Maxaad ka ogtahay Barfuunada qaaliga ee soo saaristooda loo adeegsado caruuta yaryar?

Baadhitaan ay BBC-du ku samaysay shirkadaha soosaara cadarka xagaagii hore ayaa lagu ogaaday in ubaxa Jasmine oo ay adeegsadaan shirkadaha Lancôme iyo Aerin Beauty ay soo gureen carruur aan qaan-gaarin.
Dhammaan shirkadaha cadarka qaaliga ah waxay sheeganayaan inaysan wax dulqaad ah u lahayn ku shaqaysiga carruurta.
L'Oréal, oo ah milkiilaha Lancome, ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay ixtiraamto xuquuqda aadanaha. Estée Lauder, milkiilaha Aerin Beauty, ayaa sheegtay inay la xiriirtay alaab-qeybiyeyaasheeda.
Jasmine-ka loo isticmaalo Lancôme Idôle L'Intense - iyo Ikat Jasmine iyo Limone Di Sicilia ee Aerin Beauty - waxay ka timaadaa Masar, taas oo soo saarta kala badh sahayda adduunka ee ubaxa jasmine - oo muhiim u ah samaynta cadarka.
Dadka u dhuun daloola wershadaha ayaa noo sheegay in shirkado badan oo leh suuqyo wax-soosaar oo sameeya cadarrada qaaliga ah ay yareeyeen lacagaha, taas oo sababtay in dadka soo gura ubaxa Jasmin ay qaataan lacag yar. Dadka Masaarida ah ee soo gura cadarka Jasmin ayaa sheegay in ay tani ku qasabtay in ay carruurtoodana ka qayb noqdaan gurida ubaxan.
BBC-da ayaa ogtaatay in hababka baadhitaanka xisaabeed ee warshadaha cadarka ay u isticmaalaan si ay u eegaan silsiladaha wax-soosaar ay tahay mid aad u daciif ah.
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan noocyada addoonsiga ee casriga ah, Tomoya Obokata, ayaa sheegay in uu dhibsaday caddaymaha BBC-du ay usoo bandhigtay dadka ku xidhan oo ay ku soo bandhigtay muuqaal si qarsoodi ah looga duubay beeraha uu ka baxo Ubaxa Jasmine ee Masar intii lagu jiray xilli gurashadii sanadkii tagay.
"Warqadaha, waxay ballanqaadayaan waxyaabo badan oo wanaagsan, sida hufnaanta silsiladda waxsoosaar iyo dagaalka ka dhanka ah shaqaalaysiga carruurta. Marka la eego muuqaalkan, dhab ahaantii ma samaynayaan waxyaabo ay ballanqaadeen inay samayn doonaan."
Heba - oo ku nool tuulo ku taal degmada Gharbia, ee xudunta u ah gobolka lagasoo saaro ubaxa Jasmiin ee Masar - waxay toosisay qoyskeeda 03:00 si ay u bilaabaan guridda ubaxa ka hor inta aan kulaylka qorraxdu waxyeello u geysan.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Heba waxay sheegtay inay u baahan tahay afarteeda carruur ah - da'doodu u dhaxayso 5 ilaa 15 - inay caawiyaan. Sida ay sameeyaan badi dadka gura ubaxa jasmine ee Masar, iyadu waa waxa loo yaqaan "ubax gure madaxbannaan" oo ka shaqeysa beer yar yar. Marwalba oo iyada iyo carruurteedu soo gooyaan ubax badan waa marwalba oo ay helaan dakhli badan.
Habeenkii ay BBC-du filimka ka duubaysay, iyada iyo carruurteedu waxa ay ku guulaysteen in ay soo goostaan 1.5kg oo ubaxa Jasmiin ah. Ka dib markii ay bixisay saddex meelood meel dakhligeedii mulkiilaha dhulka, waxa looga tagay qiyaastii US$1. hawshii habeenkaas. Tani waa mid ka qiimo yar sidii hore, marka loo eego sicir-bararka Masar oo maraya heerkii ugu sarreeyey abid, dadka wax gurana waxay inta badan ku nool yihiin meel ka hoosaysa xariiqda faqriga.
Gabadha Heba oo 10 jir ah magaceeduna yahay Basmalla ayaa sidoo kale laga helay xasaasiyad daran oo indhaha ah. Wadatashi caafimaad oo aanu la yeelanay, dhakhtarku waxa uu u sheegay in arageeda uu saamayn doono haddi ay sii wado gurida ubaxa jasmin iyada oo aan la dawayn caabuqa.
