Cunista hilibku ma saamaysaa urta dhididkaaga?

Gabar kilkisheeda ursanaysa

Waxaan dhammaanteen ognahay in marka jirkeennu kululaado uu soo saaro dhidid farabadan. Waa qaabka jirkeenu isu qaboojiyo. Dhibic kasta oo jirkeenna kasoo baxdaa waxay caawinaysaa sida uu hoos ugu dhici lahaa heerkulka jirkeenu. Inkasta oo nidaamkani muhiim yahay hadana wuxuu leeyahay saameyn aan la jeclayn.

Dabcan haa, waxaan ka hadleynaa qaabka uu soo uro dhididkeenu.

Qof walba si gaar ah ayuu dhididkiisu soo uraa, qaar ayaanba dareemin shiirka dhididkooda halka kuwa kale ay leeyihiin sinjiidh adag.

Barfasoore Johan Lindstrom oo wax ka dhiga mac’hadka Karolinska ee magaalada Stockholm ayaa sameeyay cilmi baarsiyo badan oo ku aaddan shiirka iyo urka. Waxa uu sharxay in urka dhididkeenu ku tiirsan yahay waxyaabo badan oo kala duwan.

Urka jirkeena waxaa sababa isku darka dheecaanna kala duwan oo ka yimaadda qanjidhada kala duwan ee jirka, kuwaas oo qayb ahaan aysaameyn ku leeyihiin hidde-sidaheena, bakteeriyada ku nool jirkeena, (sababo la xiriira hiddasidaha iyo nadaafadda jirkeenna) iyo deegaanka ( huurka, heerkulka, oo ku xiran cadaadiska hawada). Iyo ugu dambeyntii waxa aan cunno oo sidoo kale saamayn la taaban karo ku leh urka jirka.

Haddaba iyada oo ay jiraan sababaha iska caadihga ah sida, hiddesidaha iyo nadaafadda, hadana cuntada aan cunno ayaa kalin la taaban karo ku leh sida uu dhididkeenu soo uro.

Cuntooyinka badala urka jirlkeenna

Hilibka cas ayaa la sheegay in uu badelo urta dhididka
Qoraalka sawirka, Hilibka cas ayaa la sheegay in uu badelo urta dhididka

Ma garanayno inta ay la egtahay cuntada saamaynaysa urta dhididkeena. Hase yeeshee, Lindström ayaa leh, 'Inta aan ogahay, tan si rasmi ah looma qiimeyn, laakiin dhab ahaantii waan ognahay cuntooyinka saameynaya nooca urta'.

"Dadka cuna hilibka badan ayaa dhididkoodu leeyahay urka ‘ugu daran‘ marka loo eego dadka ku nool cuntada khudaarta u badan," ayuu yiri Lindström. Waxa kale oo cad in qofka jecel cunista toonta ay u badan tahay inuu soo shiiro si aan la jeclaysan.

Qudaarta loo yaqaan ‘asparagus‘ iyo dhir udgoon oo kala duwan ayaa sidoo kale saameyn kara carafkeena dabiiciga ah. Laakiin maxay yihiin maaddooyinka gaarka ah ee cuntooyinkan u suurtageliya inay beddelaan urta dhididkeenna?

'Asal ahaan, waxay ka kooban yihiin kiimikooyin gala dhiigga. Halkaas ayay ka baxaan. Inta badan waxyaalaha gala dhiigga waxa ur ahaan si uun uga soo baxaan jidhkeenna.

Haddaba, haddii aad cunto toonta iyo hilibka, kuwaas oo qani ku ah maadada la yiraah ‘Sulphur‘, ayaa soo urta marka ay kasoo baxdo kanaalada kala duwan ee jierka.

Ma jiraan cuntooyin dhididka ka dhiga mid caraf leh?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo ay jirto cilmi baaris yar oo lagu sameeyay cuntooyinka ka dhigi kara dhididkaaga mid leh ur la aqbali karo, cilmi-baarisyada qaar ayaa muujinaya cuntooyinka u horseedi kara dhidid leh caraf ama ur 'soo jiidasho leh'.

Mid ka mid ah tijaabadan ayaa lagu sameeyay Jaamacadda Macquarie ee dalka Australia. 43 ka mid ah ka qaybgalayaasha ragga ah ayaa la waydiistay inay ku qubaystaan biyo kaliya oo (aan la oggolayn waxyaabah jirka lagu carfiyo) ka hor inta aanay xidhan funaanado suuf laga sameeyay. 48 saacadood ayay funaanadaha xidhnaayeen. Mudadaas oo ay ku jirtay hal saac oo jimicsi ah oo qanjidhada dhididka ka dhigaya kuwo firfircoon.

Funaanadaha ayaa markaa loo gudbiyay si loo falanqeeyo. Maxay natiijadu noqotay? Ragga cunay miraha iyo khudaarta badan ayaa yeeshay caraf fiican, yacni, ubax badan, midho, macaan iyo udgoon.

Kuwa cunay baruur, hilib, ukun iyo tofu ayaa sidoo kale si fiican u urayay. Si kastaba ha ahaatee, kuwa qaatay cuntooyinka ay ku jiraan karbohaydrayt sare ayaa la sheegay inay leeyihiin urta dhididka oo ka xoog badan kuwa aan cunin.

Cuntooyin ay ka mid yihiin miraha ayey saynisyahannadu sheegeen in ay u wanaagsan yihiin carafta dhididka
Qoraalka sawirka, Cuntooyin ay ka mid yihiin miraha ayey saynisyahannadu sheegeen in ay u wanaagsan yihiin carafta dhididka

waxaa ku lug lahaa 17 nin oo la siiyay cunto qani ku ah hilibka ama cunto aan hilib lahayn. Laba toddobaad ka dib, muunado dhidid ah ayaa la qaaday. Bil ka dib, tijaabada ayaa lagu soo celiyay, iyada oo dhammaan ka qaybgalayaasha la siiyay cunto ka duwan trii hore.

Koox ka kooban 30 haween ah ayaa markaa la waydiiyay inay qiimeeyaan urta dhididkooda, soo jiidashada iyo raganimada. Dhididka ragga ayaa si joogto ah loo ogaadey inuu aad u roonaado marka ay cunayaan cunto aan hilib lahayn: ‘a qayb qaatayaashu waxay cunayaan cunto aan hilib ku irin waxayna soo carfayaan ur soo jiidasho leh, wacan oo aan la dhibsanayn. Tani waxay soo jeedinaysaa in cunista hilibka cas ay saameyn xun ku leedahay urta jirka.'

Sida inta badan dhacda daraasadaha sayniska, waxaa jiray cilmi-baaris yar oo lagu sameeyay haweenka. Si kastaba ha ahaatee, daraasad yar ayaa lagu ogaaday in markii saddex dumar ah la falanqeeyay ka hor, inta lagu jiray iyo ka dib 'xakamaynta kalooriyada', ay raggu ka heleen carafta dhididka dumarkaas.

Haddaba, ma caadibaa inaad beddesho cuntadaada si aad u hagaajiso urta jidhkaaga? Way fududahay in la "isticmalo barafuunka iyo cadarka" halkii aad isku dayi lahayd oo aad hagaajin lahayd adigoo cunaya cuntooyinka qaarkood, ayuu yidhi Lindström.