"Hooyadey horteed ayay caadada iga go'day"

Bal qiyaas adigoo dhowr iyo taban jir ah ama 20 oo markaas ay caadada kaa tagto. Ma aheyn wax ay Emma, Soe-Myat IYO Elspeth, qiyaasayeen carruurnimadooda. Markii la ogaaday waxa ay qabaan waxay noqotay bilowga safar dheer oo noloshooda soo mara kaas oo haweenka oo dhan ay la kulmaan xilli ka mid ah noloshooda balse inta badan kama hadlaan.
Waxay aheyd August 2013-kii goor subax ah, markaas oo dhakhtar uu baaray galka caafimaadka ee Emma Delaney, wuxuuna u sheegay in ay caadada kaga tagtay 25 jir.
Emma waxay ka kici weysay kursiga salkiisu adkaa ee isbitaalka, waxaana madaxeeda ka dhexguuxayay wixii uu lahaa. Caadadii aan soo laaban ilaa markii ay kaniinka joojisay dhowr sano ka hor marna ma soo noqoneyso. Suurgal ah uma ahan in si dabiici ah ay uur u qaaddo.
“Ma garanayo wax aan ku jawaabo .. wuxuu sheegay sida inaan lumiyay furayaasheyda oo aan carruur dhali karin” ayey tiri
Emma waxay qeyb ka tahay haween ay saameysay xaalad loogu yeero “Ugxansidaha oo shaqada qabaneyn” taas oo lala xiriiriyo hab kasta oo 40 jir wixii ka yar ay caadada kaga tagto. Inta badan lama oga sababta balse haweenka qaba dhibaatadaas waxay dareemaan astaamaha caada istaagga ilaa ay ka gaaraan 50 sano
Mid ka mid ah 100kii haween ee UK ayaa xaaladdaas qabta, waxayna khubarrada aaminsan yihiin inay intaas ka sii ballaaran tahay. Waa arrin weli la baarayo
“Gabi ahaanba si ku filan loogama hadal caado istaagga haweenka da’da yar” ayey tiri Dr Nighat Arif oo sidoo kale ka mid ah dhakhaatiirta qoysaska ee hey’adda caafimaadka Ingiriiska NHS, waxayna xiddig ka tahay Tik Tok iyadoo si gaar ah u daneysa daryeelka caada istaagga.
Emma iyo kuwa la midka ah ma garanayaan sababta uusan u shaqeyneyn ilmo-galeenkooda balse ugxansidaha oo shaqada qabaneyn waxaa sababa xaalado difaaca jirka, koromosoomyada oo jirran ama qalliin lagu sameeyay ugxansidaha, iyo sidoo kale saameyn jir iyo mid maskaxeed taas oo iyana cawaaqib xun yeelan karta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kaddib markii dhakhtarka Emma uu warka u sheegay, saacad ayey gaarigeeda ku dhex ooyneysay
Emma waxba kama garaneyn caado istaagga marka laga reebo wixii ay ka maqashay dumarka da’ada ah ee ay kula kulanto xarunta ay ka shaqeyso ee timaha lagu hagaajiyo oo ku taal Manchester. Waxaa meesha ka baxay mustaqbalkii ay ku hammineysay ee ahaa in ay hooyo u noqoto labo carruur ah.
Bilihii xigay, Emma waxay qaadatay daawooyinka hormoonnada. Waxay ogaatay in ugxansidaheeda uu joojiyay shaqada, jirkeedana ma soo saarayo Istrajiin iyo borojastaroon, waa labo hormoon oo maamula wareegga caadada. Isku dheellitirnaan la’aanta ayaa caafimaadkeeda saameeyay sanado.
Wax aysan isku aqoon ayey dareentay. Kulayl sida in dab lagu qabanyo jirkeeda oo dhan iyo hurdo la’aan ka timid isku dheellitirnaan la’aanta hormoonka.
Xanuunka waxaa ku sii kordhiyay iyadoo weli hooyadeed oo da’ 40 meeyo ku jirto aysan weli caadada ka tagin. Saaxiibbadeeda waxay billaabeen inay degaan oo reer iyo carruur yeeshaan. “Waxaan dareemay inaysan cidi i fahmeyn,” ayey tiri.
Emma shaqo ayey isku mashquulisay, mana dooneyn inay ka hadasho xaaladdeeda. Xiriir aan rasmi aheyn iyo haasaawe ayey ku dhammeysay habeennadeeda. Waxay dooneysay wax ka duwan saaxiibbadeeda reeraha yeeshay
“Waxaan jirkeyga ku dilay qamri iyo galmo.. ma ogeyn inaan u baahanahay in aan qof la hadlo,” ayey itir.
Haddii haweenka iyagoo yar oo ay caadada ka istaagto aysan wax weyn aheyn, kuwa badan waxaa la ogaaday xaaladdaas kaddib markii ay bilaabeen daaweynta mid kale oo halis ah

