Eretria oo tiri Itoobiya ayaa "raadinaysa cudurdaar" si ay dagaal u bilowdo

Eretria

Xigashada Sawirka, Getty Images

Eritrea waxay ku eedeysay dowladda Ra'iisul Wasaare Abiy inay "raadinayso cudurdaar ay dagaal ku bilowdo" ka dib markii booliska Federaalka Itoobiya ay sheegeen inay qabteen kumanaan rasaas ah oo ka timid Eritrea kuna socday kooxo dagaal oo ka hawl gala gobolka Amxaarada.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yaman Gebre Meskel, ayaa ka jawaabay eedeymaha Itoobiya ee wakaaladda wararka Reuters, isagoo sheegay in dowladda Barwaaqo ay raadinayso cudurdaar ay ku bilowdo dagaal ka dhan ah Eritrea.

"Dawladda Barwaaqo waxay u lulaysaa calan been abuur ah oo laba sano jir ah oo ah shirqool lagu bilaabayo dagaalka," ayuu yiri.

Booliska Federaalka Itoobiya, bayaan ay soo saareen Arbacadii, ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea inay siiso hub iyo rasaas noocyo kala duwan leh kooxaha Fano ee ka hawl gala gobolka Amxaarada.

Booliska Federaalka, bayaan ay soo saareen 6-dii Janaayo 2018, taariikhda Itoobiya ayey ku dhawaaqay inay qabteen in ka badan 56,000 xabbo oo rasaas ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Eritrea waxay beenisay eedeyntan ay soo jeedisay dowladda Itoobiya, iyadoo ku tilmaantay eedeyn been abuur ah oo loogu talagalay in dagaal lagu bilaabo.

Isagoo ka jawaabaya eedeymaha Booliska Federaalka, Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in Itoobiya ay raadinayso cudurdaar ay ku qaaddo weerar.

Booliska Federaalka ayaa ku eedeeyay in hubka ay qabteen ay soo dirtay dowladda Eritrea iyada oo sii maraysa TPLF-da Tigray, "iyadoo la kaashanaysa kooxo dambiilayaal gudaha Itoobiya ah iyo cadowo taariikhi ah."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in la qabtay in ka badan 56,000 xabbo oo rasaas ah oo noocyo kala duwan leh, isla markaana lagu soo qabtay bar-kontaroolka Woldiya, iyadoo lala qabtay laba eedeysane oo waday.

Boolisku waxay bayaan ku daabaceen boggooda baraha bulshada iyagoo ku sheegay inay qabteen 41,999 xabbo oo rasaas ah oo si qarsoodi ah loo soo raray, 14,000 xabbo oo rasaasta Bren ah, iyo 800 xabbo oo rasaasta Dashiikaha ahah, guud ahaanna gaarayaan 56,799 xabbo.

Sida lagu sheegay bayaanka booliska, baaritaanka lagu sameeyay eedeysanayaasha ayaa muujiyay in rasaasta ay ka timid dowladda Eritrea, isla markaana TPLF ay ku qaabishay Mekelle iyadoo u waday in ay gaarsiiso Fano ee gobolka Amxaarada.

Eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay in lagu qabtay iyagoo waday rasaasta, sida lagu sheegay baaritaannada booliska, ayaa sheegay in "rasaastu ay soo dirtay dowladda Shabiya, isla markaana ay ku sii jeedday in loo gudbiyo TPLF xagjirka ah… laga soo qaaday Mekelle kuna socotay Shewa Robit, gobolka Amxaarada."

Dhankeeda, TPLF waxay beenisay eedeynta ah in "TPLF-da xagjirka ah" ay hub ka wareejinaysay Tigray una gudbinaysay gobolka Amxaarada, iyagoo sheegay in hubkaas ay soo dirtay dowladda Eritrea. Afhayeenka TPLF, Michael Asgedom, ayaa ku tilmaamay eedeyntaasi inay tahay "been aan sal lahayn."

Afhayeenku wuxuu difaacay TPLF, isagoo yiri, "Ma aha xisbi u qalma in lagu eedeeyo arrintan." Wuxuu u sheegay BBC in "tani ay tahay war been abuur ah oo si ula kac ah loo sameeyay si loo qalloociyo ajandaha ka dhex jira."

Ato Michael, ayaa sheegay in noocan eedeynta ah ay tahay "mid caadi ah," isagoo intaa ku daray, "Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga hortagi lahaa inay dagaal keento. Laakiin habkooda; waxaan u maleynayaa inay arrintaas ku socoto." Sidoo kale, wuxuu eedda u jeediyay mas'uuliyiinta dowladda federaalka.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee dowladda Itoobiya ay ku eedeyso TPLF, oo ka saartay diiwaangelinta xisbi siyaasadeed sharci ah, inay la shaqeysay dowladda Eritrea.

Itoobiya iyo Eriteeriya

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Madaxweynaha Eritrea, wareysi uu toddobaadkan hore siiyey idaacadda qaranka, ku sheegay in dowladda barwaaqo ay dagaal ku dhawaaqday dadka ay u adeegto.

Isla waraysigaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Ereteriya aysan doonayn dagaal, balse "waxaan naqaannaa sida aan dalkeena u difaacno".

Itoobiya iyo Ereteriya ayaa horay u dhexmaray dagaal dhiig badan ku daatay oo socday muddo labo sano ah, kaasoo ka dhashay muran dhanka xadka ah.

Ka dib markii uu talada dalka qabtay Ra'iisul Wasaare Abiy, waxaa dib u soo laabatay nabadda labada dal, waxaana Ra'iisul Wasaaraha la guddoonsiiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Itoobiya ayaa weli ah dal aan bad lahayn tan iyo markii Eritrea ay xornimada qaadatay 1991-kii.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, oo Isniintii la soo dhaafay wareysi siiyay Telefishinka Qaranka dalkiisa, ayaa yiri "Rabitaanka barwaaqado ee

Isaias ayaa sidoo kale xusay in diyaarado aan duuliye lahayn iyo hub kale la soo geliyo dalka Itoobiya si loogu diyaar garoobo dagaal.

Sida laga soo xigtay Booliska Federaalka, dawladda Eritrea waxay isku dayday inay hubayso kooxaha Fano si ay xasillooni darro uga abuurto Itoobiya.

Badda Cas waa ku dhawaaqid dagaal ka dhan ah shacabka Itoobiya".