Waa kuma qab-qablaha ka taajiray geela iyo dahabka ee hadda xukuma kala bar Suudaan?

Maxamed Xamdaan Dagalo

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    • Author, Alex de Waal
    • Role, Falanqeeye arrimaha Afrika

Maxamed Xamdaan Dagalo oo loo yaqaan "Hemedti", ayaa noqday shaqsi awood badan oo ka dhex muuqda siyaasadda dalka Suudaan, iyadoo ciidankiisa gaarka ah ee loo yaqaan Xoogagga Gurmadka Deggamada (RSF) ay hadda gacanta ku hayaan kala badh dhul-weynaha dalkaasi Suudaan.

RSF ayaa guulo waaweyn gaadhay dhawaan , kaddib markii ay qabsadeen magaalada El-Fasher, taas oo ahayd saldhiggii ugu dambeeyay ee ay ciidanka millateriga ee Suudaan iyo xulafadoodu ku lahaayeen gobolka galbeedka ku yaalla ee Darfur.

Dadka ku nool El-Fasher ayaa la ildaran macluul ka dhalatay go'doominta RSF ay saartay magaaladaasi, sida ay Isniintii xaqiijiyeen khubaro ka hawlgasha dammaan-qaadaka cunnada oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay.

Hemedti oo ah ninka ay ugu neceb yihiin mucaaradkiisu, ayaa haddana dadka taageersan waxa ay ku ammaanaan adkaysigiisa, naxariis-darradiisa, iyo ballan-qaadkiisa ah in uu dumiyo dawlad musuqmaasuq ku sifowday oo sharaf dhacday.

Hemedti waxa uu ka soo jeedaa qoys nolol ahaan hooseeya. Qoyskiisu waxay ka tirsan yihiin jufada Mahariya ee ka midka ah qabiilka Rizeigat oo ah bulsho af-carabeed ku hadasha oo geel-jir ah kuna fidsan xuduudda u dhaxaysa Chad iyo Daarfuur.

Sannadihii 1974-kii ama 1975 ayaa la sheegayaa in uu dhashay— si la mid ah dad badan oo miyiga ka soo jeeda, taariikhda iyo goobta uu dhashay lama diiwaangelin.

Beeshooda oo uu hoggaaminayay adeerkiis Juma Dagalo ayaa u soo guurtay gobolka Darfur intii u dhaxaysay 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii, iyagoo ka cararay dagaal islamarkaana raadinayay goob-daaqsimeed wanaagsan, waxaana loo oggolaaday in ay degaan.

Markii uu Hemedti ka tagay iskuulka isagoo dhalinyaro ah, wuxuu bilaabay in uu ka ganacsado geela, isaga oo ka gudbin jiray lama degaanka una dhoofin jiray Liibiya iyo Masar.

Waqtigaas, Daarfuur waxay ahayd gobol sabool ah, aan sharciyad haysan oo ay dawladdii markaas jirtay ee Madaxweyne Cumar al-Bashiir dayacday.

Maleeshiyaad Carab ah oo loo yaqaanay Janjaweed — oo ay ku jireen ciidan uu hoggaaminayay adeerkiis Juma Dagalo — ayaa weerarayay tuulooyinka dadka deegaanka ee ka tirsan qowmiyadda la yidhaahdo Fur.

Rabshadhaasi waxay sababeen kacdoon weyn sannadkii 2003-dii, kaas oo ay dagaalyahannada Fur ay ku mideeyeen kooxo kale oo ay ka mid yihiin Masalit, Zaghawa iyo kuwo kale, kuwaas oo sheegay in ay dawladda iyo madaxda Carabta ee dalka ay iska indho-tireen.

Al-Bashiir oo ka jawaab-celinaya si weyn u xoojiyay awoodda maleeshiyaadka Janjaweed si ay hormuud uga noqdaaan ololihiisa ka dhanka ah kacdoonka. Waxay caan ku noqdeen gubista tuulooyinka, dhac, kufsi iyo dilal.

Xasuuqii iyo gabood-falladii ay sameeyeen maleeshiyaadka Janjaweed ayaa cadh iyo cambaareyn caalami ah dhaliyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xasuuqii iyo gabood-falladii ay sameeyeen maleeshiyaadka Janjaweed ayaa cadh iyo cambaareyn caalami ah dhaliyay.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dafcaddii ugu horraysay Hemedti ayaa ka mid ahaa. Warbixin ay soo saareen ciidamadii nabad-ilaalinta Midowga Afrika waxa ay ku sheegeen in ay weerareen oo burburiyeen tuulada Adwa bishii Nofeembar 2004-tii, halkaas oo ay ku dileen 126 qof oo ay ku jiraan 36 carruur ah.

Baadhitaan ay sameeyeen Maraykanka ayaa lagu xusay in maleeshiyaadka Janjaweed ay mas'uul ka ahaayeen xasuuq.

Dagaalkii Daarfuurka dhacay ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), taas oo dacwad ku soo oogtay afar nin oo uu ku jiro Al-Bashiir, inkasta oo uu beeniyay in uu fuliyay xasuuq.

Hemedti wuxuu ka mid ahaa taliyayaashii badanaa ee Janjaweed ee loo arkay in ay darajadoodu hooseeya xilligaas oo ay maxkamaddu beegsanaysay saraakiisha sare.

Kaliya hal sarkaal — "Gaashaanle" Janjaweed, Cali Cabdilraxmaan Kushayb — ayaa la horgeeyay maxkamad.

Bishii hore, waxaa lagu helay dambi 27 qodob oo la xidhiidha dambiyo dagaal iyo tacaddiyo ka dhan ah bini'aadantinimada, waxaana lagu xukumi doonaa 19-ka Nofeembar.

