Hooyo Soomaaliyeed oo shanteedii carruurta ahayd ay mid keliya uga hartay

Ibrahim Adan

BBC Africa, Mogadishu

Boosho Macallin
Qoraalka sawirka, Boosho Macallin oo gabadheeda kula jirta isbitaal Banaadir/Ibrahim Adan/BBC Somali

Boosho Macallin oo ka timid miyiga gobolka Shabeellada Hoose, soona gaartay xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa afar ka tirsan carruurteeda oo shan ahaa waxay u dhinteen xanuunno ka dhashay saameynta abaarta ku dhufatay deegaankooda. Afarta dhimatay, dhammaantood waxay ahaayeen wiilal.

Ilmaha u haray oo ah gabadh yar oo afar sano jir ah, lana yiraahdo Iqra Aadan, ayaa iyana nafaqo-darro u jiifta qeybta carruurta ee isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay xaaladdeeda kula tacaalayaan dhaqaatiirta.

Boosho Macallin oo u warrantay BBC-da ayaa sheegtay in xanuunnada ay u dhinteen carruurteeda ay ka mid ahaayeen jadeeco iyo shuban, waxayna dhaqaatiirtu rumeysan yihiin in cudurradaasi ay u sii nugleysay nafaqo-darro ba’an oo carruurta ku dhacday.

“Waxaan ka nimid baaddiyaha Qoryooley, saddex habeen iyo saddex maalmood ayaan soo lugeynaynay, markii aan Qoryooley nimid walaalaha magaalada ayaa lacag noo ururiyay oo baabuur na soo saaray ilaa Xamar,” ayay tiri Boosho Macallin.

Boosho Macallin
Qoraalka sawirka, Boosho Macallin

Waxay sheegtay in beerahoodii ay uga soo tageen roob-la’aan iyo webigii oo engagay, xoolihiina ay ka dhamaadeen. “Markii aan Xamar nimid xaaladda waa iska aboosto. Waan iska tuugsannaa, mararka qaar wax wax na siinaya waan aragnaa mar marna ma aragno. Hadda saas ayaan ku noolnahay,”ayay tiri Boosho oo ka mid ah boqollaal kun oo qof oo ku jira xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaalla Muqdisho.

Dr Aweys Colow Xasan oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa sharraxaya noocyada nafaqo-darrada ee soo ritay carruurta ay abaartu saameysay iyo xanuunnada kale ee ay la tacaalayaan.

“Dabcan nafaqo-darradu waxay leedahay qaybo kala duwan, Soomaaliya midka wax laga qabto waxay u badan tahay midda degdegga ah, iyaduna waxay leedahay nooc dhexe, iyo nooc daran oo ay xanuunnadu la socdaan. Kuwaas waaye kuwa aan annagu qabanno, oo u baahan in isbitaal la jiifiyo. Carruurta qaar waa kuwo koomo ku jira, kuwo ay jadeeco hayso, kuwo shuban-biyood uu ku dhacay, kuwaas oo dhamaantood ka dhashay nafaqo,” ayuu yiri Dr Aweys.

Nafaqo-darro isbitaal Banaadir, Mogadishu Somalia
Qoraalka sawirka, Carruur ay nafaqo-darro hayso oo lagu daryeelayo isbitaal Banaadir/Ibrahim Adan/BBC Somali

Isbitaallada Soomaaliya waxay la ciirciirayaan carruur badan oo ay hayso nafaqo-daro ba’an, taasoo muujinaysa sida Soomaaliya ay qarka ugu saaran tahay in abaarta ka jirta ay isu beddesho macluul dili karta boqollaal kun oo qof sida laga soo xigtay hay’adaha gargaarka. 

Meelaha qaar sariiraha isbitaalladu way buux-dhaafeen, waxaana bannaannada looga sameeyay teendhooyin lagu daweeyo.

Isbitaalka Banaadir qaybtiisa carruurta oo ay yaallaan ilaa 200 oo sariir ayaa buux dhaafay iyagoon marna firaaqo noqon lixdii bil ee ugu dambeysay sida ay BBC-da u sheegtay agaasimaha isbitaalka Dr Fartuun Shariif.

“Marmarka qaar waxa dhacaysa in hal sariir labo bukaan ay isla seexdaan, oo hooyadii labo cunug markii ay ka xanuunsadaan, labadeedii cunugba hal sariir la seexiyo oo lagu daryeelo. Marka culeyskaas waxaan bulshada Soomaaliyeed ka codsanayaa in dadkaas ay soo ridatay abaarta loo gurmado,” ayay tiri Dr Fartuun.