Sida hooyo ay dabagal ugusoo xirtay nin gabadheeda kufsaday oo "dhintay"

Laba dumar ah oo sii jeeday

Xigashada Sawirka, SWASTIK PAL

Qoraalka sawirka, Waxay hooyadu sheegtay inay ka go'nayd in la ciqaabo ninka gabadheeda kufsaday

Sannadkii aan kasoo gudubnay ayaa haweeney ku nool gobolka Bihar ee waqooyiga Hindiya loo sheegay in ninkii kufsaday gabadheeda uu dhintay, kiiskiina sidaa lagu la xiray. Waxay su’aal galisay run ahaanshaha hadalkaas waxayna daaha ka qaaday xaqiiqada, taasoo keentay in kiiska dib loo furo, ugu dambeyntiina ay cadaaladda u hesho gabadheeda. Weriyaha BBC-da Soutik Biswas ayaa baadhay sheeko cajiib ah oo dulqaadasho muujinaysa.

Subax aad u wanaagsan oo ku qiyaasan bishii Febraayo ee sannadkii hore, laba nin ayaa yimid goob meydadka lagu gubo oo ku taal jiinka webiga Ganges, oo ah webi la barakaysto oo ku yaal Hindiya.

Waxay halkaas u joogeen si ay u sameeyaan aaska Hinduuga oo ah in qofka dhintay la gubo. Nimanku waxay wateen xaabo, balse waxaa la yaab leh in aanay wadan wax meyd ah.

Markii ay gaadheen goobtii wax lagu gubi lahaa, xaaladdu waxay isu beddashay mi la yaab leh.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nimankii waxay dhulka ka dhisteen daboor ama sariirta meydka lagu gubo. Ka dib, mid ka mid ah ayaa dul seexday sariirtii sidii qof dhintay oo naxash saaran oo kale, wuxuuna isku daday maro cad, indhahana isku qabtay. Kii kale wuxuu dul tubay qoryo badan ilaa madaxiisa mooyee intii kale jirkiisa ay qarsoontay.

Laba sawir oo kuwan hoos ka muuqda ah ayaa laga qaaday. Ma cadda cidda qaadday sawirada iyo in qof saddexaad uu joogay.

Ninka " dhintay" ayaa sida muuqata ahaa Niraj Modi, oo 39 jir ahaa macalin dugsi dawladeedna ahaa. Ninka kale wuxuu ahaa aabbihii, Rajaram Modi, beeraley lixdamiiyadiisii ku jira.

Rajaram Modi ayaa markaas aaday maxkamad, taas oo u jirta 100km (62 mayl), isaga oo uu la socdo qareen, wuxuuna ku dhaartay warqad dhaar ah oo saxiixan in wiilkiisa Niraj Modi uu ku dhintay 27-kii Febraayo gurigooda tuulada ku yaal. Waxa kale oo uu keenay laba sawir oo ka mid ah gubista iyo waraaqihii lagusoo gaday xaabada lagu gubay si ay u noqoto caddayn.

Niraj wajigiisa oo u eg inuu dhintay

Xigashada Sawirka, SWASTIK PAL

Qoraalka sawirka, Qofkan "dhintay" ee sawirka ka muuqda waa Niraj Modi oo ku eedaysan kufsashada gabadha yar

Tani waxay dhacday bishii Ocktoobar 2018 oo ah lix maalmood uun kadib markii Miraj Modi lagusoo eedeeyay inuu kufsaday gabadh 12 jir ah, taas oo sidoo kale uu macallin u ahaa. Gabadha yar ayuu Niraj ka duubay muuqaal marka uu kufsanayey waxa uuna ugu hanjabay in u uku faafin doono muuqaalka internet-ka.

Niraj ayaa mar dambe lasoo xiray ka dib markii ay gabadha hooyadeed dacwad ka gudbisay, waxaana lagu sii daayey damiin ka dib markii uu xabsiga ku qaatay muddo 2 bilood ah.

Wax walba si degdeg ah ayey isu baddaleen ka dib markay soo baxday “dhimashada” Niraj Modi sannadkii hore. Laba bilood kadib markii uu aabihiis soo war galiyey maxkamadda, waxaa warqaddisa dhimashada daabacay masuuliyiinta u xil saaran diiwaan galinta dadka dhinta. Bishii shanaad ee isla sannadkaas maxkamadda ayaa kiiskii soo xidhay maadaama qofkii kali ahaa ee ku eedaysnaa uu “geeriyooday”.

Qofka kali ah ee ka shakiytey in macalinku uu dhimashadiisa been abuuray si uu uga dhuunto sharciga; ayaa ahayd hooyada gabadha dhibbanaha ahayd, hooyo tabar daran oo ku noolayd guri cooshad ah oo ku yaal isla tuulada uu Niraj Modi ku noolaa.

