Muwaadiniin British ah oo la xidhay ayaa BBC uga warramay nolosha xabsiga Iiraan saacado ka hor inta aan lagu xukumin.

Xigashada Sawirka, PA Media
Haweeney British ah oo ay Iiraan xidhay ayaa u sheegtay BBC in ay adkayd in ay sii ahaato mid niyad wanaagsan iyada oo ku jirta gudaha xabsiga, saacado ka hor inta aan iyada iyo seygeeda lagu xukumin 10 sano oo xabsi ah eedeymo basaasnimo awgood.
Lindsay iyo Craig Foreman ayaa la xidhay Janaayo 2025 iyagoo marayay Iiraan intii ay ku jireen safar mooto oo ay ku wareegayeen dunida.
Wareysi telefoon oo dhif ah oo ay ka bixisay xabsiga Evin ee Tehran, Lindsay waxay ku tilmaantay xirnaanshahooda "imtixaan dulqaad oo maskaxeed", waxayna sheegtay in ku jiritaanka xabsigu uu saameyn jidheed ku yeeshay.
Lammaanaha oo diiday eedeymaha loo soo jeediyay kama aysan hadlin tan iyo markii xukunka lagu riday, balse wiilkooda ayaa ku tilmaamay go'aankaas mid "qalbi jab ah".
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Yvette Cooper, ayaa ku tilmaantay xukunka "mid aad u fool xun oo gebi ahaanba aan wax cudurdaar ah lahayn".
Lindsay waxay sheegtay in iyada iyo seygeedu ay warqad u direen masuuliyiinta Iiraan si ay uga cawdaan sida loola dhaqmay, taas oo ay ku tilmaantay "isku day quus ah" oo ay caddaalad ku raadinayeen.
"Waxaan sameynay wixii aan kari karnay si aan u ixtiraamno nidaamkooda, uguna dulqaadanno habraaca sharci, anagoo aaminsan in dembi-la'aantayadu soo bixi doonto, balse arrintu sidaas uma muuqato," ayay ku tiri khadka taleefoon oo codkiisu go'go'ayey.
Waxay sheegtay inay doonayaan inay "adeegsadaan xaqooda ah in la maqlo" oo ay isticmaalaan nidaamka sharci ee Iiraan si ay u muujiyaan in waxa lagu sameynayo ay yihiin "caddaalad-darro iyo dulmi".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Xitaa marka la eego nidaamkiinna, waxaad jebinaysaan sharciyadiinna," ayay tiri intii lagu jiray wareysiga laga sii daayay barnaamijka Idaacadda BBC Radio 4 ee Today.
Wiilkooda Bennett wuxuu sheegay in aanay jirin wax caddeyn ah oo ay maamulka Iiraan soo bandhigeen oo muujinaya basaasnimo, wuxuuna ugu baaqay dowladda Britain inay "qaaddo tallaabooyin go'aan leh oo ay adeegsato dhammaan waddooyinka suurtagalka ah" si dib loogu soo celiyo dalkooda.
Lammaanaha ayaa hore uga soo muuqday maxkamad ku taalla Tehran bishii Oktoobar, taas oo socotay saddex saacadood, loomana oggolaan inay isdifaacaan.
Qoyska ayaa sheegay in xukunka uu ku dhawaaqay garsoore ka tirsan laanta 15-aad ee Maxkamadda Kacaanka ee Tehran.
Lammaanahan ka soo jeeda Sussex, oo labaduba ku jira da'dooda kontomeeyada, ayaa 13 bilood ku qaatay xaalado adag, sida uu hore u sheegay Bennett, isagoo intaas ku daray inay ku hareeraysnaayeen "wasakh, cayayaan iyo rabshado", isla markaana ay miisaan jidheed luminayeen.
Waxa lagu kala hayaa laba qaybood oo kala duwan oo ka tirsan xabsiga Evin, oo muddo dheer lagu dhaliilayay jirdil iyo xaalado ka baxsan bini'aadantinimada in ay ka dhacaan. Waxaa la sheegay in halkaas lagu hayo kumannaan maxbuus, oo ay ku jiraan wariyayaal iyo maxaabiis siyaasadeed.
Bennett wuxuu sheegay in qareennada lammaanaha ee Iiraan ay caddeeyeen in aanay jirin sal sharci ah oo dacwad lagu furi karo, balse codsiyadoodii dammaanad sii deyn ah la iska indhatiray.
Lammaanaha Foreman ayaa hore uga soo muuqday dhageysi maxkamadeed oo saddex saacadood qaatay oo ka dhacay Tehran bishii Oktoobar, loomana oggolaan inay isdifaac sameeyaan.

