaaliyeed ay la xanuunsadaan caadada, haddana kiiskan waa kii ugu darnaa ee ay dhaqtaraddu la kulanto.

Xigashada Sawirka, Dr Maryan
"Way la suuxeysay xanuunka, miyirkaa ka tagaayay, reerkeedana waxay u geynayeen Sheekh oo Qur'aan ayay saari jireen,"
Xanuunka Aamina ayaa u badnaa dhanka gumaarka. Waxaa la isku dayay in la siiyo xanuun-baabi'iye laakiin taas kama caawin inuu ka yaraado.
Calaamadaha kale ee xanuunka u wehliyay waxaa ka mid ahaa inay cuntada ka go'day oo ay soo matageysay wax walba oo la siiyo.
"Gumaarka ayay ku dhegganaan jirtay, xabad xabad ayay u seexaneysay xitaa dhabar uma seexan karin,"
Dr. Maryan ayaa sheegtay in kiiskan lagu xalliyay in gabadha caadada laga joojiyo oo dawooyin la siiyo.
"In saddex bilood laga joojiyo caadada, kaddib hal bil loo fasaxo, sidaas lagu wado ilaa ay ka guursato,"
Dhaqtaradda ayaa sheegtay in guurka kaddib ay gabdhaha qaar ka yara nastaan xanuunka caadada, inkastoo dadku aysan isku mid ahayn.
Gudniinka saameyn maku leeyahy?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, waxaa lagu qiyaasaa in 200 oo milyan oo gabdho iyo haween ah oo maanta nool ay soo mareen nooc ka mid ah gudniinka.
Inkastoo dhaqankan aad looga yaqaanno ilaa 30 dal oo Afrika iyo Bariga Dhexe ku yaalla, waxaa sidoo kale looga dhaqmaa qaaradda Aasiya iyo Latin America.
FGM ayaa sababi kara dhibaatooyin caafimaad, jir ahaan iyo maskax ahaanba, sida ay sheegeen dhaqaatiirta caafimaadka.
Haween iyo gabdho badan oo adduunka ku nool oo gudniinkan maray, ayaa caadada ku dhibtooda.
Marka la eego kiiska Aamina, waxay Dr. Maryan sheegtay in sababta ugu weyn ee ay xanuunka daran ee cadada u dareemeysay maaha Gudniinka Fircooniga, waase xaalad daabiici ah oo ay gabdhaha qaar maraan.
"Gudniinka wuxuu xanuunka caadada gacan ku yeeshaa marka la xiray waddadii dhiigga uu soo mari lahaa. Inta badan gudniinka waxaa loo qeybiyaa afar qeybood. Gundiinka nooca saddexaad iyo afaraad oo ah in qeyb ka mid ah jirka gabadha la jaro oo la isku tolo,"
"Mar walba irrid yar ayay u furaan oo kaadida iyo dhiigga caadada ay soo maraan. Haddii iriddaas ay aad u yar tahay gabadhana ay tahay dadka dhiiggooda uu badan yahay, way dhici kartaa inay xanuun ku draeento marka uu soo baxaayo," ayay tiri Dr. Maryan.
Noocyada xanuunka caadada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xanuunka caadada ayaa loo qeybiyaa labo qeybood. Waxaa afka qalaad lagu kala yiraahdaa primary dysmenorrhea iyo secondary dysmenorrhea.
Kan koowaad waxay gabadhu dareentaa marka uu billow ku yahay dhiigga caadada, caadiyan caadada koowaa, ama labaad ama saddexaad oo kale.
"Xanuunkan ma laha wax sabab ah oo la yaqaanno oo la dhihi karo gabadhan buro ayaa ku taalla ama infekshan ayay qabtaa," ayay tiri Dr. Maryan.
Nooca labaad ee secondary dysmenorrhea, ayay dhaqtaradda sheegtay inuu gabdhaha ku dhaco marka ay 20-30 soo gaaraan. Marka gabadha aysan hore u arki jirin xanuun, balse ay markii dambe isu aragto ayaa loo sababeeyaa inay jiri karaan xanuunno kale oo ku hoos duugan kan caadada.
Labadn nooc ayaa lagu kala saaraa baaritaan lagu sameeyo gabadha, si loo ogaado inay jirto sabab ka dambeysa.
Calaamadaha labadan nooc ayaa waxay ka siman yihiin matag iyo madax xanuun saa'id ah, hurdo la'aan iyo xanuun mararka qaar daran.
Goormaa ayay tahay inaad ka walwalsho xanuunka caadada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr. Maryan ayaa sheegtay in 50% ilaa 90% haweenka ku nool dunida ay dareemaan xanuunka caadada.
Hase yeeshee, waxaa jiri karta in xanuunkan uu xaddi leeyahay.
"Nooca koowaad ee primary dysmenorrhea oo kale waxaa laga walwalaa marka xanuunku uu saa'id yahay oo ay gabadhu tacbaan noqoto, iskuul ay aadi weyso, hurdi weyso oo ay wax cuni weyso,"
"Haddii uu yahay nooca secondry dysmenorrhea, waxay gabadhu walwali kartaa marka ay isku aragto xanuun aysan hore u arki jirin, markaas waa inay dhaqtar tagtaa,"
Dhaqtaradda ayaa sheegtay inay muhiim tahay inay gabadhu hore isbitaal u tagto marba haddii ay isku aragto isbeddel dhanka xanuunka ah, oo aysan sugin muddo dheer, maaddaama ay jiri karaan xanuunno kale oo ku hoos duugan kan caadada.
Cunnooyinkee khafiifiya xanuunka caadada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma jirto cunto gaar ah oo gabdhaha iyo haweenka ka caawisa inay ka yareyso xanuunka caadada, balse waxay Dr. Maryan ku talineysaa in la iska yareeyo cunnooyinka gasacadeysan, sokorta badan iyo kuwa dufantu ku badan tahay.
Waxay gabadhu badsan kartaa kuwa ay ku jiraan maaddooyinka omega-3 iyo omega-6.
- Cunnooyinkan waxaa ka mid ah:
- Kalluunka dufanta leh sida nooca salmon
- Miraha flaxseeds iyo saliiddooda
- Ukunta
- Looska nooca walnuts
- Digirta soybeans
Iyo qaar kaloo badan.
"Sida cilmi-baarisyo qaar ay sheegeen, cunnooyinkan waxay ka yareyn karaan xanuunka caadada." Ayay tiri Dr. Maryan.