“ Isla markii aan maqlay ina Niraj uu dhintay, waan ogaa inay been tahay waan ogaa inuu noolyahay,” ayey tiri hooyadu mar dhaweyd oo aan la kulmay.

Bishii Maajo ee sannadkii tagay ayey maalin maqashay hooyadu in kiiskii Niraj lasoo xiray maadaama uu dhintay.

Rajaram Modi, aabaha Niraj ayaa sidoo kale laga arkayaa isagoo dul taagan "halka meydka lagu gubi lahaa"

Xigashada Sawirka, SWASTIK PAL

Qoraalka sawirka, Rajaram Modi, aabaha Niraj ayaa sidoo kale laga arkayaa isagoo dul taagan "halka meydka lagu gubi lahaa"

"Laakin sidey ku dhacday in qofna uusan ogeyn geerida macalinka, maxaa loo qaban waayay tacsida dhimashada ka dib, maxaa dhimashada looga hadli waayay? ayay i waydiisay.

Waxay sheegtay inay guri ilaa guri u tagtay iyadoo dadka ka hubinaysa in Niraj Modi uu dhintay iyo in kale. Qofna ma maqal dhimashadiisa. Kadib waxay aadday maxkamadda waxayna ka codsatay in la baaro arinta, balse garsoorayaasha ayaa codsaday in la keeno cadeymo muujinaya in macalinka uu nool yahay.

Badhtamihii bishii Maajo ayay hooyadani codsi u dirtay masuul sare oo deegaanka ka tirsan, waxaanay sheegtay in golaha deegaanka tuuladu ay soo saareen shahaado dhimasho ah oo loo cuskaday waraaqo been abuur ah, loona baahan yahay in la baadho.

Intaas wixii ka dambeeyay si xawli ah ayey arrimuhu u socdeen.

Sarkaalka ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo, wuxuuna ku wargeliyay golaha deegaanka. Masuuliyiinta deegaanku waxay ka raadiyen Rajaram Modi caddaymo dheeraad ah oo ku saabsan dhimashada wiilkiisa: sawirrada "Marxuumka dhimashadiisa ka dib, gubashada, sariirta meydka oo gubaneysa, tacsidii ugu dambeysay iyo markhaatiyo shan ah".

Xubnaha golaha deegaanka ayaa la kulmay dadka degan tuulada ilaa 250 guri. Qofna kama muuqan inuu maqlay geerida Niraj Modi. Madax xiirashada waa dhaqan baroordiiq Hinduuga ah oo inta badan loo sameeyo dhimashada qaraabo dhow. Wali ma jiro mid ka mid ah qoyska Modi oo madaxa xiirtay.

Qareenka gabadha la kufsaday

Xigashada Sawirka, SWASTIK PAL

Qoraalka sawirka, "Dhimasho ka dhacday tuulo ku taal Hindiya waligeed ma qarsoomayso" ayuu yiri Jai Karan Gupta, oo ah qareenka dulmanaha

Baaritaanada ayaa lagu soo gabagabeeyay in Niraj Modi uu ka been abuuray geeridiisa, aabaha iyo wiilkiisana ay sameeyeen waraaqo been abuur ah si ay u qaataan shahaadada dhimashada.

Bishii Luulyo, maxkamaddu waxay dib u furtay kiiska, iyadoo sheegtay in "la khiyaaneeyay oo la marin habaabiyay" si eedaysanaha uu "uga baxsado ciqaabta". Hooyada oo aan ka daalin dagaalka ay ku raadinayso macalinka ayaa aadday maxkamada iyada oo doonaysa in la so xidho.

Bishii Oktoobar, Niraj Modi ayaa isku dhiibay maxkamadda, sagaal bilood ka dib markii lagu dhawaaqay inuu dhintay. Intii ay socotay dacwadda waa uu iska difaacay, isagoo beeniyay eedeymaha kufsiga. Haddana wuu ka baxay barxaddii, isagoo hoos eegaya, oo xadhig lagu xidhay.

Bishii hore ayay maxkamaddu Niraj Modi ku heshay danbi ah inuu kufsaday gabadha waxayna ku xukuntay 14 sano oo xarig ah. Waxay dhibbanaha siisay magdhow dhan 300,000 rupees oo u dhiganta $3,628 doolar. Rajaram Modi ayaa sidoo kale ku jira xabsiga isagoo wajahaya eedeymo la xiriira khiyaano iyo daacadnimo darro, taas oo loogu xukumay ugu badnaan toddobo sano oo xarig ah. Aabaha iyo wiilkiisa ayaa hadda wajahaya eedeymo la xiriira warqadda dhimashada ee ay been abuureen.