Muxuu Taliyaha ciidanka Itoobiya oo maanta hadlay ka sheegay Siyaad Barre?

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Difaaca Itoobiya iyo Google
- Author, Nimaan Osman
- Role, BBC Somali
Taliyaha ciidamada dalka Itoobiya ayaa ka warramay dagaalkii dhex maray dawladda Itoobiya iyo TPLF ee socday muddada labada sano ahayd. Waxa uu sheegay in xitaa wixii ka dambeeyay heshiiskii ay dhinacyadu ku wada gaadheen magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, falalka TPLF ay dhalin kareen dagaal dhammaystiran, bal se dhinacooda ay nabadda doorbideen.
Field Marshal Birhaanu Jula ayaa intii ay socotay khudbaddiisa oo qaadatay 40 daqiiqo, wuxuu ka hadlay TPLF iyo arrimo badan oo ku aaddan xaaladda amni iyo ciidan ee dalka Itoobiya.
Hadalkan Taliyaha Ciidammada ayaa ku soo beegmay xilli ay sii xumaanayso xiisadda waqooyiga dalkaas ee u dhaxaysa TPLF iyo dawladda Itoobiya.
Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeynayay u diyaargarow dagaal.
Ciidamada Tigray ee daacadda u ah hoggaanka TPLF ayaa weerar ku qaaday taliska waqooyi ee Ciidamada Difaaca Itoobiya oo ku yaallay magaalada Mekelle, xilli habeennimo ah Novmber 2020-kii.
Weerarkan ayaa sababay colaad dhiig badan ku daatay oo ka dhacday Itoobiya oo soo afjartay muddo bilooyin ah oo ay jireen saan-saan u muuqatay in labada dhinac ay mar uun is fara saari doonaan.
Isaga oo ka hadlayay xuska dagaalkaasi ayaa Birhaanu waxa uu ammaanay "raggii u hibbeeyey naftooda" ee dhacdadaasi, waxaanu ku tilmaamay geesiyaal naftooda u huray midnimada dalkooda."
"Waxaan mar walba xasuusan doonaa ficillada xadgudubka ah iyo dhibaatooyinka dagaal ee ay geysteen, si aanay mar kale u dhicin," ayay yidhi.
Taliska Waqooyi ee ciidanka Itoobiya wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ee dalka, halkaas oo ay yaalleen hub iyo saanad millatari.
Kaddib eedaymo ka dhan ah TPLF, oo weerarkaas ku saabsan waxa ciidanka difaaa ee Itoobiya ay fuliyeen hawlgal loo bixiyay "sarraynta sharciga" oo uu u amray Raysal wsaaraha Itoobiya oo si toos ah looga daawnayay shaashadaha.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Field Marshal Birhaanu, isaga oo sidoo kale ka hadlayay weerarka sannado ka hor la dhacay waqooyiga Itoobiya ayaa waxa uu yidhi: "Ciidamadeennu ma aanay nasan ilaa ay gudaha u galeen magaalada Mekele. Xitaa hurdadu indhaheenna kuma soo dhicin."
Ma jiro maalin ka cabsi badan, ka murugo badan oo sidaas oo kale maskaxda yda u gilgishay sida maalinta uu weerarkaasi dhacay" ayaa uu hadalkiisa raaciyay.
Waxay yiraahdeen, "Haddii qof qalaad aad diriraysaan, wax weyn ma aha; waa la adkeysan karaa. Laakiin marka qof dalkaaga ah kugu soo jeesto waa arrin qalbi-jab ah."
Taliska Waqooyi ee ciidanka Itoobiya wuxuu u qaabilsanaa ka hortagga duullaanka laga soo qaado dhanka Ereteriya ee woqooyiga dalka, iyo ilaalinta xadka dhanka Suudaan.
Ciidammadan marka laga reebo ilaalinta xuduudaha, waxay door muuqda ku lahaayeen horumarinta gobalka — gaar ahaan dhismaha iskuullo iyo mashaariic kale oo badan, sida ay masuuliyiinta Itoobiya sheegeen.
