TOOS, Iiraan oo ka dalbatay Qaramada Midoobey inay tallaabo qaaddo si looga hortago hanjabaadaha milatari ee Donald Trump.

Trump ayaa ku celceliyay hanjabaado ku saabsan in Iiraan ay la kulmi doonto wax xun haddii aaney heshiis la gaarin Mareykanka kaas oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Askar dad rayid ah laysay oo xukunno lagu riday

    Askar

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Saddex askari oo u dhashay dalka Cameroon ayaa lagu xukumay xabsi kaddib markii lagu helay inay ka qayb qaateen dilka ugu yaraan 21 qof oo rayid ah oo ka dhacay gobolka ku hadla luuqadda Ingiriisiga ee dalkaas.

    Dambigaas waxaa uu lix sano ka hor ka dhacay gobolka North West, waxaana mid kasta lagu xukumay xabsi u dhexeeya shan ilaa toban sano.

    Maxkamad ciidan ayaa horay ugu heshay dambiyo ay ka mid yihiin dil, gubid iyo burburin, arrin dhif ku ah dalkaas oo askarta si yar loogu xukumo dambiyada ka dhanka ah rayidka.

    Si kastaba, qareennada matalayay dhibbanayaasha ayaa u sheegay BBC inay ka niyad jabeen muddada xukunka, iyagoo ku tilmaamay “mid aan macquul ahayn.”

  2. Trump oo ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Sare ay ku joojisay canshuuraha caalamiga ah "mid ceeb ah".

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa joojisay canshuuraha caalamiga ah ee uu soo rogay Madaxweyne Donald Trump ee dhaqaalaha.

    Maxkamadda Sare ayaa cod aqlabiyad ah 6-3 ku go’aamisay in canshuurahaasi aan la ansixin.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore soo rogay canshuuro u dhaxeeya 10% ilaa 50%. Wuxuu canshuurahan soo rogay isagoo adeegsanaya International Emergency Economic Powers Act of 1977.

    Trump wuxuu sheegay in canshuurahan ay ka faa’iidi doonaan warshadaha Mareykanka isla markaana ay kobcin doonaan ganacsiga gudaha.

    Bishii Agoosto 2025, maxkamad racfaan oo Maraykanku leeyahay ayaa sheegtay in inta badan canshuuraha Trump ay sharci darro yihiin, balse aysan meesha ka saarin. Madaxtooyadu waxay racfaan ka qaadatay go’aankaas iyada oo Maxkamadda Sare u gudbisay, isla markaana sheegtay in canshuurahaasi sharci darro yihiin.

  3. Degdeg:Safarkii ugu dheeraa ee aadane ku tago hawada sare oo bilaabanaya

    Hawada Sare

    Hay'adda Mareykanka u qaabilsan dhinaca hawada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno NASA, ayaa sheegtay in ay hiigsanayso Lixda ilaa toddobada bisha Maarso si ay u soo bandhigto shaqaale ku wareegaya Dayaxa markii ugu horreysay muddo ka badan 50 sano, taasoo noqon doonta safarkii ugu dheeraa ee aadanaha uu ku tago hawada sare.

    Hawlgalka Artemis II waxaa lagu arki doonaa afar cirbixiyeen oo bilaabaya safar 10 maalmood ah oo ku wareegaya dhinaca fog ee Dayaxa oo dib ugu soo laabanaya Dhulka, taasoo u gogol xaaraysa inay mustaqbalka ku degaan dayaxa.

    Nasa waxay dejisay taariikhda la bilaabayo ka dib markii ay si guul leh u samaysay "tijaabo wax ku ool ah ".

    Waxay ahayd isku daygii labaad ee kooxda Artemis ay ku sameeyaan tababar ka dhacay Xarunta Hawada Sare ee Kennedy ee Florida.

  4. War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan Iiraan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Kevin Dietsch/Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu ka fiirsanayo weerar milatari oo xaddidan oo lagu qaado Iran haddii aan heshiis laga gaarin barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.

    Wariye ayaa weydiiyay haddii uu “ka fiirsanayo weerar milatari oo xaddidan haddii aan heshiis lala gaarin Iran,” Mr. Trump ayaa si kooban uga jawaabay: “Inta ugu badan ee aan dhihi karo waa inaan arrintan baarayo.”