Si lama filaan ah ayey caadada kaga tagtay Soe-Myat Noe kaddib markii kansar laga daaweeyay. Sanadkii hore billowgiisa, iyadoo 23 jir ah ayaa laga helay kanskar xiidmaha oo marayay heerka saddexaad. Shucaacii lagu daweeyay agagaarka miskaha ayaa waxyeelay ugxansidaha, xilligaas ma ogeyn wax ay noqoneyso.
“Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha waxay xoogga saarayeen kansarkeyga iyo daaweyntiisa .. ma filayo in cidi igala hadashay waxa caado istaagga tahay” ayey tiri
Astaamaheeda oo ay ka mid yihiin dhawaq sida seeriga dhagaha xanuunjiya, welwel, daal ayaa soo baxay. In laga hadlo dhalmo iyo caado ma aheyn wax guud markii Soe-Myat ay barbaareysay, marka lama socon wax imaan kara.
Saaxiibbadeeda jamacadda waxaa culeys ku ahaa daawooyinka uurka looga hortago, ma fahmi karin waxa ay mareysay.
“Wax kasta ee igu dhacay, waxaan u haystay inay ku dhacaan waayeelka .. waxaan dareemay sida in qeyb weyn oo nolosheyda ah aan ka booday.”
Soe-Myat waxay kala hadli kartaa caafimaadka maskaxdeeda dhakhaatiirta ku shaqada leh balse kan jirkeeda lama tixgelin. Waa inay iyada taas raadsataa.
Inkastoo daaweynta hormoonada ay ku habboon tahay haweenka qaba noocyo gaar ee kansarka haddana Soe-Myat tani iyada looguma talogalin, markii ay bilowday inay qaadatana waxbaa iska baddalay
Ilaa markaa kaddib waxaa loo sheegay in uu cudurkii ka baxay. Waxay sidoo kale sameysay inay socoto iyo inay ka fogaato cabitaannada kulul. Waxay jacleyd in hore loogu sheego sidii ay ku maarreyn laheyd astaamaheeda “In ay sidan u adkaato ma aheyn” ayey tiri

Barta bulsho ee Dr Nighat Arif waxaa ka buuxo farriimo ka yimid haween taas oo kale ay soo martay. Waxay ku baaqday in shaqaalaha caafimaadka ay si fiican u fahmaan daryeelka caado istaagga, waxayna dooneysaa in haweenka da’ kasta oo ay jiraan aysan waxba qarsan
“Fadlan la hadal haweenka qoyskaaga. La sheekeyso hooyadaa, ayeydaa, eeddadaa, saaxiibtaa. Ma ahan wax laga xishoodo, fahan waxa ay marayaan”
Dr Arif waxay sheegtay in hadda haween badan la ogaaday inaysan ilmo qaadi karin sababtuna ay tahay in si weyn loo fahmay astaamaha, inkastoo ay waqti dheer qaadan karto in sax loo helo. Haddii aan la daaweyn waxa uu saameyn mustaqbalka fog ku yeelan karaa lafaha, wadnaha iyo caafimaadka maskaxda haweenka
“Bukaannada qaar mugdi ayey galaan” ayey tiri, “Waxay doonayaan inay carruur helaan taas ayaana meesha ka baxday”

Elspeth Wilson waa 23 jir, si wanaagsan ayey ula socotaa. Markii ay jirtay 15 sano ayaa laga helay in ugxansidaheeda uusan shaqeyneyn. Nolosheeda oo dhan waxaa ku adkeyd inay galmo sameyso.
“Way adag tahay in aad qof xiriir la sameyso oo aad tusto jaceyl, haddana jirkaaga uu diidayo waxyaabaha qaar” ayey itiri. “Waxa i niyadjabiyay waa dhakhaatiirta oo marnaba waxweyn ka dhigin tan”
Elspeth waxay bilowday shaqadeedii ugu horreysay kaddib markii jaamacadda ay soo dhammeysay. Inkastoo ay ku ammaanty shirkadda ay u shaqeyso taageerada ay siiyeen haddana isbeddelka ma sahlaneyn.
“Waxaa ii raacay awood la’aan. Waxaa isoo mara daqiiqado maskaxdu fariisato, oo aan mugdi galo”
Waxaa culeyska ka yareeya WhatsApp ay ku jiraan dumar kale oo ay isku xaalad yihiin. Wax walba ayey ka sheekeystaan.
“Waxaad heleysaa meel aad su’aalo ku weydiiso oo aad ku furfurato … hadii aad leedahay awood aad ku hadasho waa meel aysan wax ceeb ah ka jirin, aad ayey u fududdahay.”
Soe-Myat oo ku biirtay koox haween da’yar ah oo internetka ku xiriira ayaa taa la qabta. “Waxaan dareemay awood” ayey tiri

Waa cashar ay Emma muddo kaddib baratay. Sanado ay ka warwareegeysay xanuunka laga sheegay, ugu dambeyn Emma waxay billowday inay si furan uga hadasho wixii ay soo martay. Waxay billowday inay dareenkeeda u sharraxdo dhakhtarkeeda kaas oo ka caawiyay inay sideedii ku soo laabato.
Dhowr sano ka hor waxay heshay lammaane fahma xaaladdeeda oo hadda ay wada nool yihiin.
Barta Instigaraamka waxay ku taxan tahay cabashooyinka la xiriira caada istaagga, waxayna aasaastay shabakadda Daisy oo ah mid ka shaqeysa inay siiso xog iyo taageero haweenka aan ilmaha qaadi karin.
Markii ugu horreysay ayey la hadashay dad kale oo fahamsan waxay mareyso. Hadda waa 34 jir waxayna ku hammineysaa inay ubad hesho. Ugxaan loogu deeqo ama IVF waa niyadjab, ayey itiri, sidaa darteed waxay hadda ku fakareysaa inay ilmo korsato. Mararka qaarna waxay shaqadeeda u xirataa shaar madow oo ay ku qoran tahay “Caado istaagga waa arrin muhiim ah”. Macaamiishada waxay dhahaan ma gaarin xilli ay caadada kaa tagto, markaa kaddib ayay u sharraxdaa xaaladdeeda.
“Waxay igu dhahaan waxbadan ayaan ka barannay caadada oo tagta 30kii daqiiqo aan kula joognay taas oo ka badan nolosheenna intii aan ka ogeyn. Waan ku faraxsanahay inaan ku wargelinayo gabar kasta”













