Maxay tahay halista soo wajahday mustaqbalka lacagta Doollarka ee Soomaaliya laga isticmaalo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Doolarka Maraykanku waxa uu ku jiray kaalinta lacagta ugu sarreysa ee adduunka muddo tobanaan sano ah, laakiin isku dayada lagu doonayo in lagu soo afjaro awooddeeda wax kala iibsiga ganacsiga caalamiga ah ayaa sii kordhaya marba marka ka dambaysa.
"Hadafka ah in la soo afjaro waxay ku xiran tahay dollarka ee xiriirka dhaqaale waa mid aan laga laaban karin," ayuu yiri madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin khudbad la duubay oo uu kaga qayb galay shir madaxeedka BRICS, kaas oo ay martigelisay Johannesburg toddobaadkan, ayna ka soo qaybgaleen hoggaamiyeyaasha Shiinaha, Hindiya, Brazil iyo Koonfur Afrika.
Balse hammiga madaxweynaha Brazil Lula da Silva ayaa u muuqday mid xitaa ka ka sareeya joojinta doolarka oo kali ah, isagoo ku booriyay hogaamiyayaasha ururka inay abuuraan lacag ay wadaagaan oo loo adeegsado isdhaafsiga ganacsiga dhexdooda.
Muhiimadda dhaqaalaha BRICS ayaan la iska indho tiri karin, maadaama xubnaha ururka ay hadda matalaan in ka badan 40 boqolkiiba dadka adduunka iyo qiyaastii 25 boqolkiiba wax soo saarka guud ee adduunka.
Waxa kale oo BRICS lagu casuumay inay ku soo biiraan 6 waddan oo kale oo ay ku jiraan xulafada Maraykanka, sida Sucuudiga iyo Imaaraadka.
Si kastaba ha ahaatee, afgembiga "boqorka lacagaha", oo qayb libaax ku lahaa kaydka lacagta adduunka tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, waxay u baahan tahay tallaabooyin ballaaran si ay u noqoto xaqiiqo la taaban karo, haddii kale waxaa uu ay arrintan noqon doontaa uun mid rabitaan iyo fikir oo kali ah ku dhisan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa maxay muhiimada dollarku u leeyahay dhaqaalaha aduunka?
In kasta oo saamiga dollarka ee kaydka sarifka lacagaha qalaad ee bangiyada dhexe ee dunidu uu hoos u dhacay, haddana sida ay warbixinnada caalamiga ahi sheegeen rubucii ugu dambeeyay ee sannadkii hore la diiwaangeliyay boqolkiiba 58, taasoo gaartay heerkii ugu hooseeyay muddo labaatan sano ah, haddana khubaradu waxay filayaan inay lacagta doolarka sii ahaanayso mid dhaqaalaha caalamka ka ciyaarta dowr muhiim ah tobanka sano ee soo socda.
Bangiyada dhexe ee dunidu waxa ay aad u jecel yihiin in ay kor u qaadaan kaydka sarifka lacagaha qalaad si ay uga faa’idaystaan wax kala beddelashada ganacsiga caalamiga ah iyo in ay la tacaalaan dhibaato kasta oo dhaqaale oo soo wajahda dhaqaalaha dalalkooda.
Doolarka Maraykanka ayaa lagu qiimeeyaa qaar ka mid ah badeecooyinka aasaasiga ah ee adduunka oo uu ugu horeeyo Shidaalka. Haddaba, haddii qiimaha lacagta maxaliga ah ee dal ay hoos u dhacdo in badan marka loo eego dollarka, badeecadaha lagu sarifayo dollarka ayaa qaali noqda, taasina waxay keentaa in maciishada iyo sicir bararka kor u kaco.
Maalgashadayaasha ayaa sidoo kale jecel in ay iibsadaan dollarka marka dhaqaalaha caalamka uu la soo deristo cadaadis, maadaama lacagta Mareykanka ay tahay "mid adag oo ammaan ah" xilliyada dhibaatooyiinka dhaqaalea, sababtoo ah dhaqaalaha Mareykanka ayaa ah kan ugu weyn adduunka.
Maxay dalalka qaar u doonayaan inay u yareeyaan ku tiirsanaanta dollarka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaar ka mid ah wadamada soo koraya ayaa u arka in sarifka lacagaha dollarka ee wax kala iibsigu uu wax u dhimo dhaqaalahooda, waxayna ka cabsi qabaan in isbedbedelka qiimihiisu uu saameyn ku yeesho xasiloonidooda dhaqaale, sidaas darteedna ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga badali lahaayeen heerka uu taagnaa tobanaan sano.