    Mr. Trump ayaa hore uga digay Iran, isagoo u qabtay 10 ilaa 15 maalmood si loo gaaro heshiis macno leh, isla markaana ku hanjabay in “waxyaabo xun” ay dhici karaan haddii heshiis aan la gaarin.

    Arrintan waxay ku soo beegmaysaa xilli mala-awaalka ku saabsan tallaabo milatari oo Maraykanku ka qaado Iran uu sii kordhayo, sababo la xiriira hawlgelinta ciidamada Maraykanka ee gobolka.

    Jimcaha maanta ah , markabki dagaalka ee USS Gerald R. Ford ayaa galay biyaha Mediterranean-ka, halka USS Abraham Lincoln, dhowr gantaal oo kwa wax burburiya ah , diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha kormeerka lagu geeyay Bariga Dhexe toddobaadkii la soo dhaafay.

  5. Xamaas oo si qarsoodi ah u dooranaysa hoggaamiye cusub

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, AFP

    Xamaas ayaa doorashooyin qarsoodi ah ka wada qaybo ka mid ah Qasa Qasa, Daanta Galbeed iyo Dooxada Urdun, iyadoo lagu dooranayo xubno Xamaas ka tirsan, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan kooxda.

    Natiijooyinka doorashadu waxay muujin karaan nooca hoggaamineed ee kooxda qorsheyneyso, gaar ahaan iyadoo Maraykanka iyo dhexdhexaadiyayaal kale ka wadahadlayaan sida loo maamuli doono Qasa mustaqbalka ka dib dagaalka.

    Doorashadu waxay ku soo beegmeysaa ka dib markii inta badan hoggaamiyeyaashii sare ee Xamaas lagu dilay duqeymo Israa’iil ay gaysatay, kadib markii Xamaas 7-da Oktoobar 2023-kii, ay Israa’iil ku qaadday weerar dagaalkii ka dhashay uu weli socdo.

    Sarkaalka ayaa sheegay in dadka ku nool Qasa ay codkooda si qarsoodi ah u dhiibanayaan, balse ma cadda in habka codbixinta meelaha kale la dhammeeyey.

    Hoggaamiyaha cusub ayaa dhawaan la shaacin doonaa, kaasoo xilka haynaya muddo hal sano ah.

  6. Ruushka oo ku biiray dalalka walaac ka qaba xiisadda Bariga Dhexe

    Iiraan iyo Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqay, iyadoo adeegsanaysa barteeda Telegram, in wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov uu la hadlay dhiggiisa Iiraan, Cabbaas Caraqji, uuna kala arrimaha ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa shalay sheegay in weerar uu Maraykanku ku qaado Iiraan uu yeelan doono cawaaqib culus.

    Waxa kale oo uu yiri: “Si dhow ayaan ula socdaa jawaabta dalalka Carabta ee Khaliijka ku yaalla ee gobolka. Qofna ma doonayo in xiisadda la sii kiciyo. Qof walba wuu ogyahay in tani ay la mid tahay dab lagu ciyaarayo.”

    Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, kororka xiisaddu wuxuu tirtirayaa saamayntii tallaabooyinka wanaagsan ee la qaaday sannadihii u dambeeyay, oo ay ku jirto hagaajinta xiriirka deriska Iiraan, gaar ahaan Sucuudiga.

  7. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Iiraan iyo Masar oo ka wada hadlay xiisadda Bariga Dhexe

    Masar iyo Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji ayaa taleefoon kula xiriiray dhiggiisa Masar, Badr Abdel Atti, isaga oo la wadaagay xog ku saabsan geeddi-socodka wadaxaajoodyada socda ee lala leeyahay Mareykanka.

    Intii lagu jiray wada hadalkaas taleefoonka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sameeyo qaab-dhismeed wada hadal oo lala yeesho Washington, qaab ku saleysan “ixtiraam wadajir ah iyo dano wadajir ah.”

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa isna muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado wada-tashiga iyo iskaashi joogto ah si loo gaaro heshiis ay ku wada qanacsan yihiin Iiraan iyo Mareykanka.

