Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay in dhalinyarada ay "si qasab ah ugu qoreyso ciidamada"

Xigashada Sawirka, FDRE Defense Force
Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay cabashooyin badan oo ku aadan in dhalinyarada si qasab ah looga qabto wadooyinka iyo boostaajooyiinka gaadiidka, loona qaado tababar ciidan.
BBC-da ayaa ka ogaatay qoysaska maxaabiista iyo dadka arrintan la socda in dhalinyaro ay ku jiraan shaqaale dowladeed oo si qasab ah looga soo qab-qabtay waddooyinka, lana geeyo goobo kala duwan, si loo geeyo goobo lagu tababaro ciidamada.
Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ugu baaqday Itoobiya in aan si qasab ah lagu askareyn carruurta aan qaan-gaarin islmarkana laga dhigin ciidan.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa 2025, ugu baaqay dawladda Itoobiya inay joojiso sida sharci-darrada ah carruurta ay ugu tababarto militariga.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa 2025 ee Itoobiya, ugu baaqay dawladda Itoobiya inay joojiso sida sharci-darrada ah carruurta ay ugu qasbayso inay ciidamada ku biiraan.
Waxaa jira dhalinyaro badan oo si qasab ah looga soo uruuriyay meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Oromia, kuna biiray ciidanka difaaca qaranka.
Badhaasaan oo [magaciisa aan beddelnay] waa shaqaale dawladeed oo ku sugan Galbeedka Arsi - islmarkana ah dhakhtar xanaanada xoolaha.
March 14, 2025, ayay ciidamada ammaanku xireen xilli uu subaxnimadii ka soo baxay qoyskiisa oo uu shaqo u aaday magaalada Adaama, kana soo shaqo tagay.
Waxa uu ku qeyliyay in uu yahay shaqaale dowladeed iyo dhaqtar xoolaha ah,balse ciidamada amaanka dhag jalaq uma siin codsigiisa.
Waa la xiray oo la geeyey goob ku taala magaalada Adaama oo ay isugu yimaadeen dhalinyaro ka kala timid qaybaha kala duwan ee Oromia.
Badhaasan ayaa ka dib markii ay xireen maleeshiyada iyo booliska, waxa uu fariin qoraal ah u diray qaraabadiisa oo degan Shaashamanne ka hor inta aan laga qaadin telefoonkiisa. Ciidamada ammaanka ayaa igu xiray magaalada Cadama," ayuu yiri.
Mid ka mid ah dadka deegaanka Shaashamannee oo ay qaraabo yihiin Badhaasaa oo codsaday in aan magaciisa la xigan sbabo aman darteed ayaa BBC-da uga warramay sida Badhaasaa loogu xiray Adaama iyo wixii uu la kulmay oo uu u kuur galay markii ay tageen magaalada Adaama oo ay baadigoobayeen.
"Ninkan Shaashamannee ayuu iska joogay, subaxnimadiina waxa uu shaqo u aaday Adaama, isla markii uu gaariga ka degay ayay qabteen." Ayuu yiri.
Dhalinyaro badan ayaa lagu tuuray 'gooba lagu hayo' waxaana ku hareeraysan booliis iyo maleeshiyaad
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka deegaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Ehelada la qabtay markii uu subaxnimadii gaariga ka degay agagaarka Laanta Socdaalka ee Degmada Dagaaga ee Maamulka Magaalada Adaama.
"Markii aan waydiiyay khaladka aan sameeyay waxa uu ii sheegay in ay ii qabteen in aan laamiga si khaldan uga gudbayay"ayuu yiri.
Badhaasan waxa la xiray Jimcihii 14-kii March, isla markii la xiray, waxa uu u qoray fariin ehelkiisa oo jooga magaalada Shaashamanne oo uu u sheegay in la xiray.
"Waxay igu hayeen xafiiska maamulka Jimcihii waxayna iga soo saareen Sabtidii," ayuu yiri, isagoo raaciyay inay geeyeen goob dadku ku badan yihiin.
"Waxaan halkan u baxay Sabtidii, waxaana tagay Saldhigga Booliska Cadaama, waxayna igu yiraahdeen tag oo weydii Xafiiska Maamulka iyo Amniga.
Markii aan tagnay Xafiiska Maamulka iyo Nabadsugida, waxay ii sheegeen inaanan cidna soo xirin.
Ninkan oo ka mid ah dadka deegaanka oo ka hawl gala xafiiska caafimaadka ma sheegin halka uu ka shaqeeyo ee degmada Arsi ee Galbeedka arsi, isla markaana ah aabbe laba carruur ah dhalay, ka dib markii uu wiil uu adeer u yahay uu ka waayey saldhigga booliska iyo xafiiska nabadsugidda.
"Markii aan u tagay nimankii booliiska ahaa ee albaabka, waxay igu yiraahdeen waxaa jira goob dadka lagu keydiyo oo la yiraahdo Daddaa, waxayna igu dhaheen halkan tag oo ka raadso," ayuu yiri.
"Marka aan tagay ggobtaas oo ku taalla[dagmada Dagaagaa ee magaalada Cadama, cidna uma soo dhawaan karin, sababtoo ah malleeshiyada iyo booliiska ayaa roondo ku jira," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inay ku adkaatay inuu la xiriiro qaraabadiisa.
Ugu dambayntii, waxa uu u yimi boolikiska asaga oo ka baryay in ay u ogolaadaan halkaasi.
"Waxaan baryay booliiskii waxayna u ogolaadeen inuu meel fog igala hadlo," ayuu yiri mar uu arkay inan uu abti u yahay oo goobta ku jira isaga iyo dhawr dhalinyaro oo kale.
