Dad waayeello ah oo lagu garaaco xarunta xannaanada

Xigashada Sawirka, BBC AFRICA EYE
Dadka nugul ee ku nool guri lagu xanaaneeyo dadka da'da ah oo u dhow magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, ayaa loola dhaqmaa si arxan daran, iyagoo u muuqda in la dayacay, baaritaan ay sameysay BBC Africa Eye ayaa daaha ka qaaday arrintaasi.
Muuqaal sir ah ayaa muujinaya xubnaha shaqaalaha oo jir ahaan six xun ula dhaqmaya dadkaas taagta daran, iyo sidoo kale iyagoo cuntada si toos ah ugu daadinaya miisaska halkii saxan ugu guri lahaayeen, waxaa sidoo kale muuqata in ay jiran xaalado caafimaad oo aan helin daryeel iyo daweyn gaar ah.
"Ku dhufo dabada. Garaac," xubin ka mid ah shaqaalaha ayaa ku boorrisay saaxiibteed ay shaqo waadagga yihiin oo usha ku dheggan, kuna sugan Kaniisadda Presbyterian ee Bariga Afrika gaar ahaan halka dadka waaweyn lagu xannaaneeyo ee Thogoto Care Home for the Aged, oo qiyaastii 20km galbeed ka xigta casimadda Nairobi.
Muuqaallada qarsoon ayaa muujinaya saddex shaqaale ah oo ku labisan dharka midabkiisu yahay purple-ka ay haweeney da'ah ku hareereeyeen meel ay taagneyd.
"Maxaad halkaas ka dooneysay?" ayey waydiisay mid ka mid ah shaqaalaha. "Waa laguu yeeray oo waad diidday inaad soo noqoto."
Haweeneydii da'da ahayd waxa ay u muuqatay mid lasoo weeraray oo ay cabsi badani ka muuqato.
"Alla, fadlan i cafi," ayay tiri.
"Hadda waa inaan ku garaacnaa," ayey tiri mid ka mid ah shaqaalaha.
Waxaa markaas la arkayay shaqaalaha oo ul alwaax ah qaarka dambe uga garaacaysa haweeneyda waayeelka ah.
Tani waa hal tusaale oo keliya oo caddaynaya in si xun loola dhaqmay dadkaasi isla markaana lagu ogaaday baaritaanka BBC Africa Eye.
Guriga daryeelka waxaa dejiyay Ururka Haweenka ee kaniisadda PCEA ee deegaanka laakiin hadda si madax bannaan ayaa loo maareeyaa. Waxay hoy u tahay ilaa 50 haween iyo rag waayeello ah.
30-ka sano ee soo socda dadka da'da ah ee Afrika ayaa la saadaalinayaa inay saddex jibaarmaan min 75 milyan ilaa 235 milyan, sida lagu sheegay warbixinta Xafiiska Tirakoobka Mareykanka ee 2020.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sannadkii 2020-kii, telifishinka Ebru ayaa duubay gudaha Guriga Daryeelka ee Thogoto. Maamulaha xaruntaasi xannano Jane Gaturu ayaa soo bandhigtay sawirka meel nabdoon, halkaas oo dadka ku nool si wanaagsan loo quudiyo loona daryeelo.
BBC Africa Eye ayaa maqashay warbixinno walaac leh. Laba wariye oo qarsoodi ah ayaa shaqooyin ka helay guriga daryeelka waxayna 14 toddobaad ku qaateen halkaasi oo ay ka duubeen muuqaallo qarsoodi ah.
Sidoo kale muuqaallada shaqaalaha oo ul ku garaacaya haweenayda da’da ah, ayaa waxa laga dhex arki karaa shaqaalaha oo qiranaya in ay jirdil u geystaan dadka kale ee daryeelka u baahan.
"Mararka qaar waa in aad xoog adeegsato," ayuu yiri xubin ka mid ah shaqaalaha, oo fadhiya bannaanka meel shaaha lagu cabo xilliyada nasashada.
"Xitaa daryeelayaasha wanaagsan waxa ay noqdaan kuwo ad-adag oo dagaallama marka ay iyaga la dhaqmayaan," ayay tiri.
Waxay tusaale usoo qaateen hal nin oo mar waliba la uleeyo ama la garaaco.
"Waan garaacnaa, waana taas waxa dejiya isaga, sababtoo ah haddii uu xanaaqo, xitaa wuxuu kugu dhufan karaa dhagax," ayay tiri.
Weriyeyaashu waxay duubeen tusaalooyin dheeraad ah oo muujinaya dayacaadda iyo arxan darrada oo ay ku jiraan xaalado caafimaad oo aan la daweyn. Mid ka mid ah odayaasha ayaa la ildaran xanuun maqaarka ah.
"Waxaan dareemayaa xanuun, aad u badan, aad u badan. Waxaan dareemayaa inaan gubanayo," waxaa laga maqlayaa muuqaalka isagoo sidaasi u hadlaya, isagoo isku dayaya inuu tuso wariye qarsoon, waxa uu ku andacoonayaa in shaqaalaha xarunta daryeelka aysan geyn doonin isbitaalka si loo daweeyo.
Culayska xaaladdiisa maqaarka way adag tahay in laga ogaado muuqaallada sirta ah, laakiin weriyaha qarsoodiga ah ayaa sheegay in uu aad u dhiig baxay.
"Waxa uu lacag u dhiibay Jane Gaturu, oo ah maamulaha xarunta daryeelka si ay ugu geyso isbitaalka," sida uu wariyuhu sheegay.
"Looma qaadin isbitaalka'' markii uu waydiiyay in ay isbitaalka geyneyso Jane, Jane aad bay ugu xanaaqday isaga, oo xataa waxay ku tiri, Gurigaagii wuu dhow yahay, dadkaaguna way kaa quusteen. Ma u malaynaysaa in aan ku caawin karo'?
“Waxa uu idhihi jiray: ‘Geeri ayaan sugaynaa’, ayuu yri wariyuhu.
Waxay qaadatay ku dhawaad lix toddobaad oo uusan la kulmin wax dhakhtar ah oo lacag ay siiyeen qoyskiisu.