  8. War deg deg ah, Xiisadda Bariga Dhexe oo saameysay suuqayada Aasiya oo hoos udhac weyn laga dareemay

    Saamiyada suuqyada Aasiya ayaa hoos u dhacay Jimcaha maanta ah, iyadoo xiisadaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe ay sii kordhayso taasoo sare u kac ku keentay qiimaha shidaalka, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu muujiyay suurtagalnimada tallaabo milatari oo ka dhan ah Iiraan haddii aan la gaarin “heshiis macno leh” oo ku saabsan wada-xaajoodyada nukliyeerka.

    Hadalladiisa ayaa kiciyay mowjad cusub oo walaac juqraafi-siyaasadeed ah oo ka dhex dhashay suuqyada caalamka.

    Suurtagalnimada khilaaf ka dhaca Bariga Dhexe ayaa toddobaadkan sare u qaadday qiimaha shidaalka, waxaana kororkaasi uu u muuqdaa mid sii siyaadaya iyadoo qiimuhu gaaray heer ku dhow kuwii ugu sarreeyay tan iyo bishii Juun.

  9. War deg deg ah, Iiraan oo ku dhawaaqday in mid ka mid ah diyaaradaheeda dagaalka ay burburtay

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Ciidanka Cirka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in diyaarad dagaal oo nooca F-4 ah ay ku burburtay intii ay ku jirtay duulimaad tababar oo habeen ahaa, taasoo sababtay dhimashada Kornayl Mehdi Firouzmand, oo ka mid ahaa labada duuliye ee saarnaa.

    Goobta ay ku burburtay diyaaraddan dagaalka ee Ciidanka Cirka Iiraan ayaa la sheegay inay ku taallay Gobolka Hamedan.

    Diyaaradda dagaalka ee F-4 badanaa waxa wada duuliya laba duuliye. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in duuliyihii labaad ee diyaaradda uu ka badbaaday shilka.

  10. Iiraan oo warqad u dirtay Qaramada Midoobey xilli xiisadda gobolka ay cirka isku shareertay

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, anadoluviagetty

    Warqad loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo wakiilka joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa lagu tilmaamay hadalladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Mareykanka kuwo jebinaya Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana lagu baaqay in hay’adda caalamiga ah ee ay tallaabo degdeg ah qaaddo.

    Maalmihii u dambeeyay, Donald Trump ayaa marar badan ka hadlay suurtagalnimada weerar militari oo lagu qaado Iiraan, isaga oo sheegay in haddii Tehran aysan aqbalin shuruudaha Mareykanka, ay la kulmi doonto cawaaqib adag.

    Warqad ku taariikhaysan Khamiis, 19-ka Febraayo ayaa Amir Saeed Irvani wuxuu u diray Antonio Guterres, isaga oo ku yiri: “Madaxweynaha Mareykanka gaar ahaan, fariin uu ku daabacay baraha bulshada 18-kii Febraayo 2026, si cad oo aan qarsooneyn ayuu ugu hanjabay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan adeegsiga xoog, isaga oo sheegay: ‘Haddii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan go’aansato inaysan gaarin heshiis, Mareykanku waxaa laga yaabaa inuu ku qasbanaado inuu adeegsado saldhigga Diego Garcia iyo garoonka diyaaradaha ee ku yaalla Fairford si loo sameeyo weerar suurtagal ah oo Iiraan ka dhan ah.’”

    Isaga oo tixraacaya hadalladan iyo hanjabaado kale oo ka yimid madaxweynaha Mareykanka, kuwaas oo ku soo beegmaya xilli maraakiibta waaweyn oo Mareykanku leeyahay lagu daad-gureyay gobolka, Irvani wuxuu ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa Golaha Ammaanka inay tallaabo qaadaan “ka hor inta aanay xeero iyo fandhaaal kala dhcin.”

    “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay ka codsanaysaa Mudanaha iyo dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka, iyaga oo ku shaqaynaya mas’uuliyadda koowaad ee Golaha ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah, inay si buuxda u adeegsadaan dhammaan awoodahooda iyo dadaalladooda si loo hubiyo in Mareykanka si degdeg ah u joojiyo hanjabaadihiisa sharci-darrada ah ee ku saabsan adeegsiga xoogga, isla markaana uu u hoggaansamo waajibaadkiisa ku cad Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan Qodobka 2(4).”

