“Aabbo, hooyo ha u sheegin in la i dili doono”

Maxamed Mahdi Karami

Xigashada Sawirka, Wana/Reuters

Dowladda Iran ayaa dhawaan daldashay afar nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen dibedbaxyadii gilgilay waddankaas. Dad kale oo gaaraya 18 ayaa lagu xukumay dil.

Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in habka loo maxkamadeeyay dadkaas uu ahaa mid cadsaaladda ka fog.

Dhalinyaradaas la daldalay waxaa kamid ahaa Maxamed Mahdi Karami, 22 jir ku guulaystay tartanka karate-da. Dad xog ogaal u ahaa kiiskiisa ayaa BBC qeybta Faarisiga u sheegay in ninkaas loo qabtay 15 daqiiqo si uu isaga difaaco eedeymaha loo jeediyay.

Dibedbaxyada ayaa bilowday kadib markii gabar 22 jir ahayd, Mahsa Amini, ay ku dhimatay saldhig ay leeyihiin booliska xumaan reebidda. Waxaa loo qabtay in aanay si wanaagsan u xiran xijaabka.

Dowladda ayaa awood xad dhaaf ah u adeegsatay xakameynta dibedbaxyada. Ugu yaraan 481 qof oo dibedbaxayaal ah ayaa ku baxay gacanta laamaha amniga, sida uu sheegay ururka xuquuqda aadanaha Iran ee uu fadhigiisu yahay Norway.

Karami ayaa loo xiray dilka xubin kamid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Basij, kaasoo lagu dilay dibedbax ka dhacay magaalada Karaj 3-dii November. Kadib waxaa lagu soo oogay dembi ah inuu “fasahaadiyay dhulka” oo waxaa la horgeeyay maxkamadda kacaanka.

Muuqaal laga duubay Karami ayaa muujinaya isagoo argagaxsan isla markaana “qiranaya” inuu askariga madaxa uga dhuftay dhagax. Qareenka ay dowladda u qabatay ayaa halkii uu ka difaaci lahaa eedeysanaha, waxa uu garsooraha ka codsaday in la cafiyo Karami.

Karami aabihii oo lagu magacaabo Mashaalah ayaa u sheegay wargeyska Etemad in wiilkiisa uu la soo hadlay markii uu xukunka ku dhacay. “Maanta ayay xukunka nagu rideen. Dil ayaa la igu xukumay. Hooyo ha u sheegin,”

Sayid Maxamed Xuseeni

Xigashada Sawirka, Wana/Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Eedeysanayaasha kale

Sayid Maxamed Xuseeni oo 39 jir ah, carruurtana bari jiray kubadda ayaa 7-dii January la daldalay. Waxaa lagu eedeeyay inuu la dambi ahaa Karami.

Haseyeeshee waxaa loo oggolaaday inuu difaaco qareen madax bannaan, Cali Sharifzadeh Ardakani, kaasoo ku booqday xasbiga bishii December.

“Intii aan la joogay, wuu illimeynayay. Waxa uu ii sheegay in la jirday, gacmaha laga xiray, madaxana looga istaagay. Qiraalkiisa waxa uu ahaa mid si qasab ah looga keenay,” ayuu yiri qareen Ardakani.

Waxa uu racfaan u gudbiyay maxkamadda sare, taasoo u sheegtay inuu soo noqdo 7-da January. Xilli uu u socday xabsiga, ayaa lagu wargeliyay in la daldalay Sayid.

Qareenka ayaa qudhiisa la xiray, kadib markii uu dacwad oogaha Karaj cabasho ka muujiyay qoraalka uu uga hadlay in jirdil loo geystay ninka uu matalayay. Hadda, damaanad ayuu dibedda ku joogaa.

Garsoorka Iran

Ururada xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay hannaanka garsoorka Iran inuu go’aannada ku gaaro “caddeymo qasab lagu keenay.”

Ilo xog ogaal ah ayaa BBC u sheegay in qareennada ay dowladda u qabato eedeysanayaasha ay ka hiiliyaan dadka ay matalayaan, halkii ay ka difaaci lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 109 dibedbaxayaal ah ay khatar ugu jiraan in lagu fuliyo xukun dil ah.

Kadib dilalkii Sayid iyo Karami, dalalka galbeedka ayaa Iran ku cadaadinaya inay joojiso fulinta xukunnada dilka ah.

Haseyeeshee todobaad kadib, garsoorka ayaa shaaciyay in la daldalay siyaasi u dhashay Iran, sidoo kalena haysta dhalasha Britain, Alireza Akbari. Waxa uu mar noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhigga ee Iran, waxaana lagu eedeeyay inuu u basaasay UK.

Cod laga soo duubay oo ay heshay BBC ayaa waxa uu Akbari ku dooday in la jirdilay si uu u qirto dambi aanu gelin.