Sawirrada uu qaaday wariye sir baare ah ayaa waxaa ka muuqda maqaarkiisa oo jeex jeexan oo cad isla markaana ku daboolan dhammaan jirkiisa dhexda ilaa korka qoorta. Ma garan karno waxa xanuunkiisa keenay markii hore.
Ms Gaturu ayaa diidday inay ka hadasho in la siiyay lacag ay ku daaweyso ninkan waayeelka ah ah oo aysan waxba ugu qaban.
"Aniga shaqsi ahaan waxaan dareemay xanuun markii aan arkay iyaga oo silicsan, mana caawin karo," ayuu yiri weriyaha qarsoon.
"Aad ayaan u ooyi jiray, inta badan waxaan aadi jiray musqusha, kaamirada ayaan damiyaa oo ooyaa."
Mid ka mid ah weriyeyaasha sirta ah ayaa muuqaal ka duubay haweeney da’ah oo gacmaheeda ku cunaysa cunnada si toos ah miiska loogu guray saxan la’aan, sababtoo ah ma awoodin in ay wax ku cunto qaaddo.
Shaqaale hore oo daryeeli jiray ayaa sheegay inay goob joog ka ahaayeen muuqaalo la mid ah.
Wariyaha ayaa si qarsoodi ah muuqaal uga duubay sheeko uu la yeeshay xubin ka mid ah shaqaalaha oo ku saabsan in shaqaaluhu aysan quudin dadka nugul.
"Qaar badan ayaa halkan gaajo ugu dhintay. Waxay [daryeellayaasha] u diidaan qadada, una diidaan cashada, sababtoo ah ma rabaan inay waqti u sameeyaan oo ay ku quudiyaan."

Inta badan cuntada loogu tala galay dadkan waayeelka ah ayaa loo qaadaa guryaha, iyadoo saddex jeer ay weriyeyaashu si qarsoodi ah u arkeen raashin lagu rarayo baabuur uu leeyahay shaqaale sare.
Wariye qarsoon ayaa sidoo kale la weydiiyay inay rabto inay cunnada dadka deegaanka ka qaadato xarunta, laakiin way diidday.
BBC Africa Eye ayaa tustay qaar ka mid ah muuqaallada qarsoon Joseph Motari, oo ah xoghayaha guud ee ilaalinta bulshada iyo arrimaha dadka waayeelka ah, ahna xubinta dowladda Kenya u qaabilsan daryeelka waayeelka.
"Haddii aan helno qof ku xad-gudbaya, dhibaataynaya, dhaawacaya dadkan waayeelka ah, waxaan idiin xaqiijinayaa in ciqaabta lagama maarmaanka ah la marsiin doono qof kasta oo sidaas sameeya," ayuu yiri.
"Waxaan baaritaan ku sameyn doonaa xarumaha kala duwan ee gaarka loo leeyahay si aan u hubinno inay buuxiyeen heerarkii laga rabay inay lahaadaan. Waxaan diyaar u nahay inaan tallaabo ka qaadno xarumaha dadka waayeelka ah ee sida xun ula dhaqma," ayuu raaciyay.
Eedaha waxaan u gudbinnay Ms Gaturu.
"Gurigu waa urur aan faa'iido doon ahayn oo ku shaqeeya si iskaa wax u qabso ah kaas oo gebi ahaanba ku tiirsanaa deeqaha dadka samaha jecel," ayay tiri.
Waxay intaas ku dartay inaysan lahayn koox caafimaad oo xirfad leh oo ay ku tiirsan tahay kuwa kale si ay u bixiyaan daryeel caafimaad, "laakiin eedeymaha ah inaysan daryeelin dadka waayeelka ah ee u baahan daryeel caafimaad ayaa ah been iyo xumaan".
“Dadka deegaanka oo ku dhibtoonaya inay wax cunaan, waxaa la siinayaa mudnaan gaar ah, qofkii lagu arko isagoo cunto ka ka qaadaya xarunta waa in shaqada laga ceyriyaa.
"Guriga iyo maamulkuba ma oggola wax naxariis darro ah ama gardaro ah oo lagula kacayo dadka da'da ah, shaqaaluhu waxay dhibbanayaal u noqdeen weerarrada dadka waayeelka ah iyo kuwa xanuunsan.
"Xarunta had iyo jeer waxay ilaalisaa ku dhaqanka sharciga, wuxuuna ku sii hagayaa mabaadi'da Masiixiga ee lagu aasaasay," Ms Gaturu ayaa tiri.