    Wakiilka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xusay “daacadnimada” Iiraan ee wada-xaajoodyada ay la leedahay Washington, wuxuuna warqaddiisa ku qoray in, sida uu arko, haddii dhinaca Mareykankuna muujiyo daacadnimo, “gaaritaanka xal waara oo dheellitiran ay gebi ahaanba suurtagal noqon doonto.”

  11. War deg deg ah, Dalalkii Caalamka oo bilaabay in ay Bariga Dhexe kala baxaan ciidamadooda

    Afhayeen u hadlay Ciidamada dalka Norway ayaa ku dhawaaqay in dowladda dalkaasi ay go’aansatay inay dib ugala baxdo Baroga Dhexe ku dhowaad 60 ka mid ah askarteeda, sababo la xiriira xaaladda amni iyo xiisadaha ka jira halkaas.

    Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadan dib loogu soo celin doono Norway, halka qaar kalena loo wareejin doono dalal kale oo isla gobolkaas ku yaalla si loo geeyo goobo ammaan ah.

    Shalay ayay ahayd markii dowladda Jarmalku ay iyana ku dhawaaqday in ciidamada ka jooga Bariga Dhexe ay kala baxayso halkaas, sababo la xiriira xiisadda sii kordhaysa.

  12. Howlgal ciidamada sameeyeen oo lagu qabtay nin 64 jir ah oo sameeya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn

    Nigeria

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidanka Milatariga ee Nigeria ayaa sheegay in askartoodu ay xireen dhowr qof oo la shaqeynayay kooxda Boko Haram iyo nin sameeya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno drones-ka, iyagoo sii wada howlgallada lagu carqaladeynayo falalka argagixiso ee ka socda gobollada Adamawa iyo Borno.

    Farriin uu milatarigu ku daabacay boggiisa X ayuu ku sheegay in qabashada lagu guuleystay ay suurtagashay kadib markii ay iskaashi la sameeyeen ilaalada deegaanka iyo ugaarsato.

    Milatarigu wuxuu Khamiistii sheegay in askartu ay qabteen Ismaaciil Muxamed, oo 28 jir ah, deegaanka Visik ee degmada Hong, halkaas oo laga helay qori, hub kale, qalab milatari iyo agabyo cunto oo kala duwan oo uu watay.

    Ciidanku waxay sheegeen in lagu hayo xabsi si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

    Milatarigu sidoo kale wuxuu sheegay in howlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Madagali lagu dilay Cabdullaahi Mafa, oo ahaa hoggaamiye koox burcad ah, intii lagu jiray weerar ka dhacay hareeraha webiga Visik.

    “Intaa waxaa dheer, askartu waxay qabteen nin lagu magacaabo Dauda Usman Gubula, 64 jir ah, kaas oo argagixisada siinayay diyaarado aan duuliye lahayn si ay weerarro ugu qaadaan askarta,” ayaa lagu yiri qoraal la soo saaray.

    Milatarigu wuxuu intaas ku daray in askartu ay fashiliyeen weerar ay maleegayeen rag hubeysan oo ka dhacay Ngamdu, gobolka Borno, isla markaana ay dileen qof xog-ogaal ahaa oo isku dayay inuu jebiyo xayndaabka ammaanka.

  13. Trump oo sheegay in 10 maalmood gudahood la arki doono in Iran ay ogolaato heshiis ama 'ay balaayo dhacayso'

    USA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump woo u sheegay guddiga nabadda, in wadahadallada lala yeeshay Iran ay ahaayeen 'kuwa aad u wanaagsan' laakiin taariikh ahaan adag.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dunidu ay ogaan doonto "xilliga soo socda, malaha, 10 maalmood" haddii Mareykanku uu heshiis la geli doono Iran ama uu qaadi doono tallaabo milateri.

