Maxay usoo badanayaan dadka jiifka lacagta ku sameeya ee tooska loo daawado

Hurdo

Xigashada Sawirka, STANLEYMOV

Dadka qaar waxa ay wajahaan xaalado hurdo yari. Si kastaba ha ahaatee, dadkaas qaarkood ayaa bilaabay inay lacag ka sameeyaan hurdadooda.

Muuqaallo badan oo loo yaqaan "hurdada tooska ah" ayaa lagu arkaa aaladaha muuqaalka sida YouTube, Tik Tok, iyo Twitch. Qaar ka mid ah isticmaalayaasha ayaa soo saara muuqaal toos ah oo ay hurdaan.

Fikirkan waxaa soo jeediyay nin lagu magacaabo Kai Sennett.

Waxaa la sheegay in bishii March, uu kasbaday malaayiin lacago ah, isaga oo si toos ah ugu hurdaya aalado laga daawanayay, waxa uuna hurdadaiisa tooska ah ku shaqeysanayay muddo bil ah.

Amaranth, oo ah wariye caan ka ah aduunka, ayaa daaha ka qaaday arimo yaab leh oo ku saabsan mowduucan.

Isagoo ka hadlaya muuqaal la baahiyay bishii Juun, wuxuu sheegay inuu kasbaday lacago badan xilli u uku guda jiray hurdo si toos loo daawanayay.

Daawashada muuqaallada noocaas ah, daawadayaashu waqti badan kuma bixiyaan in ay ogaadaan faa’iidada ugu jirta dadka soo dhiga, balse waxa ay taa badalkeeda ku maadeystaan qofkan hurdaya ee sida tooska ah loo daawanayo.

Goorma ayuu billowday barnamijkan?

Hurdo

Xigashada Sawirka, Getty Images

In kasta oo fikradda hurdada tooska ah ay u ekaan karto wax yar oo qariib ah horayna aan loo baran, maahan wax cusub in dadku seexdaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bandhigii ugu horeeyay ee loo yaqaanay 'Big Brother' wuxuu bilaabmay 2000. Waqtigaas, Big Brother wuxuu noqday barnaamijka loogu daawashada badan yahay adduunka.

Bandhigan 24-ka saac ah, daawadayaasha ayaa fursad u helay inay arkaan sida dadka guryahooda ku nool ay u seexdaan habeenkii. Xataa hurdo toos ah oo aan loo qorsheynin in lacago laga sameeyo.

Tijaabo cusub ayaa sidoo kale ka bilaabmay halkan. Halkii ay laxago ku bixin lahaayeen dadka seexanaya si ay u helaan hurdo wanaagsan, daawadayaashu waxay bilaabeen inay lacago bixiyaan si ay u soo jeedaan.

Qaar baa lacag bixiya si ay u soo jeedaan halka kuwa kalena ay sameeyaan waxyaabo ay ka mid yihiin qeylo dheer, iyagoo dira digniino, in ay u sheegaan qofka seexanaya in nalka uusan daminin.

Muuqaallada kuwan oo kale ah waa sida tartamada oo kale iyo ficillada tooska ah. Dadka seexanaya hurdada tooska ah waxay isku dayaan inay seexdaan. Daawadeyaasha sida ciyaartoyda oo kale ahna waxay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan si ay u kiciyaan.

Barnaamijkan ayaa markii ugu horreysay ka bilaabmay aaladda TikTok. Waxaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay eek u dhiirraday hurdada tooska ah, Jackie Bohm iyo Stanley Mow. Stanley Mov ayaa mar sheegay inuu sameeyo lacago ku filan oo uu ku bixiyo kiradiisa isagoo hurda oo meelna aan u dhaqaaqin.

Stanley Mow ayaa BBC-da u sheegay, "Marka aan seexanayo anigo aaladda la’iga daawanayo, waxaan u isticmaalaa kaliya in aan soo geliyo YouTube-ka, Aniga ahaan, hurdada tooska ah kaliya waa in aan lacag ka sameeyo”.

Waxa uu intaa ku daray, "Dadka qaarkood waxay ku raaxaystaan inay arkaan xanuunka kuwa kale."

Hurdo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Stanley, oo hadda la daala dhacaya in uu helo hurdo wanaagsan, ayaa hadda ka nastay qulqulka noocaan ah. "Waxa aan joojiyay samaynta dhawr sano markii aan bilaabay in ay igu dhacaan dhibaatooyin maskaxeed," ayuu yiri.

hurdo fiican lagu heli Karin.

Arrinkan ma yahay mid wanaagsan?

Hadda waa xaqiiqo in lacago laga sameyn karo barnamijyadan hurdada ee tooska ah, laakiin miyay u fiican tahay caafimaadka?

Qoraaga buugga caawinta naftaada ee Navigating Insomnia iyo khabiirka hurdada Dr. Lindsey Browning ayaa sheegay in arrintan keeni karto casharro laga baran karo oo xag maskaxeed ah.

Dr. Saynis ayaa sheegay in hurdada wanaagsan ee habeenkii ah ay muhiim u tahay jirka, Waxayna leedahay faa'iidooyin badan sidoo kale.

Hase yeeshee waxaa jirta in qof kastaa ma helo dhammaan fursadaha nolosha. Waalidka oo kale waxa ay soo jeedaan habeenkii oo dhan haddii ilmuhu uusan dareemeynin xaalad wanaagsan ama uusan sexan.

Waxay tilmaameen in ay jiraan bqollaal sababood oo aan