Marka ubaxa Yaasmiin la soo qaado oo la miisaamo, waxaa lagu wareejiyaa iyada oo loo sii marayo goobaha ururinta mid ka mid ah dhowr warshadood oo maxalli ah oo saliid ka soo saara ubaxa - saddexda ugu waaweyn waa A Fakhry iyo Co, Hashem Brothers iyo Machalico. Sannad kasta, waa warshadihii jaangooyay qiimaha yaasmiinada ee ay soo guraan dadka sida Heba.
Way adag tahay in si sax ah loo sheego tirada 30,000 ee qof ee ku lug leh warshadaha yaasiinka Masar ay yihiin carruur. Laakin xagaagii 2023 BBC-da ayaa duubtay gobolkan oo ay la hadashay dad badan oo deggan kuwaas oo noo sheegay qiimaha jaban ee jasmine ay la macno tahay inay u baahan yihiin inay carruurtooda ku daraan shaqadooda.

Qareen Sarah Dadush, oo ah aasaasaha Mashruuca Qandaraasyada Mas'uulka ah, kaas oo doonaya in lagu horumariyo xuquuqul insaanka ee silsiladaha waxsoosaar ayaa sheegtay in baadhitaanka BBC-da "uu muujinayo... in nidaamyadaas aysan shaqeyneynin".
Arrintu, ayay tidhi, “Hantidhawrayaashu waxa ay baadhayaan oo kaliya waxa la siiyay si ay u xisaabiyaan”, tanina waxa laga yaabaa in aanay ku jirin qiimaha la siiyo shaqaalaha – “sababta ugu weyn” ee shaqaalaysiga carruurta.
Fakhry iyo Co waxay noo sheegeen in ku shaqeysiga caruurtu ay mamnuuc ka tahay beertooda iyo warshadooda labadaba, laakiin inta badan ubaxyadooda ay keenaan soo gurayaal madax banaan. "2018-kii, iyadoo la kormeerayo UEBT, waxaan bilownay Mashruuca Yaraynta Waxsoosaarka Ilaalinta Dhirta ee Jasmine, kaas oo mamnuucaya shakhsiyaadka ka yar da'da 18 ee ka shaqeeya beeraha." Waxa ay intaa ku dartay in "halbeeg kasta oo la mid ah Masar, gurashada ubaxa Jasmin ay tahay mid si wanaagsan loo bixiyo".
Machalico waxa uu sheegay in aanay isticmaalin dadka da’doodu ka yar tahay 18-sano, waxa uuna sheegay in ay kordhiyeen qiimihii ay ku iibsan jireen Jasmine-ka labadii sano ee lasoo dhaafay, ayna mar kale sameyn doonaan sanadkan. Hashem Brothers waxa uu sheegay in warbixintayadu ay "ku salaysan tahay xog marin-habaabin ah".
Estée Lauder ayaa tiri: "Waxaan aaminsanahay in xuquuqda carruurta oo dhan la ilaaliyo. Waxaana la xiriirnay dadka aan waxkasoo gadano si aan u baarno arrintan aadka u culus. Waxaan aqoonsannahay jawiga dhaqan-dhaqaale ee adag ee ku xeeran silsiladda jasmine-ka deegaanka, waxaanan qaadaynaa tallaabo in aan helo hufnaan wanaagsan iyo in laga shaqeeyo horumarinta hab-nololeedyada bulshooyinka wax soo saara."
Dib markaan ugu noqono Gharbia, Heba oo ubaxa gurta way naxday markaan u sheegnay qiimaha cadarka lagu iibiyo suuqyada caalamiga ah.
"Dadka halkan jooga qiimaba malahan," ayay tidhi.
"Waxba uma qabo dadka isticmaalaya cadarka, laakiin waxaan rabaa in dadka isticmaalaya cadarkan ay arkaan xanuunka carruurta ay maraan kana hadlaan."
Laakin qareenka Sarah Dadush ayaa sheegtay in mas'uuliyadda aysan saarneyn macaamilka.
"Tani dhib ma ahan in aan xalino, waxaan u baahanahay sharci...waxaan u baahanahay la xisaabtanka shirkadaha, taasina kaliya kuma ekaan karto macaamiisha."













