Ingiriiska oo saldhigyadiisa u diidday Maraynku in uu ka weeraro Iran

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dowladda Ingiriiska ayaan oggolaansho u siin Maraykanka in uu adeegsado saldhigyada milatari ee UK, si looga taageero duqeymo suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan, sida ay ogaatay BBC.

Maraykanku hore ayuu u adeegsaday saldhigga RAF Fairford ee gobolka Gloucestershire iyo Jasiiraada UK bannaanka ku leedahay ee Diego Garcia si uu u fuliyo hawlgallo ka dhacay Bariga Dhexe.

Wargeyska The Times ayaa sheegay in dhaleeceyntii ugu dambeysay ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku saabsanayd heshiiskii Ra'iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ee wareejinta Jasiiradaha Chagos lagu wareejiyey Mauritius sida ooo kalena lagana kiraynayo saldhig wadajir ah oo UK–US ah oo halkas, ay ka dambeysay markii UK ay diiday oggolaanshaha adeegsiga saldhigyada.

Afhayeen u hadlay dowladda UK ayaa yiri: "Sida caadiga ah, kama faalloonno arrimaha hawlgal khuseeya."

Maraykanku wuxuu cadaadis ku saarayaa Iiraan inay oggolaato xaddidaadda barnaamijkeeda nukliyeerka, isaga oo ku hanjabay duqeymo haddii aysan sidaas yeelin, isla markaana u raray Bariga Dhexe maraakiib dagaal, diyaarado iyo qalab kale, si uu ugu diyaar garoobo suurtagalnimada weerar dhici kara.

Isla mar ahaantaana, warar ayaa sheegaya in horumar laga sameeyay wadahadallada u dhexeeya wafdiyada Maraykanka iyo Iiraan ee ka socda Switzerland. Khamiistii, Trump wuxuu sheegay in dunidu ogaan doonto "10-ka maalmood ee soo socda" in heshiis la gaadho iyo in kale ama tallaabo milatari la qaadayo.

Afhayeenka dowladda UK ayaa isna sheegay: "Waxaa socda geeddi-socod siyaasadeed oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, kaasoo UK ay taageerayso. Iiraan waa inaysan waligeed awood u yeelan inay horumariso hub nukliyeer ah, mudnaantayaduna waa amniga gobolka."

Starmer ayaa kula hadlay dhanka Telefoonka Trump Talaadadii, kaddib markii dowladda Maraykanku si rasmi ah u taageertay heshiiska Chagos. The Times ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen qorshaha Trump ee ku aaddan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyada oo Trump uu maalintii xigtay dhaliilay heshiiska Chagos.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dad xog-ogaal ah ayaa aaminsan in diyaargarowga Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Pentagon) ee weerarro suurtagal ah oo laga yaabo in laga qaado Jasiiradda Diego Garcia ay beddeleen fahamka Trump ee muhiimada jasiiradda ugu weyn Jasiiradaha Chagos.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, Trump wuxuu sheegay: "Haddii Iiraan go'aansato inaysan heshiis gelin, waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto in Maraykanku adeegsado Diego Garcia iyo garoonka diyaaradaha ee RAF Fairford si loo tirtiro hanjabaad ka imaan karta nidaam aan degganayn oo khatar ah."

Sannadkii hore, midkoodna RAF Fairford ama Diego Garcia looma adeegsan duqeymihii Maraykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iiraan. Xilligaas, ilo sare oo ka tirsan difaaca UK ayaa sheegay in Washington aysan dalban oggolaansho.

Saldhigyada RAF Fairford iyo kuwo kale oo UK ku yaal ayaa ugu dambeyn la adeegsaday horraantii sanadkan si loo taageero hawlgal lagu qabtay markab shidaal oo la diiwaangeliyay oo loo yaqaan Bella 1, hawlgalkaas oo ay UK si buuxda u taageertay, isla markaana wasiirradu ku sheegeen mid waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Su'aalaha la xidhiidha sharciga caalamiga ah ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan go'aanka UK haddii ay taageerto tallaabo milatari oo Maraykanku ka qaado Iiraan. Sida ku cad heshiis muddo dheer jiray, Maraykanku waa inuu marka hore dalbadaa oggolaansho si uu u adeegsado saldhig kasta oo milatari oo UK leedahay.

Marka loo eego sharciga caalamiga ah, lama kala saaro waddan fuliyay weerar iyo waddan taageeray, haddii kan dambe uu "ogaa duruufaha ku xeeran adeegsashadaas haddii ay tahay sharci jebin caalami ah."

Bishii Janaayo, Tifaftiraha Siyaasadda ee BBC, Chris Mason, ayaa Starmer weydiiyay inuu taageerayo weerar suurtagal ah oo Maraykanku ku qaado Iiraan. Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu ku jawaabay inuu la shaqeynayo xulafada si looga hortago Iiraan inay horumariso hub nukliyeer ah isla markaana ay laayaan dibadbaxayaasha xorriyad doonka ah.

Isagoo ka falcelinaya arrimahan, hoggaamiyaha Xisbiga Liberal Democrats, Ed Davey, ayaa sheegay: "Hadda waa cadahay in Donald Trump uu isku dayayo inuu ku cadaadiyo dowladdu inay oggolaato in saldhigyada UK sida Diego Garcia loo adeegsado tallaabo milatari oo kali ah."

Wuxuu intaas ku daray: "Keir Starmer waa in uu u istaagaa si adag, una oggolaadaa Baarlamaanka in uu codeeyo adeegsiga saldhigyada UK ee ciidamada Maraykanka."