Ninkii reer Equatorial Guinea ee xafiiskiisa ku dhex sameeyey muuqaallada galmada ah oo la xukumay

Xigashada Sawirka, Baltasar Ebang Engonga / Facebook
Maxkamadda gobolka Bioko ee dalka Equatorial Guinea ayaa 8 sano oo xarig ah ku xukuntay Baltasar Ebang Engonga oo ahaa madaxii hore ee Hay'adda Baarista Maaliyadda Qaranka (NFIA), kaddib markii lagu helay lunsasho hanti dadweyne iyo hanti uu si sharci darro ah u qaatay.
Engonga oo ay wehliyaan shan sarkaal oo kale ayaa lagu helay dambi ah in ay xadeen lacag boqolaal kun oo dollar ah oo lagala baxay khasnadda qaranka, islamarkaana dhaqaalahaasi ay u isticmaaleen danahooda gaarka ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku xukuntay in ay bixiyaan ganaax lacageed oo aad u badan. Engonga ayaa lagu ganaaxi doonaa $220,000, halka saraakiisha kale ee lagu soo oogay inay gacan ku lahaayeen dembigaasi lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.
Baltasar Ebang Engonga waxa abti u ah ah madaxweyne Teodoro Obiang Nguema, kaas oo xukunka hayay tan iyo sanadkii 1979-kii, kaas oo ay da'diisu tahay 82 jir. Engonga waxa uu ka mid ahaa dadka loo arko in ay ku soo bixi karaan xilka Madaxweynaha. Xukunka ayaa muujinaya caqabadaha culus ee hortaagan la xisaabtanka madaxda dowladda, gaar ahaan dal qani ku ah shidaalka balse sidoo kale ay ka jirto dhaqaale xumo.
Sidee muuqaallada galmada ah ee uu sameeyay ay ugu keeneen fadeexo baahday?
Marka laga soo tago eedeymaha maaliyadeed, Engonga waxa uu la kulamay sumcad daro baahday ka dib markii dhowr fiidiyow oo galmo ah lagu baahiyay internetka. Muuqaallada ayaa waxaa ku lug leh isaga iyo xaasaska madaxda kale ee dowladda.
Qaar ka mid ah haweenka muuqaallada laga soo duubay ayaa ahaa xaasaska ama kuwa qaraabo la ahaa madaxda awoodda ku leh dalkaas, taas oo ka dhigtay in sheekadan si weyn loogusoo hadal qaado warbaahinta iyo baraha bulshada ee caalamka.
Boqolaal muqaallo fiidiyoow ah ayaa lagu faafiyay internetka, si degdeg ah ayey dadku u ogaadeen. Muuqaaladan ayaa muujinaya noloshiisii gaarka ahayd ee Engonga iyo xiriirkiisii jacayl ee uu lahaa, taas oo magaciisa huwisay ceeb caalami ah.
Dhacdadan ayaa dhalisay dood weyn oo ku saabsan nolosha saraakiisha dawladda iyo baraha bulshada, taas oo muujinaysa sida muuqaallada gaarka ah ay si dhakhso ah ugu faafi karaan una abuuri karaan sumcad daro baahday oo ceeb ah, xitaa iyada oo aan lahay saameyn sharci ah.
In kasta oo muuqaalladani aanay qayb ka ahayn eedeymaha maxkamadda, waxay si weyn uga qayb qaateen muuqaalkiisa guud iyo taariikhdiisa hadda jirta.
Waa kuma Baltasar Engonga?

Xigashada Sawirka, Baltasar Ebang Engonga
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Baltasar Ebang Engonga waxaa uu ka mid ahaa madaxda xukuumadda Equatorial Guinea waana siyaasi. Da'diisa ayaa lagu sheegay inuu yahay yahay 54 jir.
Waxa uu ahaa madaxa Hay'adda Baaritaanka dambiyada la xiriira Maaliyadda ee Qaranka (ANIF).
1998-kii ayuu shaqada dowladda bilaabay markii loo magacaabay wasiirka waxbarashada.
Mr Engonga wuxuu ka shaqeeyaa wax ka qabashada dambiyada maaliyadeed sida lacagaha sida sharci darada ah loo kala gudbiyo.
Baltasar Ebang Engonga waa wiilka Baltasar Engonga Edjoo, oo ah madaxa bulshada dhaqaalaha iyo lacagta ee bartamaha Afrika (CEMAC). Waa xaasle, wuxuuna leeyahay lix carruur ah.
Dumarka uu galmada la sameeyey ee uu fiidiyowyada ka duubay ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 400.
Muqaalada su'aalaha la iska weydiinayo ayaa la faafiyay ka dib markii Mr Engonga loo xiray eedeymo musuqmaasuq oo kala duwan, waxaa sidaasi sheegay telefishinka dowladda.
Intii lagu guda jiray baaritaanka ayaa waxaa ay saraakiisha gacanta ku dhigeen kombuyuutar uu isticmaalayay Baltasar Ebang Engonga, halkaasi oo laga helay muuqaalo galmo ah ka dibna ku faafay baraha bulshada.