    Kulankii ugu horeeyay ee Golaha Nabadda ee Washington DC, Trump wuxuu ka sheegay wada xaajoodka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka: "Waa inaan sameynaa heshiis macno leh haddii kale waxyaabo xun ayaa dhacaya."

    Maalmihii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa awood militari ku soo kordhiyay Bariga Dhexe, halka horumar laga soo sheegay wada-hadalladii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iran ee ka dhacay Switzerland.

    Dowladda Iran ayaa u sheegtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in ay saldhigyada Mareykanka ee gobolka u arki doonto bartilmaameedyo sharci ah haddii loo adeegsado weerar kasta oo militari oo ka dhan ah Iran.

    Ergayga Qaramada Midoobay ee Tehran ayaa warqad uu u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ku sheegay in hadalada Trump ay muujinayaan khatarta dhabta ah ee weerar – balse waxa ay sheegeen in Iran aanay doonayn dagaal.

    Sharci-dajiyayaal xisbiga dimuqraadiga ah, iyo qaar ka mid ah Jamhuuriga, ayaa ka dhawaajiyay inay ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo millatari oo Iran ka dhici karta iyada oo aan oggolaansho laga helin Congress-ka.

    Hadaladiisa, Trump wuxuu ku xusay in Ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner, oo sidoo kale ah wiilka uu soddogga u yahay Trump, ay "kulamo aad u wanaagsan" la yeesheen Iran.

  14. Xamaas oo qabanaysa doorasha ay ku dooranayaan hoggaamiye ku meel gaar ah

    Gaza

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Khaled Meshaal, oo ka mid ah "Ciidamadii hore" ee Xamaas, oo horay u soo hogaamiyay kooxda, ayaa la sheegay inuu ka mid yahay kuwa ugu cadcad.

    Xamaas ayaa qabanaysa doorasha ah ku dooranayaan hogaamiye ku meel gaar ah oo cusub, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo Falastiini ah oo xog-ogaal u ah arrimaha kooxda hubaysan.

    Codbixinta ayaa ka socota guud ahaan Qaza, Daanta Galbeed ee la haysto iyo xubnaha Xamaas ee joogo meelo kale.

    Natiijada ayaa laga yaabaa in ay tilmaanto jihada dhaqdhaqaaqa uu doonayo inuu qaado - gaar ahaan sida Maraykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha kale oo ka wada hadlaya maamul uu yeesho Qaza dagaalka ka dib kaas ku aadan dadaallada dib u dhiska iyo xaaladda mustaqbalka ee kooxaha hubaysan ee halkaas.

    Doorashadan ayaa timid ka dib markii inta badan hoggaanka sare ee Xamaas lagu dilay duqaymaha Israa'iil ka dib weerarradii kooxdan ay ku qaadday Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, oo ay ku dhinteen ilaa 1,200 oo qof, 251 kalena ay qafaasheen.

    Dadka ku nool Qaza ayaa horey codkooda u dhiibtay si qarsoodi ah, sida laga soo xigtay ilo-wareedka, laakiin ma cadda in geeddi-socodku meel kale lagu soo gabagabeeyey. Marka lagu dhawaaqo, hoggaamiyaha cusub wuxuu xilka hayn doonaa muddo sannad ah.

    Xamaas ayaa maamusha Marinka Qaza, waxaana sanadihii ugu dambeeyay ay taageero sii kordheysay ku lahayd Daanta Galbeed, inkastoo dhaqdhaqaaqooda ay si weyn u xanibeen ciidamada Israel iyo ciidamada ammaanka maamulka Falastiin.

  15. Guriga Andrew oo la baarayo iyo wararkii ugu dambeeyay ee xarigiisa

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Andrew Mountbatten-Windsor ayaa la sii daayey ayadoo uu baaritaan ku socdo, ka dib markii la xiray sababo la xiriira shaki salka ku haya six un u isticmaalid xafiis dawladeed.

    Subaxnimadii Khamiista ayaa booliska Thames valley waxay sheegeen inay xireen nin ku jira da'aadda lixdameeyada oo ay ka soo qabteen Norfolk, waxayna wadeen baaritaan ay ka samaynayeen adareesyo ku yaalla Berkshire iyo Norfolk.

