Maxay muhiim u tahay inaad habeen walba isku waqti seexato soona toosto?

hurdada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Farqi yar oo u dhaxeeya caadooyinka hurdada inta u dhaxeysa maalmaha shaqada iyo nasashada ayaa isbeddello aan caafimaad lahayn inoo horseedi karta, sida lagu sheegay daraasad.

Tan ayaa laga yaabaa in qeyb ahaan ay sabab u yihiin dadka hurdada ka daaha ee wax cuniddooda aysan fiicneyn, sida ay baarayaashu sheegayaan.

Carqalad xoog leh oo ku timaadda hurdadaada, gaar ahaanna xilliga shaqada, ayaa la sheegaa inay saameyn taban ku leedahay caafimaadka.

Inaad joogteyso xilliyada hurdada iyo soo jeeditaanka iyo inaad cunno caafimaad leh cunto ayaa naga caawin karta inay yaraato khatarta aan ugu jirno cudurrada.

Daraasaddan oo ay ka qeyb qaateen ku dhowaad 1,000 qof oo qaangaar ah ayna sameeyeen saynisyahannada Kings College Londonayaa lagu ogaaday in xitaa farqi 90 daqiiqo ah oo u dhaxeeya xilliyada aad habeen walba seexato ay saameyneyso bakteeriyada laga helo jirkeenna.

In dheef-shiidkaaga ay ku jiraan walxo yaryar oo kala duwan aad ayay muhiim u tahay. Qaar baa kuwa kale ka fiican, balse inaad hesho isku dhafka saxda ah waxay muhiim u tahay ka hortagga tiro cudurro ah.

"I hurdada laga daaho waxay dhiirrigeliyaan cayayaannada yaryar ee ilma qabatada ah taasoo xiriirro aan fiicneyn la leh caafimaadkaaga," said ayay tiri Kate Bermingham, oo ah qoraha daraasaddan iyo saynisyahan sare oo nafaqada ah kana tirsan shirkadda caafimaadka sayniska ee Zoe.

Inaad huruddo aadna waqtiyo kala duwan soo kacdo inta toddobaadka lagu jiro, marka loo barbardhigo xilliyada fasaxa, waxaa loo yaqaannaa (social jetlag). oo ah in qofku aysan toosneyn jadwalkiisa hurdada.

Waxaa loo maleynayaa inay arrintan saameyso in ka badan 40% bulshada UK, sida ay daraasaddu sheegtay, wuxuuna ku badan yahay dhaqankan da'yarta, wuuna sii yaraadaa marka aan sii weynaanno.

Ka qeyb galayaasha daraasaddan, oo lagu daabacay Joornaalka Nafaqada ee Yurub, ayaa waxaa la baaray hurdadooda iyo dhiiggooda, saxarada ayaa laga qaaday waxaana la diwaangeliyay wax walba oo ay cuneen.

Kuwa qabay xaaladda social jetlag (16%) waxay u badneyd inay cunaan cunto ka sameysan baradhada, sida jibsiga, cabitaannada sokortu ku badan tahay, iyo khudrad iyo loos yar.

hurdada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka ay hurdadoodu yar tahay ayaa doorbidayay cunnooyin ka sameysan baradhada sida jibsiga
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baaritaan hore oo la sameeyay ayaa muujinaya in dadka uu khaldan yahay jadwalkooda hurdada ay cuneen wax yar oo maaddada fibre-ka ah marka loo eego dadka joogteeya xilliyadooda hurdada.

Daraasado kale ayaa muujinaya in jadwalka aan saxneyn ee hurdada lala xiriiriyo cayilka, xanuunno iyo daal maskaxda ah.

"Tayada hurdada oo liidata waxay saameysaa doorashooyinka- dadkuna waxay jantaan cunnooyinka ay ku badan tahay maaddada carbohydrates ama kuwa ay sokortu ku badan tahay," ayay tiri Dr Bermingham.

Cunno aan caafimaad lahaynna waxay saameyn kartaa heerarka bakteeriyo gaar ah oo dheefshiidka ku jirta.

Baarayaasha ayaa ogaaday in lixdiiba saddex ka mid ah cayayaannada il ma qabatada ah ee laga helay dadka uusan jadwalkoodu saxneyn lala xiriiriyay tayada wax cunidda oo liidata, cayilka iyo heerar sare oo caabuq ah iyo khatar wadno-istaag ah.

Xiriirka ka dhaxeeya hurdada, cunnada iyo bakteeriyada dheef-shiidka waa kuwo aan la fahmi karin welina waxaa ku socda baaritaan xog dheeri ah looga ogaanayo.

Haatanse, talada khubarrada ayaa ah in la joogteeyo waxyaabaha, haddii aad awooddo, muddo toddobaad ah.

"Joogteynta xilliyada hurdada, marka aan sariirta tagno iyo marka aan soo kaceyno maalin walba, waa dabeecad si fudud loola qabsan karo oo aan dhammaanteen sameyn karno, taasoo saameyn karta caafimaadkaaga," ayay tiri Dr Sarah Berry, oo ka tirsan King's College London.

Waa maxay cunno isku dheellitiran oo caafimaad leh?

Cuntada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Barta internet-ka ee waaxda caafimaadka dalka UK ee NHS wuxuu ku talinayaan inaad isku daydo inaad:

  • cunto ugu yaraan shan qeybood oo khudrad kala duwan ah maalin walba
  • Ku saleey kuwa leh fibre badan sida baradhada, rootiga, bariiska ama baastada
  • xoogaa caano ku darso qorshaha, cabna kuwa dufanta ama sokortu ku yar tahay haddii ay suurtogal tahay
  • cun xoogaa digir ah, misir, kalluun, ukun, hilib iyo borotiinnada kale
  • dooro saliidaha caafimaadka leh, kana isticmaal xaddi yar
  • cab dareere badan (ugu yaraan lix ilaa siddeed koob oo biyo ah maalintii)