Xigashada Sawirka, Google
Qoyska ayaa sheegay in garsoore uu xukunka ka akhriyay laanta 15-aad ee Maxkamadda Kacaanka ee Tehran.
Lammaanahan ka soo jeeda Sussex, oo labaduba ku jira da'dooda kontomeeyada, ayaa 13 bilood ku qaatay xaalado aad u adag, sida uu hore u sheegay Bennett, isagoo intaas ku daray in ay ku hareeraysnaayeen "wasakh, cayayaan iyo rabshado", isla markaana ay miisaan luminayeen.
Lamaanahan waxaa lagu kala hayaa laba qaybood oo kala duwan oo ka tirsan xabsiga Evin, oo muddo dheer lagu dhaliilayay eedeymo la xidhiidha dil iyo xaalado ka baxsan bini'aadantinimada. Waxaa la sheegay in halkaas lagu hayo kumannaan maxbuus, oo ay ku jiraan wariyayaal iyo maxaabiis siyaasadeed.
Bennett wuxuu sheegay in qareennada lammaanaha ee Iiraan ay si cad u muujiyeen in aanay jirin sal sharci ah oo dacwad lagu furi karo, balse codsiyadoodii dammaanad lagu sii deyn lahaa la iska indhatiray.
Wuxuu sidoo kale sheegay in xaaladda hooyadiis iyo aabbihiisii korsaday ay ku reebtay "walbahaar daran", isla markaana uu marar badan ku cadaadiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta ee Britain inay ka caawiso.
Wuxuu sheegay in qoyskoodu dareemayo in dowladdu "ka tagtay", isla markaana waraaqihii uu u diray ra'iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda aan wax jawaab ah laga bixin.
Iyadoo ka jawaabaysa xukunka, Cooper waxay tidhi: "Waxaan si hagar la'aan ah arrintan ugala shaqeyn doonnaa dowladda Iiraan ilaa aan ka aragno Craig iyo Lindsay Foreman oo si nabad ah ugu soo laabtay UK isla markaana la midoobay qoyskooda.
"Inta ka horreysa, badqabkoodu waa mudnaantayada koowaad, waxaana sii wadi doonnaa inaan siino taageero qunsuliyadeed iyaga iyo qoysaskooda."
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa muddo dheer ka digaysay in loo safro dalka Iiraan, iyadoo uga digtay muwaadiniinta British-ka ah iyo kuwa leh laba dhalasho (British iyo Iiraani) in hayashada baasaboorka Britain ama xiriir kasta oo ay la leeyihiin UK ay keeni karto in la xiro.
Sanadihii u dambeeyay, Iiraan waxay xidhay tobanaan qof oo Iiraaniyiin ah oo leh laba dhalasho ama deggenaansho joogto ah oo dalal shisheeye ah, badankoodna lagu eedeeyay basaasnimo iyo arrimo amni qaran. Ugu yaraan 15 ka mid ah ayaa xiriir la lahaa UK.
Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in inta badan loo hayo si cadaadis ama gorgortan loogu adeegsado, isla markaana la sii daayo oo keliya marka Iiraan wax ay rabto hesho.
Muwaadiniin British-Iiraani ah, Nazanin Zaghari-Ratcliffe iyo Anoosheh Ashoori, ayaa la sii daayay 2022 waxaana loo oggolaaday inay ka baxaan Iiraan kadib markii UK ay bixisay deyn muddo dheer lagu muransanaa oo dhan 650 milyan oo gini oo ay ku lahayd Iiraan.
Muwaadiniin Faransiis ah Cécile Kohler, Jacques Paris iyo Olivier Grondeau, iyo muwaadinad Jarmal ah Nahid Taghavi, ayaa dhammaantood laga sii daayay xabsiyada Iiraan kadib cadaadis joogto ah oo ay dowladahoodu saareen, sida ay qoysaskoodu sheegeen.
BBC-da ayaa hore loo sheegay in laga yaabo in lammaanahan loo adeegsado kaarar gorgortan oo u dhexeeya Iiraan iyo dalalka reer galbeedka, iyadoo la rejeynayo in heshiis la gaadho xilli la isku dayayo in la hagaajiyo xidhiidhka Iiraan.
Talaadadii, Iiraan waxay sheegtay inay la gaadhay Mareykanka "mabaadi' aasaasi ah" oo lagu xallinayo muranka ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.
Kulankaas wuxuu dhacay kadib markii Mareykanku ku celceliyay hanjabaado milatari oo la xiriira tallaabooyinka adag ee Iiraan ka qaaday mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda.
Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in ugu yaraan 6,000 oo qof lagu dilay mudaharaadyada ka dhanka ahaa dowladda iyo sicir-bararka sare, halka kumannaan kale oo dhimasho ah weli baaritaanno lagu wado.