    Boqor Charles-ka 3aad ayaa yiri "sharcigu waa inuu shaqeeyo" isagoo ka jawaabayey xarigga Andrew, booliskana wuxuu sheegay "inay haystaan taageeradiisa iyo wadashaqayntiisa kal iyo laabta ah".

    Boolisku waxay goor sii horreysay sheegeen inay ka baaraan degayaan in baaritaan lagu sameeyo Andrew asbaabo la xiriira ku xirnaanshihiisii Jeffret Epstein , ayna dib u eegayaan eedeymaha sheegaya inuu bixiyey macluumaad sir ah.

    Xiriirka dhex maray labada nin ayaa ka soo muuqday faylasha ay sii deysay xukuumadda Maraykanka.

    Hadal ay booliska Thames Valley soo saareen ayey ku xaqiijiyeen in ninkaas "la sii daayey ayadoo uu baaritaan ku socdo". Waxay intaa ku dareen in baaritaankii ay ka wadeen Norfolk uu hadda soo dhamaaday.

    Amiirkaas hore ayaa la soo sawiray isagoo saaran kursiga dambe ee gaari ka dib markii uu ka soo baxay saldhigga booliska ee Aylsham.

    Tani waa markii ugu horreysay ee la xiro Andrew. Wuxuu si isdabajoog ah u beeniyey in uusan samayn wax khalad ah.

    Booliska Thames Valley ayaa sheegay ka dib markii ay sameeyeen "qiimayn dhamaystiran" in hadda la furay baaritaan rasmi ah.

    Waxay kaloo sheegeen in horraantii Febraayo inay qiimaynayeen baaritaan kale oo aan midkan ahayn oo ku saabsan in haweeney uu u soo diray Epstein si ay ula galmooto Andrew sannadkii 2010. HAweeneyda oo aan British ahayn ayaa xilligaas ku jirtay da'da 20meeyada.

    BBC ayaa fahamsan in booliska Thames valley ay xiriir la sameeyeen xafiiska arrimaha gudaha ayagoo siiyey diginin hordhac ah ka hor intii aan la xirin Andrew Moutbatten-Windsor.

  16. Muxuu yahay xanuunka ku dhacay ninkan ee uu uga digay ragga?

    .

    Xigashada Sawirka, Anthony Perriam

    Qoraalka sawirka, .

    Aabe laba carruur ah leh ayaa ku dhawaaday inuu carrabkiisa waayo ka dib markii buro yar oo daanka hoostiisa ka soo baxay ay isu beddeshay kansar.

    Anthony Perriam wuxuu u tagay Dhakhtarkiisa Guud ka dib markii uu markii ugu horreysay isku arkay buro, dhowr toddobaad ka dibna waxaa laga helay kansar madaxa iyo qoorta ah oo la xiriira fayraska HPV.

    HPV waa koox fayras oo caadi ah oo saameeya maqaarka oo aan dhibaato ku keenin dadka badankood, laakiin noocyada qaarkood waxay sababi karaan kansar ama burooyinka xubnaha taranka.

    "Waxaan waligay maqlayey oo keliya HPV oo la xiriira kansarka ilmo-galeenka. Ma aanan ogeyn inay sababi karto kansarro sidan oo kale ah, gaar ahaan ragga," ayuu yiri Anthony, oo ka yimid Cardiff, Wales.

    Anthony wuxuu intaa ku daray "Waxaan isku arkaa inaan nasiib leeyahay in aan weli wax cuni karo oo hadli karo, laakiin haddii aan arrintan sii dayn lahaa muddo dheer, waxaan lumin lahaa carrabka ama xitaa waa dhiman lahaa."

    Dadka badanaa uu haleelo fayraska HPV, jirka ayaa si dabiiici ah isaga saara sida laga soo xigtay NHS Wales.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sababi kartaa burooyinka xubinta taranka ama xitaa waxay horseedi kartaa kansar, badanaa kansarka madaxa iyo qoorta ragga, iyo kansarka ilmo-galeenka dumarka.

  17. Jaajuuskii Mareykanka ahaa ee bixiyay sirta nuclear-ka ka dibna baxsaday

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    29-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1949-kii, Ruushka wuxuu noqday "waddankii labaad ee heysta hubka nuclear-ka", xilligaas oo uu midowgii soviet qarxiyay bambadii ugu horreysay uu ku tijaabinayay hubkiisa nuclear-ka.

