Muqaal ku saabsan sida qof kaligii isaga umulin karo ayaa nolosheedii galaaftay markii ay tijaabisay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeney ku nool gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya ayaa u geeriyootay dhiig bax daran kadib markii ay gurigeeda ku umushay.
Degmada Krishnagiri, dhacdadan ayaa ku dhacday haweeney isku dayday in ay gurigeeda isga umuliso kadib markii ay muuqaalada dhalmada ka hadlaya ay ka daawatay barta Youtube-ka.
Haweneydan iyo seygeeda waxay go'aansadeen inay guriga ku dhasho hooyadani halkii ay isbitaalka aadi lahaayeen.
Sida ay muujinayso faahfaahinta ilaa iyo hadda la hayo, haweeneyda oo lagu magacabo Mitesh waxay guursatay 2021. subaxnimadii Talaadada, ayaa waxaa qabtay xanuunka foosha waxayna ku umushay guriga.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay maamulka, haweeneyda ayaa si aad ah u dhiigbaxday intii ay foosha ku jirtay.
Dhiigbaxa ayaa sida ay dhakhaatiirta sheegeen waxaa sababay mandheertu oo aan ka soo dhicin. waxaa loo qaaday isbitaalka, laakiin markii halkasi la geeyay ayaa waxay dhakhaatiirta sheegeen inay dhimatay.
Waaxda caafimaadka degmada iyo booliiska ayaa geerida hooyadan ka dib lau wargaliyay, islamarkana waxaa imika socda baaritaanka.
Dhimashada hooyooyiinka guriyaha ku umula.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gobolka Tamil Nadu oo kali ah ayaa waxaa la soo wariyay dhowr kiis oo ah hooyooyiin iyo ilmahooda oo dhintay xilliga foosha, waxana ka mid ah hooyooyiin isku dayay in guriyaha ay ku dhallaan.
Bishii July 2008, haweeney lagu magacaabo Kritika ayaa ku umushay guriga ka dib markii ay daawatay muuqaalada YouTube-ka iyada oo gacan ka heleysa ninkeeda iyo saaxiibada ninkeeda. Si kastaba ha ahaatee, hooyadan way dhimatay ka dib markii ay umushay. Kiis ayaa la diiwaan galiyay, waxaana la xiray ninkii qabay haweeneyda.
Dhacdo taas la mid ah ayaa sidoo kale dhacday August ee sanadkan.
Bishii July 2021, Monisha ayaa qaaday uur waxayna ku nooleyd guriga hooyadeed oo ay ku umushay. hasa yeeshee ayaa cunugeedii yaraa ayaa u geeriyooday dhibaatooyiin soo gaaray intii ay foosha ku jirtay.
YouTube-ka iyo hooyanimada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khubaradu waxay ku talinayaan in dhammaan hooyiinka aanay isku mid ahayn, markaa ha isku dayin inaad ka barto YouTube-ka waxyaabaha sida cunto karinta ama in hooyadu iyada iska umuliso.
"Hooyo kasta oo uur leh waxaa jira wax u gaar ah," ayay tiri Dr Saratha Sakthirajan oo ku takhasustay cudurada haweenka. Dhibaatadu waxay tahay in waxaas oo dhan la sameeyo iyada oo aan la helin tababar caafimaad ama khibrado.
Waxay intaa ku dartay, 'Nooca la socodka loo baahan yahay xilliga foosha waa ka duwan yahay qof walba. Tusaale ahaan, xilliga foosha, garaaca wadnaha hooyada, cadaadiska dhiigga, heerka fuuqbaxa, garaaca wadnaha ilmaha iyo waxa la midka ah ayaa loo baahan yahay.'
"Xitaa haddii ay tahay dhalmo caafimaad qabta, waxaa jira dhibaatooyinka sida dhiig-baxa culus, dhaawacyada xubnaha taranka ," ayay tiri Dr Saratha.
"Sidoo kale, dhakhaatiirta dhalmada oo keliya kuma filna xilliga dhalmada," ayay tiri Dr Saratha Sakthirajan. Waa dadaal wadajir ah. Dhakhaatiirta carruurta, takhaatiirta suuxinta, kalkaalisooyin xirfad leh, bangiyada dhiigga dhamaantood waa lama huraan. Tani waxay suurtogal u tahay oo keliya isbitaalka.'
Waxay ku dartay, 'Mararka qaarkood ilmuhu si fudud ayuu u dhashaa. Laakiin ka dib dhalmada fudud mandheertu waxay ku dhegi kartaa ilmo galeenka in muddo ah, waxaa iman kara dhiig-bax culus mararka qaarkoodna waxaa jira khatar ah in mandheerta la soo jiido ilmo-galeenka iyada oo la isku dayayo in laga saaro. Sababahaas dartood, xanuun daran ama dhiig-bax badan awgood, waxaana laga yaabaa in nolosha hooyada ay halis gasho.'
'Aad bay khatar u tahay,' ayay ka digtay Dr Saratha. Waxaan ka baran karnaa sida loo kariyo cunadda ama loo daryeelo guriga YouTube-ka, laakiin marka ay timaado dhalmada taasi way ka duwan tahay.'













