Lix xayawaan ee ilna ka hurda ilna ka soo jeeda

Yaxaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hurdada indhaha oo furan waxay ka caawisaa xayawaankan inay ka feejignaadaan khataraha iman kara, taasoo awood u siinaysa inay si degdeg ah uga fal-celiyaan haddii loo baahdo. Waa la qabsi soo jiidasho leh oo u oggolaanaya inay isku dheelitiraan baahida nasashada iyo baahida badbaadada aagga ay ku yihiin.

Hoombaro/Dolphins

Hoombaro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xayawaanka loo yaqaano Hoomabro ama Dolphin oo ka mid ah naasleyda ku nool badda ayaa waxa uu yaqaanaa sida loo xiro maskaxda kala bar taas oo macneheedu yahay inay hal il oo keliya ka seexdaan ayadoo isha kale ay furan tahay.

Hoombaradu waxay arrintan u samaysaa si ay isaga ilaaliyaan weerarka kaga yimaada cawdoga gaar ahaan libaax badeedka oo la sheego in markasta uu ka dhow yahay meelaha ay ku jirto Hoombarada.

Hoombarada ayaa ka mid ah xayawaannada xariifka ah. Dhab ahaantii, noolahan badda ku jira ayaa lagu sheegaa inay yihiin xayawaanka ugu caqliga badan kuwa badda ku jira.

Yaxaas

Yaxaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Koox cilmi-baarayaal ah oo ka socda Jaamacadda La Trobe ee Australia iyo Max Planck Institute for Ornithology ayaa ugu dambeyntii xaqiijiyay in yaxaaska uu hal il ka soo jeedo halka tan kalana uu ka seexdo taas oo markii hore la aaminsanaa inay khuraafaad tahay ama caddeyn adag aan loo haynin.

Yaxaaska ayaa ka seexda kala bar maskaxda taas oo u oggolaanaysa inay had iyo jeer isha ku hayaan waxyaabaha ka ogdhow si uu jawaab deg deg ah uga bixiyo khatarta soo wajahdo.

Yaxaaska ayaa sidoo kale seexan kara isaga oo indhihiisu furan yihiin.

Nibiri

Nibiri

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hurdada hal il oo furan ayaa wuxuu nibiriga waxay u oggolaanaysaa inuu yimaado dusha sare marka loo baahdo si ay u helaan hawo. Waxay sidoo kale u sahleysaa inay la arkaan oo la socdaan xaaladda ku hareeraysan.

Iyadoo mid ka mid ah indhaha uu ka hurdo ayaa hadana isha kale waxay eegeysaa hareeraha iyo caqabadaha ku soo wajahan.

Bakaylaha

Bakaylaha oo ah xayawaan tabar yar ayaa seexda isagoo isticmaalaya hal il oo keliya, halka isha kalena ay ka soo jeedaan balse sidoo kale waxay seexdaan iyaga oo labada indhoodba ay furan yihiin, laakin sidaasi markasta ma sameeyaan. Duur-joogta, hurdadaas oo kale waxay ka caawisaa inay feejiganaadaan mar kasta oo ay ka fal-celiyaan ugaarsiga kaga yimaada dadka ama xawaanka kale.

Booloboolo

Booloboolo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa nooc ka mid ah shibirta, waxayna u leedahay inay ka seexato hal il oo keliya halka isha kalana ay isaga ilaaliso ugaarsiga ama cadowga soo wajaho. Ujeedka ugu weyn ayaa ah inay nasato islmarkaana ka feejignaato dhibaatiyoonka ay la kulmi karto. Shimbiraha kale ee ilna ka seexda ilna ka soo jeedo waxaa ka mid ah qooleyda.

Fiidmeerta

Fiidmeerta ama Kaballiga waxa ay kamid tahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda lafdhabarleyda ah (Chordata). gaar ahaan bahweynta Naasleyda (Mammalia). Waxay ka mid tahay xawaanka ilna ka seexda ilna ka soo jeeda.

Arrinta kale ee yaabka leh waxay tahay in Kaballigu seexdo maalintii isagoo madaxiisu fooraro oo gebi ka soo laadlaada, habeenkiina uu duulo marka uu gabbalku dhaco.