Ma ciidamo Itoobiyaan ah baa la geynayaa Qasa?

Xigashada Sawirka, ABIY AHMED
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa horraantii toddobaadkan khadka telefoonka kula xiriiray ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, wuxuuna ka codsaday inuu ciidamo ku biiriyo kuwa caalamiga ah ee sugaya ammaanka Qasa, sida ay jariiradda The Times of Israel u sheegeen laba diblumaasiyiin reer galbeed ah oo arrintan wax ka og.
Codsiga Mareykanka ayaa imaanaya iyadoo ciidamada caalamiga ah ay ka shaqeynayaan habab lagu xasilinayo gobolka kadib markii ay soo afjareen ku dhawaad labo sano oo dagaal gacan ka hadal ah oo u dhaxeeyay Israa'iil iyo Xamaas.
Waxaa jiray warbixinno badan oo daba socday arrintan, waxaana tan iyo xilligaas diiradda lagu saarayay in Itoobiya ay dib u soo ceshato diblumaasiyadda Mareykanka.
Balse ma jiro wax war ah oo ku saabsan in Itoobiya ay doonayso in ay ciidamo geyso Qasa.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dhowaan ku dhawaaqay qorshe ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa.
Xataa ka dib xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha, geeddi-socodka dhismaha ciidan caalami ah iyo soo celinta dhaqaalaha Qasa, oo ay burburiyeen in ka badan labo sano oo dagaal ah, ayaa ku jira qorshayaasha xiga.
Waddamo dhowr ah ayaa la filayaa in ay ciidamo u diraan howlgalka lagu doonayo in ciidamada looga saaro Qasa oo ay ku jirto Itoobiya, sida ay wararku sheegayaan.
Itoobiya oo iyaduna door weyn ku leh hawlaha nabad ilaalinta caalamiga ah ee Afrika, ayaa arrintan gacan weyn ka geysatay.
Ciidanka Xasilinta Caalamiga ah ayaa door ka ciyaara dhismaha marxaladda kala guurka ee Qasa, bixinta gargaarka bini'aadanimo iyo dib u habeynta waaxda amniga
Falanqeeyeyaasha ayaa sidoo kale tilmaamaya in caqabado ay ka dhalan karaan arrintan maaddaama dalalka qaar ay ka feejigan yihiin khataraha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka dhalan kara in ciidamo la geeyo.
Si kastaba ha ahaatee, Washington ayaa sidoo kale la filayaa inay xoojiso xalalkeeda dublamaasiyadeed si ay ula kulanto heerka awooddan oo dhinacyo badan leh.
Maxaa loo doortay Itoobiya?

Xigashada Sawirka, FDRE Defense Force
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Itoobiya waxay leedahay taariikh dheer oo ay kaga qayb qaadato hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika iyo meelo ka baxsan, iyadoo khibrad weyn u leh hawl-galladii ay ka fulisay Kuuriya, Kongo, Ruwaanda, iyo kii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya ka fulisay oo hoos yimaada Midowga Afrika.
Khibraddeeda milatari ee hawlgallada caalamiga ah waxay sidoo kale u soo bandhigaysaa doorasho adag oo loogu talagalay hawlgallada Qasa.
Ciidamada Itoobiya ayaa caan ku noqday howlgallada xooggan ee ka dhanka ah al-Shabaab ee Soomaaliya.
Ciidamada caalamiga ah ee xasilinta Qasa ayaan weli la xaqiijin dalalka ay ciidamada ka joogaan.
Codsiga Mareykanka ee Itoobiya ka sokow, waxaa la filayaa in ay wax ku biiriyaan dalalka Aasiya, Bariga Dhexe iyo Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac laga qabo in dalalka muhiimka ah ee deriska ah sida Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay diidaan ka qeybgalka. Waddamada kale ee Bariga Dhexe sida Masar, Qadar, iyo Indonesia ayaa ah kuwa ugu badan ee wax ku darsaday.
Saraakiisha Israa'iil ayaan weli mowqif taban ka qaadan wax ku biirinta ciidamada.
Balse waxay si cad uga mamnuucday ciidamada Turkiga inay ka qaybgalaan.