Waxa uu sheegay in uu xaqiijiyay in dhalinyaro badan oo ka soo jeeda qeybo ka mid ah Oromiya lagu soo uruuriyay halkaasi si ay u qaataan tababarka ciidamada difaaca qaranka.
Goobta magaalada Adaama waxaa isugu soo yimid in ka badan 350 dhallinyaro ah, kuwaas oo intooda badan ka yimid meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Oromiya, "taasi oo uu sheegay inay u sheegeen booliiskii goobta ilaalinayay .
"Cadaama waxaa ku sugan dad badan oo baadi goobaya dadkooda oo ka maqan, hadii uusan fariin ii soo diri lahayn in la xiray, waxaan u baari lahaa sidooda oo kale" ayuu yiri.
In kasta oo uu u qaatay waraaqo shaqo, shahaadooyin waxbarasho iyo dukumeentiyo kala duwan si loogu tixgeliyo shaqaale dawladeed, "qofna cidna uma sheego aabbahan," ayuu yiri.
"Saaxiibkey waxay ku qabteen magaalada Laga Xaafoo isagoo shaqo u socda"
Mid ka mid ah dadka deegaanka Finfinnee oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in saaxiibkiis loo xiray tababar ciidan oo laga qabtay Laga Xaafo, Shaggar.
Wiilkan dhalinyarada ah ayaa loo qaaday tababar xero militari, waxaana la xiray isaga oo subaxii shaqada u socda.
"Labadeena waxaan ku kulanay goob dhismo ah, wiilka oo subaxii shaqo u socday ayaa ciidamada amaanka ay ka qabteen Laga Xaafo ka hor inta uusan gaarin boostaajada gaadiidka" ayuu yiri.
Xarigooda kadib ayaa waxaa la isugu geeyay goob dadka lagu si hayo ay ku jireen dhalinyaro dhowr ah oo sugayay in ay loo qaado tababar ciidan.
"Wiilku waxa uu ka yimid magaalada Dasee [Gobolka Axmaarada], waxaana lagu qabtay jidka, waxaana la geeyey meel dhallinyaro badan lagu soo tababaray," ayuu yiri.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay caadi tahay in si qasab ah dhalinyarada looga soo qabto wadooyinka, gaar ahaan goobaha lagu kala magacaabo Shaggar, deegaanada Labuu, Sabbata, Buraayyuu iyo Laga Xaafoo.
Mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka Bariga Wallagga ayaa BBC-da u sheegay, in walaalkii ay xireen kooxo maleeshiyaad ah, isla markaana ay tababar ciidan u qaadeen xilli uu magaalada u tagay shaqo raadis.
Hase ahaatee markii la geeyey goobta uu tababarka ka socday, ayaa la sii daayey ka dib markii uu ka war helay in mid ka mid ah taliyayaasha ciidamada uu wato shahaado waxbarasho, sida uu sheegay dadka deegaanka.
'Wuxuu raadiyay qof maqnaa balse isagii ayaa ku biiray '
Mid ka mid ah dadka deegaanka Shashamannee ayaa BBC-da uga warramay xaalad gaar ah oo uu kala kulmay markii uu Adaama u tagay, baadigoobka wiil uu adeer u yahay oo la xiray.
Waxaa la kulmay nin isaga oo kale ahaa oo saldhiga ka waraysanayay si uu qof maqan u weydiiyo, waxaa ayna ula tageen 'goobta' lagu magacaabo Daddaa oo ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan.
"Haddii aad tahay nin dhallinyaro ah, way kugu dari doonaan, tusaale ahaan, waxaan raacnay nin raadinaya dad la haysto, Isla markiiba laba nin oo maleeshiyo ah ayaa ku yiri adigana waa ku doonaynaa ee gal.
Degmada Dagaaga waxaa ku yaal goob dadka lagu sii hayo oo lagu magacaabo Dadda. Maadaama uu yaraa, waxay ka qaateen aqoonsigiisii, waxayna u sheegeen in isagana loo baahan yahay," ayuu yiri.
Ilo wareedka ayaa BBC-da u sheegay in maleeshiyaadka ay yihiin ciidamada ugu badan ee dhalinyarada ka soo qab-qabta waddooyinka.
"Kuwa waardiyaha ka haya meesha dadka la isugu keeno waxba kama oga dadkan ilaalo mooyaane,," ayuu yiri.
Si qasab ah dadka looga qabqabto waddooyinka, meelaha ay isugu yimaadaan dhalinyarada sida guryaha barkadaha iyo gaadiidka iyo in lagu qasbo tababar ciidan ayaa sanadadii lasoo dhaafay si isdaba joog ah loo maqlayay – gaar ahaan gobolka Oromia.
Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ayaan wax ka weydiinay inay arrintan wax ka og yihiin iyo inay wadaan baaritaan la xiriira cabashada dadka, gaar ahaan dhallinyarada si xoog ah looga afduubto meelo kala duwan islamarkana loo tababaro ciidamada.
Komishinii xuquuqul insaanka Itoobiya laantiisa Oromiya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrintan.
Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa warbixin uu soo saaray horraantii 2025 ku sheegay, in la joojiyo qoritaanka qasabka ah ee dhalinyarada lagu biirinayo ciidamada qalabka sida.
Si kastaba ha ahaatee, isku day aanu ku doonaynay in aanu ku helno xogta ciidamada difaaca Itoobiya ee ku saabsan eedaha ah in si khasab ah dhalinayarada ciidamada loogu qoro ayaanay noo suurtogelin.
BBC-da oo isku dayday in ay xog dheeraad ah ka hesho Xafiiska Maamulka iyo Amniga ayaa lagu guuldareystay.