Tusaale ahaan Ruushka waxa uu la kulmay dhibaatooyin aad u weyn ka dib markii cunaqabataynta reer galbeedka ay saareen, lagana saaray nidaamka maaliyadeed ee caalamiga, ka dib duulaankii Ukraine ee sannadkii hore. Tani waa midda Putin ku riixday rabitaankiisa xooggan ee ah in laga takhaluso ku tiirsanaanta dollarka.
Dhawr bilood ka hor, xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka Janet Yellen ayaa ka digtay in cunaqabateynta reer galbeedka ee ka dhanka ah Moscow laga yaabo in ay khatar ku tahay sareynta dollarka.
Dhinaca Shiinaha oo ah dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka, waxa uu muddo dheer ka shaqaynayey sidii uu kor ugu qaadi lahaa isticmaalka lacagta Yuan-ka ee wax kala beddelashada ganacsiga dibadda, iyada oo ujeeddadeedu tahay in kor loo qaado muhiimadda lacagteeda heer caalamka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Brazil ayaa aaminsan in dalalka isticmaala dollarka aan lagu qasbin inay ku qaataan wax kala iibsiga ganacsiga. Lula da Silva ayaa sheegay intii lagu guda jiray shir madaxeedka BRICS in qaadashada lacag kale oo caadi ah oo ay isticmaalaan wadamada midowga "ay kordhinaysaa fursadaha lacag bixinta waxayna yaraynaysaa khatarta ka iman karta."
Arrinkuna kuma koobna dalalkan oo keliya, maadaama Sucuudiga oo Shidaalka hodanka ku ah uu sidoo kale muujiyey furfurnaan ku aaddan isticmaalka lacagaha kale ee aan ahayn doollarka.
Wadamada qaar ayaa sidoo kale qaaday tillaabooyin kor loogu qaadayo isticmaalka lacagaha gudaha. Tusaale ahaan, bishii July ee la soo dhaafay, Imaaraadka iyo Hindiya waxay ku dhawaaqeen heshiis ku saabsan isticmaalka Dirham Emirate iyo Rupee Hindiya ee wax kala iibsiga labada dhinac.
Ma halis ayuu ku jiraa mustaqbalka Doollarka?
Dhab ahaantii, isku dayga lagu dhimayo ku tiirsanaanta dollarka ee macaamil ganacsi ee ka dhexeeya waddammada ayaa wajahaya caqabado dhowr ah. Waxa loo yaqaan "de-dollarization" ee dhaqaalaha adduunku wuxuu u baahan yahay heshiis baahsan oo u dhexeeya dhoofiyeyaasha, soo dejinta, iyo hay'adaha maaliyadeed ee adduunka si ay u isticmaalaan lacagaha maxaliga ah, ama lacag kale - taas oo aan macquul ahayn mustaqbalka dhow.
Fikradda lacag wadaag ah oo ay yeeshaan wadamada BRICS wali waa soo jeedin oo ma jiraan wax la isku raacsan yahay oo ku saabsan ama hab cad oo lagu hirgelinayo. Waxaa laga yaabaa in madaxweynaha Brazil kaligiis uu yahay midka ugu xamaasadda badan. Ka hor shirkii dhawaanta BRICS, qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in soo jeedinta lacagta guud aan lagu darin ajandayaasha.
Dhaqaalaha Maraykanku waa kan ugu weyn adduunka, sidaas darteed lacagtiisu waxay gabaad ammaan u tahay maalgashadayaasha badan.
Laakiin saraakiisha Maraykanku waxay garwaaqsadeen in doollarku uu soo food saarayo mustaqbal khatar ah, taas oo ay ugu wacan tahay cunaqabataynta dhaqaale ee Washington ay ku soo rogtay dalal kale, iyadoo laga cabsi qabo in arrintani ay dardar geliso raadinta beddelka doollarka, taas oo wiiqaysa awoodda dollarka mustaqbalka fog.
Khubaradu waxay saadaalinayaan in dollarku uu sii aahn doono mid door muhiim ah ka ciyaara dhaqaalaha adduunka sanadaha soo socda, inkastoo ay jiraan caqabado badan. Moody's waxay aaminsan tahay in awoodda dollarka Mareykanka ee ganacsiga caalamiga ah iyo maaliyadda ay sii socon doonto tobanaan sano, xitaa haddii uu soo baxo nidaam ku tiirsan lacago kala duwan.
Sidaa darteed, haddii aan la helin beddel xooggan oo doolarka ah, sida hadda jirta, "boqorka lacagaha" wuxuu sii ahaan doonaa mid ammaan ah oo ku tirrsanaantiisu ay sii socon doonto.











