Lix qodob oo ay tahay in aad sameyso si aad lacag u kaydsato adiga oo mushaar yar qaata

Lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tiro badan oo dadka shaqeeya ah, dunida waxay qaataan mushaar, iyaga oo ka cowda yaraanta mushaarka iyo inuusan ku filnayn noloshooda.

Dadka qaar waxay ku qasbanaadaan inay qaateen dayn si ay nolol macquul ah ugu noolaadaan, iyaguna waxay ku qasbanaadaan muddo dheer inay qaameysnaydaan.

Sida ay sheegaan inta badan dadka dhibaatadan ay hasato, muddo dheer ayay ku qaadataa inay daymahaas gudaan, taas oo galisa nolol walwal leh, dhaqaalaha soo galana ay ku bixinayaan daynta. Hadaba qaar kamid ah dadka ka faalooda dhaqaalaha ayaa sheegay inay hayaan talooyin laga yaabo inay caawiyaan dadkaas, kuwaas oo ay ku samaysan karaan qorshe ay ku koriyaan dhaqaalahooda.

Qodobadaan ayaa kamid ah kuwa ay soo jeediyeen.

Lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

1.Daynta isaga bax

Talaabadaan ayaa lagu tilmaamay inay tahay midda ugu muhiimsan ee lagu taliyo dadka mushaarka soo gala uusan buurnayn, iyaga oo u sababeeyay in ay tahay sida god wayn oo dhuuqaya wax kasta oo ku soo gala, marnaba aan buuxsamayn.

Maadaama godkaas wayn aadan ka dul bilaabi Karin dhisme aad dpooneyso inuu kor u dheeraado, ayay leeyihiin khuburado waxaa aanaagsan inaad gabi ahaanba aasto.

Inta badan sababaha keeni in dadku daymoobaan ayaa ha kuwa laga maarmi karo, waxaana kamid ah in qofku rabo inuu waxyaabo qaali ah iibsado, iyo iibsashada waxyaabo aan muhiim u ahan nolosha qofka.

2.Sii qorshee sida aad lacagtaada u bixindoonto ka hor inta uusan mushaarku soo dhicin

Marka aad iska bixiso oo aad ka dhamaato daynta ayay kuu banaan tahay inaad kor u qaado dhaqaalahaaga.

Sababta ay tahay inaad qorshe u sameyso mushaarkaaga ayaa ah, inaadan isticmaalin lacag aan kaa go’in, taas oo dayn madaxa kuu galin karta.

Marka aad si wanaagsan wax u qorsheyso, ayaa xitaa laga yaabaa inay kuu soo harto lacag aad si kale oo faa’iido leh u isticmaali karto.

3.Wax dhigo waxna maalgasho

Waxaa jira qaabab badan oo dadku lacagtooda u dhigtaan,. Dadka qaar waxay isticmaalaan qaabka ay u dhigaashtaan. Tusaale ahaan waxay isticmaalaan %40 mushaarkooda, %30 boqolkiiba waxay u isticmaalaan noloshooda gaarka ah, halka ay dhigaashadaan %30 boqolkiiba oo kale.

Kuwa kale waxay meel dhigaan tiro cayiman oo dhaqaalaha soo gala ah ama si kale ayay u maalgashadaan, sidaas ayayna uga haraan.

Balse si walba oo ay noqoto waxaa haboon ayay ku taliyaan khubaradu inaad meel dhigto wax uun ka mid ah mushaarkaaga, waliba in aad u sameyso qaab joogto ah. Ugu dambeyn tani waxay kuu suura galineysaa inaad hesho cadad lacag ah oo kuu kaydsama.

Lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

4.Kaydi xoogaa lacag ah oo aad ugu talo gashay waxybaaha soo boodada ah

Qayb kamid ah mushaarkaaga ayaa wanaagsan inaad meel u dhigato waxyaabaha aan markaas taagnayn ee laga yaabo inay noloshaada ku soo kordhaan. Tani waxay kaa saacideysaa inaad hesho lacag aan kamid ahayn midda aad isticmaalka ugu talo gashay iyo tan kaydinta aad ugu talo gashay, balse kaa dabooli karta wax walba oo la soo darsa noloshaada.

Sidoo kale hadii aanay dhicin wax degdeg ah oo ku soo kordha noloshaada, waxay kaa caawin doontaa in aad hesho wax kale oo dheeraad ah oo aad ku sii darto kaydkaagii ama maalgalinta aad sameysay intaba.

5.Samee il labaad oo dhaqaale

Waxay sheegaan khubarada dhaqaaluhu in lacagta kaas oo gasha hal meel marka aad tahay qof mushaar yar qaadanaya aysan kugu filnayn inaad meel wax ka dhigato. Sababtoo ah qaabka noloshaada ayay hal meel ku koobaysaa adiga oo aan awoodi waayin inaad ku noolato nololaha qaar.

Marka aad sidaan u hesho laba fursad oo aad ku heli karto laba ilo o dhaqaale oo kala duwan waxaa ku suura gali doonta in aad kaydsato dhaqaale aad xitaa u isticmaasho mustaqbalka inaad ku ganacsato ama maaml galin fiican aad ku samaysato.

6.Iska jooji dabeecadaha aan haboonayn

Waxaa hubinti ah in dabeecadaha maalinlaha ah ay u muuqdaan inaysan wax dhibaato ah noloshaada ku ahayn, balse waxay ku quusi karaan badwaynta saboolnimada ee aadan dhaqso uga soo kabsan Karin.

Waxaad u baahan doontaa inaad dabeecadahaas fahanto, sida ugu dhaqsaha bandanna aad isaga joojiso.