Sannadihii ka dambeeyay xilligii ugu xumaa rabshadihii 2004-tii, Hemedti wuxuu si xeeladeysan ugu ciyaaray kaararkiisa, isaga oo u dallacay in uu noqdo madaxa ciidan awood badan leh. Waxay yeesheen ganacsi ballaadhan iyo saamayn siyaasadeed oo xoog badan.

Sannadkii 2013-dii, Hemedti wuxuu codsaday in uu si rasmi ah u noqdo madaxa koox ciidan oo cusub oo loo bixiyay Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF), taa soo uu al-Bashiir u oggolaaday.

RSF waxay xulufo dhow la ahayd ciidanka qalabka sida ka hor intii aanay isku dhicin oo xidhiidhkoodu burburin.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, RSF waxay xulufo dhow la ahayd ciidanka qalabka sida ka hor intii aanay isku dhicin oo xidhiidhkoodu burburin.

RSF waxay gaadhay guul muhiim ah oo ka dhan ah fallaagada Daarfuur, waxa kale oo ay la dagaallameen kacdoonkii ka socday buuraha Nuba ee u dhow xadka Suudaanta Koonfurta . Waxa kale oo ay qaadatay qandaraas lagu ilaalinayo xadka Liibiya.

Inkasta oo si rasmi ah loo sheegay in ujeeddadu ahayd in la xakameeyo tahriibta sharci darrada ah ee ka timaadda Koonfurta Afrika ee u socota dhinaca badda Mediterranean-ka, haddana saraakiisha Hemedti ayaa sidoo kale caan ku noqday baad iyo sida la sheegay tahriibinta dadka.

Sannadkii 2015, Boqortooyada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka codsaday ciidanka Suudaan in ay askar u diraan si ay ula dagaallamaan Xuutiyiinta dalka Yemen.

Xoogaggaas waxaa hoggaaminayay janaraal hore uga dagaallamay Daarfuur, Cabdifataax al-Burhaan, oo hadda ah madaxa ciidanka dagaalka kula jira RSF.

Hemedti ayaa fursad u arkay, wuxuuna la gorgortamay heshiis gaar ah oo si qarsoodi ah heshiis u la galay Boqortooyada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta si uu ugu diro ciidammo calooshood-u-shaqaystayaal ah.

Hemedti wuxuu iskaashi la sameeyay kooxda Wagner ee Ruushka, isagoo helay tababarro uu kaga beddeshay ganacsiyo ay ku jiraan kuwa dahabku.

Wuxuu booqday Moscow si uu heshiiska u meelmariyo, waxaana uu halkaas joogay maalintii Ruushka uu duulaanka ku qaaday Ukraine. Kaddib markii dagaalkii Suudaan qarxay, wuxuu diiday in RSF ay wax caawimaad ah ka hesho Kooxda Wagner.

 Cumar al-Bashir iyo Maxamed Xamdaan Dagalo

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Cumar al-Bashir iyo Maxamed Xamdaan Dagalo

Muddooyinkaasi, waxa Xemedti loo arkayay wajiga cusub ee mustaqbalka Suudaan. Wuxuu ahaa nin dhallinyaro oo la saaxiib ah dadka, si firfircoon ula kulma kooxo iyo bulsho oo kala duwan, islamarkaana isu muujiya in uu yahay nin ka soo horjeeda maamulka taariikhiga ah ee dalka, isagoo isku dayaya inuu beddelo muuqaalka siyaasadeed ee dalkaasi. Laakiin arrintani waxay socotay dhowr toddobaad oo kaliya.

Markii isaga iyo madaxa golaha militari ee xukunka haya, Burhaan ay hakad geliyeen in awoodda dib loogu celiyo dadka rayidka ah, banaanbaxayaashu waxay kordhiyeen mudaharaadkooda, waxaana Hemedti uu adeegsaday RSF, iyaga oo laayay boqolaal qof, waxa lagu eedeeyay kufsi haween iyada oo ragna lagu tuuray Wabiga Niil kuwaas oo lugahooda lagu xidhay dhagxaan, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka difaaca xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW).

Darfur, Sudan, on 5 August 2025

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sudan

RSF waxay heshay hub casri ah, oo ay ku jiraan diyaarado aan cidi wadin oo farsamo sare leh, kuwaas oo loo adeegsaday in lagu weeraro caasimadda dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee uu hoggaamiyo al-Burhaan oo fadhigeedu yahay magaalada Port Suudaan, islamarkaana waxay door muhiim ah ka ciyaareen weerarkii lagu qaaday El-Fasher.

Warbixinno baadhis ah oo ay ku jiraan kuwo ay New York Times daabacday ayaa caddeeyey in hubkan lagu gaadhsiiyo RSF iyada oo laga soo gelinayo garoommada diyaaradaha iyo saldhigyo saadka ah oo uu Imaaraadku ka dhisay gudaha Chad. Lakaiin Imaaraadku waa ay beeniyeen in ay wax hub ah siiyeen RSF.

Hemedti wuxuu isku dayayaa in uu dhiso isbahaysi siyaasadeed oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kooxaha rayidka iyo dhaqdhaqaaqyada hubaysan, gaar ahaan cadowgiisii hore ee ka dagaallami jiray buuraha Nuba.

Wuxuu dhisay "Dawladda Nabadda iyo Midnimada" oo ka garab dhisan midda caalamku aqoonsan yahay isaga oo la wareegay guddoomiyennimada.

Markii la qabsaday El-Fasher, RSF waxay hadda gacanta ku haysaa ku dhawaad dhammaan dhulka la deggan yahay ee galbeedka ka xiga webiga Niilka.

Khariirad dagaal oo la sawiray 28 October 2025