    Tijaabadaas ayaa lama filaan ku noqotay waddamada reer galbeedka - sida ku xusan xog ay hayaan CIA-da Mareykanka.

    Sababtoo ah, Khubarada Mareykanka waxay markaas u maleynayeen in Ruushka uusan awood u yeelan karin soo saarista nuclear-ka ilaa laga gaaro sanadka 1953-kii.

    Balse arrinta la yaabka leh waxay ahayd in seynisyahan u dhashay Mareykanka, oo lagu magacaabi jiray Theodore Hall, uu ahaa qofkii xukuumadda Moscow ka caawiyay inay nuclear u sameysato si fudud, isagoo u gudbiyay macluumaad xasaasi ah.

    Waa run in Theodore Hall uusan ahayn muwaadinka kaliya ee Mareykanka ee cadowga siiyay sirta hubka nuclear-ka, laakiin waxa sheekadiisa khaaska ka dhigaya waa in uu noqday qofka kaliya ee sidaas sameeyay haddana baxsada.

    Marka waxaan eegeynaa sida uu seynisyahanka ku dhashay magaalada New York ku noqday Jaajuuska.

    Wax si iskiis ah u dhacay ma ahayn in Bambadii nuclear-ka ee ay Ruushka tijaabiyeen ay noqotay mid leh awoodda ay lahayd bambadii lagu magacaabay 'ninka buuran' ee uu Mareykanka ku qarxiyay magaalada Nagasaki ee dalka Japan, taariikhdu markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1945-kii.

    Hase yeeshee xog aad u culus oo ku saabsan sida Bambadaas loo sameeyay ayaa loo gudbiyay midowgii soviet, waxaana macluumaadkaas bixiyay nin ka tirsanaa dadkii ka qeyb galay mashruucii lagu farsameeyay nuclear-kii ugu horreeyay adduunka ee uu Mareykanku soo saaray.

  18. Trump oo ka hadlay xarigi boqorka Ingiriiska walaalkiisa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka hadlay xariga Andrew Mountbatten-Windsor, oo la dhashay boqorka Ingiriiska.

    Weriyeyaal ayaa qayb ka ah safar uu madaxweyne Trump maanta ku tagayo Georgia.

    Mid kamid ah weriyaashaas la socda madaxweynaha, ayaa sheegay in Trump si kooban uga hadlay kiiska Andrew, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inay tahay "wax laga xumaado".

    "Waxaan u maleynayaa inay tahay wax aad looga xumaado, umana wanaagsana qoyska Boqortooyada. Aad iyo aad ayay u murugo badan tahay," ayuu yiri. "Aniga ahaan, waxay ila tahay wax aad u murugo badan.", ayuu yiri Trump.

    Trump ayaa sidoo kale si kooban u soo hadal qaaday Boqor Charles-ka Ingiriiska, kaasoo uu sheegay inuu dhawaan tegi doono Mareykanka.

    "Boqorka waa nin aad u wanaagsan," ayuu yiri.

    Madaxweynaha ayaa hadallo kuwan la mid ah jeediyay bishii Nofeembar, isagoo sheegay inuu "aad uga xun yahay" qoyska Boqortooyada ka dib markii Andrew laga qaaday darajadiisa.

    Andrew Mountbatten-Windsor oo la dhashay boqorka Ingiriiska ayaa la siidaayay, kaas oo la xiray kadib markii looga shakiyay xad gudub uu ku sameeyay xafiis dadweyne.

    Xarga Waxay timid ka dib markii Booliska ay sheegeen inay qiimeynayaan cabashada ku saabsan eedeymo la sheegay ooah in amiirka hore uu la wadaagay dambiilaha galmada ee Jeffrey Epstein waxyaabo sir ah .

    Amiirkii hore ayaa si joogto ah oo adag u dafiray wax khalad ah oo la xiriira Epstein.

