Haweeney ka baryeysa Elon Musk in uu ka saaro bartiisa sawiro lagu xadgudbayo yaraanteedi

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gabar yar oo dhibane u ah farxumeyn loo geystay markii ay ilmaha aheyd ayaa weydiisatay Elon Musk in uu joojiyo muuqaallada faraxumeynta ee lagu baahinayo shirkadiisa X.

"Markii aan maqlay xadgudubkii aan la kulmay iyo kuwa kale oo ku dhacay dad kale in ay ku jiraan baraha bulshada sida alaab la iibinayo, waa wax laga xumaado" ayey tiri gabadhaas oo magacaadi la qariyay loona bixiyay Zora, waxay ku nooshahay Mareykanka. Markii ay la kulantay xadugudbka waxaa laga joogaa 20 sano.

"Markasta oo qof sii iibiyo waxyaabo carruur la faraxumeynayo, waxay dib u soo kicinayaan wixii hore u dhacay," ayey tiri Zora.

Shirkada X waxay sheegeen in aysan aqbaleynin waxybaaha la xiriira faraxumeynta carruurta, waxayna sheegeen in ay la dagaallamayaan kuwa ka faa'ideysanaya carruurta.

BBC-da ayaa heshay muuqaalka Zora xili ay baarayeen carruurta muuqaalada carruur lagu sameeyo galmada ganacsi.

Machadka caalamiga ee badbaada carruurta oo ah urur ka shaqeeya wacyigelinta xagudubka galmo ee loo geysto carruurta ayaa ku qiyaasay in balaayiin doolar laga sameeyo.

Waxybaaha ay BBC-da heshay waxaa ku jira kumanyaal muuqaaladaas ah oo lagu kala iibinayo barta X.

BBC-da ayaa qofka iibinayay barta Telegram kula xiriirtay taas oo horseeday in la helo bangiga shaqsi ku nool magaalada Jakarta ee dalka Indonesia.

Zora waxaa xadgudubka u geystay qof ehelkeeda ah. Sawirro iyadoo xadgudub loo geysanayo ayaa si baahsan loo wadaagaa, waxaana daneeya kuwa carruurta xadgudubka u geysta ee jecel.

Dhibanayaal kale ayaa xaalad midan la mid ah wajaha iyadoo ilaa maanta muuqaalada xadgudubka ay ku jiraan internetka.

"Jirkeyga badeeco ma ahan. Ma noqon, ma ahaan doondo," ayey tiri Zora oo careysan, waxayna intaas ku dartay, "kuwa wadaaga waxybaahan ma ahan kuwa iska arkay ee qeyb ayey ka yihiihn".

Dabagalka akoonka barta X

Muuqaallada Zora markii hore waxay ku jireen bogag qarxsoon balse hadda waa in ay aqbashaaa xaqiiqda ah in ay ku jiraan barta X oo si cad loo suuqeynayo.

Shirkadaha baraha bulshada leh waxay isku dayayaan in ay ka sifeeyaan barahooda waxybaahan sharcidarada ah balse waxay la kulmaan dhibaato badan.

Sanadkii la soo dhaafay oo kaliya xarunta NCMEC oo ah xarun ka shaqeeysa carruurta la la'yahay iyo kuwa lagu xadgudbo ayaa sheegtay in ay heleen warbixino ka badan 20 milyan oo ku saabsan waxybaaha carruurta lagu xadgudbo.

NCMEC waxay iskudayda in ay aqoonsato dambiilayaasha iyo dhibanayaasha kaddibna ay la xiriirta booliska iyo garsoorka.

BBC-da waxay la xiriirtay dhaqdhaqaaqeyaal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shaqsiga iska leh akoonka waxa uu u muuqdaa qof ku nool Indonesia halkaas oo uu sheegayo in uu hayo kuwa kale oo iib ah.

Dhaqdhaqaaqayaal qarsoon ayaa ka shaqeynaya in ay soo sheegaan akoonadan shaqsigan ku leeyahay barta X si shirkada ay uga saarto balse markata oo ay sidaan dhacdo waxay furtaan mid kale.

Shaqsiga iibinaya muuqaalada waxa uu ku shaqeeya in ka badan 100 akoon. Dhaqdhaqaaqayaasha waxay noo sheegeen markii ay Telegramka kula xiriireen in uu hayo kumanyaal sawiro iyo fidiyow oo iib ah.

Khubaro ilaalinta carruurta

Sawirada uu hayo waxaa ku jira kuwa Zora. Shaqsiga xadgudubka u geystay waxaa lagu xiray Mareykanka sanado badan ka hor.

Zora waxay sheegtay in ay sanado isku dayeysay in ay ka gudubto wixii soo maray oo aysan saameyn ku yeelan mustaqbalkeeda.

Sida lagu raadiyay iibiyaha sawirada

Si loo helo qofka iibinayay sawirada Zora waxaan iska dhignay sida qof iibsanaya. Kaddib wuxuu noo soo diray xogta bangigiisa iyo akoon internetka oo lacagta lagu bixiyo. Labadaba isku magac ayaa ku qoran.

Dhaqdhaqaaqe qarsoon ayaa soo helay in akoonkiisa lala xiriiriyay labo lacagood oo loo xawilay iyo bangi kale.

Waxaan soo helnay in nikaas uu yahay shaqsi ku nool bannaanka magaalada caasimada Indonesia ee Jakarta.

Wariye ka tirsan BBC-da ayaa booqday cinwaanka oo la kulmay ninka. Markii uu arkay cadeynta wuu naxay. "Waxba arrintan kama garanayo" ayuu yiri.

Ninkan waxa uu sheegay in mid ka mid ah bangiyada uu isagu leeyahay kaas oo hal mar loo isticmaalay in guri lagu gato, ilaa markaa kaddibna aan la isticmaalin. Wuxuu beeniyay in uu yaqaano bangiyada kale ee loo sheegay. Ma ogin ilaa inta uu ku lug leeyahay falalkan.

Caasimada Indonesia ee Jakarta

Baaristeena waxaan ku helnay in muuqaalada Zora ay ka ganacsadan boqolaal adduunka kala joogta.

Muuqaalo kale oo la soo dhigay barta X ayaa waxaa isticmaala kuwa la yaqaano, waxaana laga qaaday carruur la yaqaan.

Elon Mus wuxuu sheegay in muuqaalada carruurta lagu xadgudbayo ay ka saaran barta X ay tahay mid ugu jirtay "mudnaanta koowaad" markii uu yimid X sanadkii 2022-kii.

Elon Musk , madaxa shirkadda X

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Guud ahaan baraha bulshada wax badan ayey ka qaban karaan sidii looga hortagi lahaa dambiilayaasha soo dhigaya waxyaabo kuwan la mid ah.

Dhibaatada ayaa la sheegay in ay tahay in dadka isticmaala barta la xiray ay degdeg dib ugu soo laaban karaan.

Telegram waxay sheegeen, "dhammaan barta waa lala socdaa waxaana la mamnuucay sanadkan 2025 kooxo ka badan 565,000".

Waxay kaloo sheegeen Telegram in dad ka badan kun ay ka shaqeeyaan howshan in ay la socdaan