Waxa uu intaas ku daray, "Waxaan hore u sheegay in aan taallo u dhisaynno geesiyaashaasi. Taallada ku taalla magaalada Shire annaga ayaa dhisnay," ayuu yidhi Field Marshal Birhaanu Jula.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Field Marshal Birhaanu ayaa si isdaba joog ah u dhaleeceeyay kooxda TPLF, isagoo ugu yeedhay "dambiileyaal."
Wuxuu sheegay in kooxda fulisay weerarka ay ahayd "dhagar-qabayaal" la aas-aasay muddo konton sano ka hor.
"Kooxda khiyaanada ah ee Masar iyo Shacbiya (Ereteriya) ku tababareen, waxay dalka geliyeen halis iyo burbur weyn," ayuu yidhi.
"Xitaa maanta weli way sii wadaan khiyaanadaas maalin kasta. Waa xoog khiyaano ku dhisan oo gudaha Itoobiya laga abuuray."
Isagoo tixraacaya Jeneraalka TPLF, Migba Haile, ayuu sheegay, "Annagu sida ayaga ma nihin — ma khiyaameyno dalkayaga," ayuu yidhi.
Wuxuu sheegay in shacabku ay rabaan nabad, bal se kuwa aan nabadda rabin ay ku jiraan gudaha kooxda TPLF — isla markaana aanay dhammaan xubnaha TPLF ahayn kuwaas.
Intii uu socday dagaalkii Waqooyiga Itoobiya, dowladda Ereteriya waxay garab istaagtay dawladda Itoobiya si ay ula dagaallanto TPLF.
Ha se ahaatee, markii dambe xidhiidhka u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara wuu xumaaday, Asmarana waxay bilowday inay xidhiidh dhow la yeelato Mekele.
'Waxay ahayd sabab ku filan in dagaal bilowdo'
Warbixinno kala duwan ayaa muujinaya in dagaalkii Waqooyiga Itoobiya uu galaaftay nolosha kumannaan qof oo rayid ah, malaayiin kalana laga barakiciyay guryahoodii iyo hantidoodii.
Dagaalkaas ayaa dhammaaday labo sano kadib, markii lagu gaaray heshiiskii Pretoria.
Si kastaba ha ahaatee, waqtiyo kala duwan, dowladda Itoobiya iyo TPLF labaduba waxay isku eedeeyeen in dhinaca kale uu caqabad ku noqday fulinta buuxda ee heshiiskaas.
"Haddii aan dagaal doonaynay, wixii ka dambeeyay Heshiiskii Pretoria dhaqdhaqaaqa iyo diidmadii TPLF waxay ku filan yihiin in aan dagaal galno — aad bay ugu filan tahay."
"Laakiin dagaalkaas hadii uu dhacdo TPLF, way carari lahayd, dadka Tigrayna waa la waxyeelleyn lahaa. Taasi waa wixii aan dagaalkii hore ku aragnay."
"Iskaashi lala sameysto Shacbiya [Eriteriya] oo xudduudda la jabiyo waa wax ka hor imaanaya dastuurka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"In kasta oo aan samirno, haddana haddii weerar na lagu qaado, difaac iyo is-ilaalin ma dhaafi doonno."
"Ma ogolaan karno in dadkeenna gebi ahaanba la laayo," "laakiin haddii colaadu faafto waxba ma qaban karno."
"Ma kala qaybsami doonno, ma qaadan doono hub, dagaalna ma rabno. Waxaan dooneynaa nabad, horumar iyo danta qaranka; bal se haddii ay qasab noqoto waa inaan dagaalnaa," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Muxuu ka sheegay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya?

Xigashada Sawirka, Google
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidammada Itoobiya waxa uu soo hadal qaaday dagaalladii ay Itoobiya la gashay Talyaaniga ee loo yaqaanno Adwa iyo dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977-kii.
Waxa uu sheegay in maalmaha guushu ay mudan yihiin in la maamuuso, beddelkii la xusi lahaa maalmaha weerarka ama jabka.
"Xilligii uu Siyaad Barre na soo weeraray ma mudna in aan xusno. Ma aha in aan dhano Siyaad Barre ayaa na soo weeraray. Waxaan xusaynaa maalinta guusha. Runtii, maalinta guusha ayaa xusudi mudan. "