    Waxaa uu Trump dhanka kale sheegay in aanay jirin cid ka hadli jirtay Epstein markii u noolaa, balse haatan markii uu geeriyooday laga hadlayo.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  19. Mid kamid ah gabdhihii uu muuqaalka ka duubay ninka Ruushka ah oo BBC la hadlay

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Mid ka mida hawenkii la sheegay in muuqaallo qarsoodi ah uu ka duubay in u dhashay Ruusha intii uu booqanayey dalka Ghana ayaa ka hadashay xiriirkii ay la lahayd.

    Haweeneyda, oo aan la aqoonsan, ayaa u sheegtay BBC Pidgin, inay diiday ninka, oo mas'uuliyiinta Ghana ay xaqiijiyeen inuu yahay muwaadin Ruush ah, Janaayo 22, 2026.

    Baraha bulshada waxaa ku baahay sawirro si xawli ah u wareegaya oo ah haween badan oo la sheegay inay galmo la sameeyeen oo uu si qarsoodi ah u duubay ninka Ruushka ah intii ku suganaa dalalka Ghana iyo Kenya.

    Sida laga soo xigtay Wasiirka Isgaarsiinta ee dalka, Samuel George, baaritaan ay sameeyeen mas'uuliyiinta amniga internetka ayaa muujiyay in Vladislav Liulkov "uu duubay dhacdooyin gaar ah oo uu la sameeyay qaar ka mid ah haweenkan isla markaana uu dakhli ka helay macluumaadkan baraha dijitaalka ah.".

    Mas'uuliyiinta Ghana ayaa BBC-da u sheegay in qaar ka mid ah dhibanayaasha ay horey cabashooyin rasmi ah ugu gudbiyeen hay'adda amniga internetka iyo Waaxda Baarista Dambiyada ee booliiska (CID).

    Wasiirka Arrimaha Jinsiga, Carruurta iyo Ilaalinta Bulshada, Agnes Naa Momo Lartey, ayaa sheegtay in xafiiskeedu uu bixinayo taageero maskaxeed oo loogu talagalay dhibanayaasha soo muuqday.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  20. Duuliyihii meydka Siyaad Barre sida qarsoodiga ku keenay Soomaaliya oo markii ugu horreysay hadlay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    31 sano ka hor maanta oo kale, Xuseen Maxamed Canshuur iyo Maxamed Aadan (Maxamed Dheere) oo ah laba duuliye oo Kenyaan ah waxaa xafiiskooda ku yaallay garoonka diyaaradaha ee Wilson oo ku dhow caasimadda Nairobi, soo gaartay shaqo aan la filayn, taas oo xasaasi ahayd, halis waynna ay ku hoos duugneyd.

    Xuseen iyo Maxamed oo shaqo maalmeedkooda ku jira waxaa u yimid diblomaasi u dhashay dalka Nayjeeriya, kaas oo ka codsaday in meydka hoggaamiyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre ay diyaaradooda u soo qaado dalkiisa hooyo si loogu aaso, kaddib markii uu ku geeriyooday Lagos oo uu magangalyo siyaasadeed ku joogay Nayjeeriya isagoo 80 jir ah.

    Maxamed Canshuur oo hore u ahaan jiray Kabtan ka tirsan Ciidamada cirka dalka Kenya, waxa ay Maxamed Aadan wada lahaayeen shirkadda duulimaadka Bluebird oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn Kenya, isla markaana ay aasaaseen dhowr sano ka hor waqtigaas.

    Isaga oo markii ugu horreysay warbaahinta kala hadlay hawlgalkan, Canshuur waxa uu BBC-da u sheegay in diblomaasigii Nayjeeriyaanka ahaa uu si toos ah isku dul-taagay arrinta uu doonayay, kana codsaday isaga iyo Maxamed in ay " ka kireeyaan diyaaraddooda oo si qarsoodi ah ugu qaadaan meydka marxuumka laga soo qaadayo magaalada Lagos ee Nayjeeriya, lana geeyo magaalada Garbahaarrey ee koonfurta Soomaaliya si halkaas loogu aaso Siyaad Barre.

    Waxa uu sheegay in codsigaas uu ahaa mid aad loola yaabo "Isla markiiba waan garannay in safarkaan uusan ahayn duulimaad caadi ah."