Iiraan oo beenisay hadal uu Maraykanka ka sheegay

Iran

Xigashada Sawirka, Valentin Flauraud / AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Saddex maalmood ka dib wadahadalkii Iran iyo Mareykanka ee Geneva, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in inta lagu guda jiray wadahadalka, cidina aysan Iran usoo jeedin in la joojiyo tayeynta Yuraaniyaamta, sidoo kalena Maraykanku uusan dalban gabi aahaanba joojinta tayeynta.

Cabbaas Araqchi ayaa u sheegay telefishinka Mareykanka ee MSNBC "waxa aan hadda ka wada hadlayno waa sidii loo xaqiijin lahaa in barnaamijka Nukliyeerka Iran, oo ay ku jirto tayeynta, uu noqdo mid nabdoon oo weligiis nabad ah, iyo in Iran ay qaado tillaabooyin lagu dhisayo kalsoonida, iyo in cunaqabateyntana laga qaado."

Saraakiisha Mareykanka ayaa marar badan ku celceliyay in ay tahay in la joojiyo tayeynta Yuraaniyaamka Iran, sidoo kale barnaamijka gantaalada Iran iyo taageerada ay siiso kooxaha mandiqadda ku sugan in lagu daro ajandaha wada xaajoodka.

Wadahadal cusub oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka oo hakad galay kadib dagaal socday 12 maalmood, ayaa labo todobaad ka hor bilowday iyada oo ay dhex dhexaadinayso Cumaan. Hal wareeg oo wadahadal ah ayaa ka dhacay magaalada Muscat ee caasimadda dalka Cumaan, waxaana wareegii labaad uu ka dhacay qunsuliyadda Cumaan ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Saraakiisha Iran ayaa ku dhawaaqay intii uu socday wadahadalka Geneva inay diyaar u yihiin inay sii joogaan magaalada "maalmo iyo toddobaadyo" iyada oo ujeedadu tahay in la dardargeliyo heshiis suurtagal ah. Si kastaba ha ahaatee, saacado ka dib ku dhawaaqista diyaar garow, wada-hadallada ayaa dhammaaday, waxaana lagu dhawaaqay in Iran ay jawaab qoraal ah u gudbiso Maraykanka muddo ku siman laba toddobaad.

Iiraan

Xigashada Sawirka, AFP

Iyadoo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in Maraykanku "ay tahay inuu heshiis macno leh la galo Iran" uuna ku dhawaaqay inay kala caddaan doonto "10 ilaa 15 maalmood ee soo socda" go'aanka uu ka qaadan doono Iran, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay "ma jiro waqti kama dambays ah."

"Waxaan ka wada hadalnay sidii aan heshiis deg deg ah ku gaari lahayn, heshiis deg-deg ah ayaa ah mid labada dhinac ay daneynayaan, sida aad ogtihiin waxaa na saaran cunaqabateyn, sida aad ogtihiin maalinba maalinta ay ka dhawdahay ee cunaqabateynta nalaga qaadi karo, waa nooga sii wanaagsan tahay tan kale, marka ma jirto sabab aan dib u dhigno heshiis suurtagal ah ama waqti aan lumino, ma lihin wax ujeedo ah oo aan sidaas u sameyno gabi ahaanba," ayuu yiri Mr. Araghchi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa yiri "Waxaan faray kooxdayda inay ka shaqeeyaan dhinacyo kala duwan oo heshiis suurtagal ah."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa uu sheegay in ujeedadaas awgeed uu si toos ah ula xiriirayo Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Tamarta Atoomikada Caalamiga ah, Steve Whitakoff, ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka, Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Madaxweyne Trump.

Mr. Araqchi ayaa yiri: "Sida uu sheegay madaxweyne Trump, waxaan aaminsanahay in heshiis cadaalad ah oo loo siman yahay la gaari karo, laakiin waxaan u baahanahay xoogaa hal-abuurnimo iyo dabacsanaan labada dhinac ah si aan heshiis u suurtagelino, ma jiro xal kale oo arrintan lagu xallin karo."

Maraykanka ayaa ciidamo badan oo militari ah u diray bariga dhexe, waxaana madaxweynaha dalkaasi uu ku hanjabay in wax xun ay dhici doonaan hadii ay heshiis ay la gaari waayaan Iran.

Iran ma ogola in kormeerayaasha hay'adda caalamiga ah ee Atoomikada (IAEA) ay booqdaan goobaheeda la duqeeyay tan iyo markii uu bilowday dagaalka 12-ka maalmood socday. Agaasimaha guud ee IAEA waxa uu sheegay in haddii siyaasaddan ay sii socoto, laga yaabo inuu caddeeyo in Iran aanay si sax ah u fulinayn heshiiska Nukliyeerka.

Maalmihii ugu dambeeyay ee dagaalka, Mareykanka wuxuu ku biiray Israa'iil wuxuuna duqeeyay xarumaha Nukliyeerka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee Natanz, Isfahan, iyo Fordow.