Muuqaalka carada dhaliyay: Cuntadeeda ayay ugu dartay markii uu tiisa dhammeystay

Hindiya

Xigashada Sawirka, SCREEN GRAB

Miiska cashada inta badan hooyooyinku waxay ay joojiyaan cunista oo siiyan caruurtooda mark ay arkaan carruurta oo wax cunaya. Qof kastaa wuu arkay, muqaal ay xaasku saxankeeda ama saxanka ninkeeda wax ka cunayso.

Balse muuqaal waxaasi oo dhan ka duwan ayaa la’isla dhex marayaa baraha bulshada ee caalamka.

Dhaqdhaqaaq badan oo muuqaalkaasi ku saleysan ayaa dhex wareegaya baraha bulshada kaasi oo kala qaybiyay aragtiyada bulshada.

Muuqaalkan waxaa Youtube-ka iyo baraha kale ee baraha bulshada la wadaagtay haweeneyda caanka ka ah Hindiya ee Tamsi Jain iyada iyo ninkeeda Niko.

Muuqaalka ayaa dhab ahaantii yar walibana aad u gaaban, kaas oo ninka iyo xaaskiisa ay soo fariisanayaan miiska cuntada isla markaana ay casheynayaan.

Muddadaas, ma jiro wax wada-hadal ah oo dhex maray labadooda, balse ninka oo ku mashquulsan talefankiisa, isaga oo aan kor u eegin, ayaa si lama filaan ah xaaskiisa ugu tilmaamay in ay soo kordhiso oo soo gurto cunto kale.

Isla markiiba xaaskiisa waxay aragtay xaddiga bariiska ku jira weelka ka dibna waxay ka soo saartay bariiska saxankeeda oo ay siisay isagoon dareemin oo weli taleefanka ku mashquulsan.

Markii muuqaalkan uu Twitter-ka ku baahiyay isticmaale kale, waxaa ilaa hadda daawaday 6.3 milyan oo qof, halka muuqaalkan ay daawadeen 1.1 milyan oo qof oo ka daawaday xagga Youtube-ka.

Hadal ay soo dhigtay barteeda Instagram-ka ayay Tamsi sidoo kale ku sheegtay inay aragtay muuqaal la mid ah oo lagu daabacay akoon laga leeyahay Koonfurta Hindiya, sidaas darteed ay la tahay in qof ka soo jeeda Waqooyiga Hindiya.

Muuqaalka ayaa cinwaankiisu ahaa 'Kaliya Xaasaska Hindida ayaa sameyn kara'.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jira fikrado kala duwan oo ku saabsan muuqaalkan. Isticmaalayaasha qaarkood waxay dhaleeceynayaan sida haweeneydan ay cuntadeeda u siisay ninkeeda waliba isagoo ugu mashquulsan taleefankiisa.

Inta badan dadka isticmaala baraha bulshada ayaa muuqaalkan ku dhaliilaya hab dhaqanka ninka halka qaarkood ay aaminsan yihiin in aysan ahayn wax aan dhaafsiisneyn xilli qurux badan iyagoo u arka dhaleeceynta dadka qaar in aysan habooneyn.

In kasta oo muuqaalkan laga keenay Hindiya isla markaana uu soo baahiyay qof u dhashay isla dalkaasi Hindiya, haddana isticmaaleyaasha Pakistan, gaar ahaan dumarka, ayaa faallooyin ka bixinaya.

Isagoo arrintan ka hadlaya, hal isticmaale oo baraha bulshada ah ayaa waxa uu yiri 'Waa qalad in la jeceylsiiyo hab-dhaqanka noocaan ah ee haweenka taajiriinta ah sababtoo ah dhab ahaantii dumarka dhaqaale ahaan saboolka ah ayaa la ildaran nafaqo-xumo kuwaasi oo kalana waa sababta ugu weyn ee ay arrintan u saameyn karto.'

Sidoo kale, isticmaale oo lagu magacaabo Priyanka ayaa tiri 'Dhibaatada dhabta ah ee muuqaalkan ku jirta ayaa ah in ninku uusan fiirin xaaskiisa ama cuntadiisa, ee uu mar walba eego taleefanka gacanta ugu jira.'

Isticmaalayaal badan ayaa sidoo kale sheegaya in inkasta oo muuqaalkan la duubay, haddana lagu arkay qoysas badan oo Hindiya iyo Pakistan ah.

"Maalintii oo dhan waad shaqeyneysaa, jiko ayaad ku jirtaa kadibna qaybtaada cuntada sii qof ku mashquulsan taleefankiisa oo aan xitaa qadarin badan u heynin cuntadiisa," ayuu yiri mid ka mid ah isticmaalayaasha. Cuntada kaliya ayaa ixtiraam mudan. Waa maxay sababta ay had iyo jeer arrimahan ugu dhacaan dumarka?

Qof kale ayaa qoray sababta muuqaalkan in loo adeegsan karo hooyo iyo wiilkeeda oo 40 jir marka loo eego ficilka haweeneyda.

Qof kale oo aragtu ka dhiibtay ayaa yiri: 'Tani waa sababta aan u dhaleeceyno 'dhaqanka jaceylka' sababtoo ah nidaamka aabbaha in dumarka la xannibo iyo ka faa'iideysiga iyaga waxaa lagu tilmaamaa jacayl.'

Mid kamida dhiirri geliye yaasha ayaa kula talisay haweeneyda, iyadoo leh, 'Walaashay, waxaad cuntaa cuntadaada, isaga ayaa daryeeli doona tiisa. Si kastaba ha ahaatee gabi ahaanba wuu ku iska indhatiray.

Isticmaale lagu magacaabo Amit Pal ayaa qoray in nimanka ninkan lamika ah ay yihiin carruurta ragga Hindida ah ee aan waligood korin. Qofkii sameeyay muuqaalkan ayaa kashifay dhaqanka aabbaha ee Hindiya.

Isticmaalayaasha qaar ayaa aaminsan in dhaleeceynta xad-dhaafka ah ee muuqaalkan aysan ahayn mid xaq ah sababtoo ah waxba kuma laha xaqiiqda.