Wadamada caalamka ee ilaa iyo haatan ku amray muwaadiniintooda in ay ka baxaan Iran

British Embassy in Tehran, Iran, August 23rd 2015

Xigashada Sawirka, EPA

    • Author, Maia Davies
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

UK ayaa si ku meel gaar ah ula baxday shaqaalaheeda safaaradeeda Tehran, iyadoo hanjabaada duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Iran ay keentay digniino dalal dhowr ah ay u jeedinayaan muwaadiniintooda ku sugan Bariga Dhexe.

Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa sheegay in ay tahay tallaabo taxaddar leh, safaaradda ay ku leedahay caasimadda Iran na ay shaqada ka sii wadi doonto meela kale. Waxay sidoo kale cusboonaysiisay hagitaankeeda safarka si talo uga bixiso "dhammaan safarka lama huraanka ah" ee Israel.

Dhinaca kale, safaaradda Maraykanka ee Israa'iil ayaa u sheegtay qaar ka mid ah shaqaalaha aan degdegga ahayn iyo qoysaskooda Jimcihii inay dalka ka bixi karaan.

Waxay ku soo beegantay maalin uun ka dib markii Washington iyo Tehraan ay yeesheen wadahadal si weyn loogu arkay dadaalkii ugu dambeeyay ee looga hortagayo dagaal ka dhasha hamiga Nukliyeerka Iran.

Dalal kale oo dhowr ah oo ay ku jiraan Shiinaha, India iyo Canada ayaa u sheegay muwaadiniintooda inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Iran sababo la xiriira rajada colaadeed.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay in tallaabo militari laga qaadi doono Tehran haddii aysan heshiis ka gaarin barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Waxa uu amar ku bixiyay in ciidamadiisa ugu badnaa ay geeyeen Bariga Dhexe tan iyo duulaankii uu Mareykanka ku qaaday Ciraaq sanadkii 2003, halka Iran ay wacad ku martay in ay si xoog ah uga jawaabi doonto weerarka.

Jimcihii, Safiirka Mareykanka ee Israa'iil Mike Huckabee ayaa kula taliyay shaqaalaha safaaradda ee raba inay Israa'iil ka baxaan "inay sidaas sameeyaan MAANTA", New York Times ayaa sidaas sheegtay.

Waxaa lagu soo waramayaa in email-ka uu ku sheegay "looma baahna in la argagaxo, laakiin kuwa doonaya inay baxaan, waxaa muhiim ah in la sameeyo qorshayaal ay ku dhoofaan si ka dhaqso badan".

War lagu soo qoray bogga safaaradda ayaa lagu sheegay in laga yaabo in ay ka fikiraan ka bixitaanka Israa'iil inta ay jiraan duulimaadyo ganacsi.

Waxay ku soo beegantay maalmo ka dib markii dowladda Mareykanka uu ku amaray dhammaan shaqaalaha aan muhiimka ahayn inay ka baxaan safaaradda ay ku leeyihiin caasimadda Lubnaan ee Beirut, ka dib dib u eegis dhanka ammaanka ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio uu u safri doono Isreal maalinta Isniinta, halkaas oo la filayo inuu kula kulmo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Rubio ayaa ka wada hadli doona "mudnaan gaar ah oo gobolka ah" oo ay ku jirto Iran, afhayeen ayaa yiri.

.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa ka shakisan in Iran ay u dhaqaaqeyso sameynta hubka Nukliyeerka, arrintaas oo Tehran ay waligeed beenin jirtay.

Iran ayaa sheegtay in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay mid loogu tala galay oo kaliya arrimo nabadeed, inkastoo ay sanadihii ugu dambeeyay tayeysay Uranium-ka ilaa heer ku dhow heerka hubka.

Waxay ku andacoonaysaa in hawlaheeda kobcintu uu joogsaday ka dib markii Maraykanku uu duqeeyay saddex ka mid ah goobihiisa Nukliyeerka bishii June, isaga oo ku biiray dagaalka Tehraan ee Israa'iil.

Trump waxa uu sheegay in ay "baabi'iyeen" xarumihii.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa sheegtay Jimcihii in loo diiday in la galo goobaha lagu tayeeyo Yuraaniyaamka, taas oo ay ku tilmaantay mid walaac sii kordhaysa.

Warbixin sir ah oo ay siisay dalalka xubnaha ka ah, Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in shaqaalaheeda ay kormeeraan goobaha Nukliyeerka iyadoo aan dib loo dhigin.